OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Tababar ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeisa 16/2/2015, kaasoo u jeedadiisu ahayd sidii qiimayn loogu samayn lahaa  baahida Xirfada shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo ka kooban 14 Xubnood oo ka kala yimid Gobalada iyo Degmooyinka dalka.

Tababarkan waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga  iyo hawlwadeenada Wasaaradda ee fulanaya Mashaaruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF

 

Tababarkan waxa uu hordhac u yahay samaynta qorshaha tababarada kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha Wasaaradda iya kala mudnaantooda.Mudadii uu kulanku socday ayey ka soo qaybgalayaashu ka warameen baahiyaha  ugu waawayn ee xaga tababarada. Waxa la rajaynayaa in la sameeyo qorshe ku saabsan tababarada loogu talagalay awood dhisida xirfada shaqaalaha iyadoo loo qabanayo tababaro iyo kulamo kor loogu qaadayo xirfada shaqaalaha.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxa uu u qondeeyey  Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga lacaga lagu fulinayo kor u qaadida Maamulka Mashaariicda Khayraadka Dabiiciga iyo Kaymaha

Sanduuq Horumarinta Somaliland waxa loogu talagalay in Dawalada Somaliland lagu caawiyo sidii ay u fulin lahayd Mashaariicda Qorsha Horuminta Qaranka (NDP), waxaan socon doona mudo 4 sano ah. Waxa   maalgaliyana Deeq bixiyayaasha DFID, DANIDA Iyo Dawladaha Norway iyo Netherlands

Leave your comments

Post comment as a guest

0
  • No comments found
TodayToday62
YesterdayYesterday174
This WeekThis Week726
This MonthThis Month62
All DaysAll Days5355
UNITED STATES
US

This page uses the IP-to-Country Database provided by WebHosting.Info (http://www.webhosting.info), available from http://ip-to-country.webhosting.info