OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Maalinta caalamiga ah ee deegaanka oo sannad kasta la xuso 5-ta June ayaa si wayn looga xusay Jamhuuriyadda Somaliland. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta  Reer Miyiga ayaa Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa ku qabatay  munaasabad balaadhan oo lagu xusayo maalintan  oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale. Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa ah “Dhiiri galinta Tamarta Badalka u Noqon Karta Dhuxusha iyo Xaabada

Marwadda Koowaad ee Qaranka Somaliland Aamina Waris Sh. Maxamuud Jirde oo   furitaanka munaasabadda ka hadashay ayaa tidhi “Nolosha dhaqan dhaqaale ee dadka reer Somaliland waxay ku tiirsan tahay xoolaha nool,dalaga beeraha iyo khayraadka dhirta, taasi waxay marag madoon u tahay sida tooska ah iyo sida dadban ee nolosha dadka Somaliland ugu tiirsan tahay dhirta iyo daaqa. Hadaba, maanta oo ah maalin wayn anigoo ka faa’idaysanaya fursadan qaaliga ah waxaan bulshada reer somaliland u sheegayaa inay deegaanka dalkooda ilaashadaan, oo ay feejignaan dheer u yeeshaan cidkasta oo burburinaysa; hadaanay bulsho waynta reer somaliland la shaqayn Wasaaradda Deegaanka suurtagal noqon mayso in Wasaaraddu geed walba ay askari iyo qof shaqaala  ah hoos dhigto”

Dhanka kalena, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Hourmarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare), ayaa iyaduna ka warrantay ahmiyadda deegaanku u leeyahay nolosha iyadoo fasir ka bixisay dhibaatadda ugu badan ee hadda haysata oo ay ku tilmaantay gummaadka dhirta qoyan ee laga shidayo dhuxusha, waxaanay tidhi “waad arkaysaan maanta dhibaatada ina haysata  ee ay keentay cimiladda isbeshay hawadii ayaa kululaatay, cadceedi ayaad mooda in dusheena la saaray , roobabkii ayaa yaraaday oo inaga raagay , markaa maanta waxay u baahanahay haweenow idinkaa kijada ku jiree in aynu bedelno isticmaalka dhuxusha oo aynu ku bedelno tamarta kale

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka ayaa isaguna ka waramay muhiimadda xuska maalinta iyo sida ay muhiimka u tahay in la isku baraarujiyo hadba wixii deegaanka dhibaato ku haya waxaanu sheegay  in nolosha dadkeeenu ku xidhantahay wax soosaarka deegaanka dadka aduunkana aynu uga nugul nahay waxyeeladda cimiladda isbedelaysaa waxaanu yidhi “Nolosheenu waxay ku xidhantahay xoolaha, xoolaha noloshoodu waxay ku xidhatahay daaqa dhulka ka soo baxa hadii daaqa la waayana xoolaha la waayi doona, hadii xoolaha la waayana nolosheena la waayi doonaa”

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiiro ka tirsan xukuumada iyo xubno ka socday shirkadaha tamarta dhuxusha lagu beddelayo  keenay, dhammaantoodna waxay dhiirigaliyeen in la ilaaliyo deeganka lagana takhaluso wixii dhibaato ku keenaya oo ay ugu horrayso gubidda dhirta si dhuxul looga sameeyo.

Wasaaradda degaanku iyada oo la kaashanaysa Wasaaraddaha Ganacsiga, Maaliyada iyo Tamarta waxay ku guulaysteen  in cashuur dhaaf loo sameeyo tamaraha badalka u noqon karta dhuxusha iyo xaabada sida gaasta hawada ah ee la shito (Butane gas), cashuur dhaafkaas oo loo sameeyay wuxuu keenay in qiimahoodu hoos u dhaco oo taasina ay keentay in dad badani iibsadaan. Tusaale  ahaan  haanta 10 kg ee gaasta la shito ah shirkada SomGas waxay siin jirtay 30 Dollar bilawgii, halka manta ay ku iibiyaan 20 Dollar.

Sidoo kale, Wasaaradda Degaanku waxay ka howl gashay sidii loo dhiiri galin lahaa isticmaalka geedka garan waaga (prosopis) oo laga heli karo xaabo iyo dhuxulba, taas oo badal u noqon karta dhirta kale ee la gumaadayo. Waxaa cilmi baadhiso badan oo laga sameeyay lugu ogaaday in geedka garan waagu noqon karo badal fiican, kaas oo buuxin kara kaalinta dhirta kale.

Wasaaradda degaanku waxa kale oo ay ku guulaysatay in la sameeyo xeerka kaymaha iyo duur-joogta 69/2015. Xeer kaasi wuxuu wax wayn ka tari doonaa ilaainta iyo daryeelka dhirta iyo duur-joogta.

Ugu danbaynna, Wasaaradda Deegaanku waxay ugu baaqaysaa bulshada Somaliland in ay daryeelaan deegaanka, waayo deegaanka fayow ee badqaba ayuun baa lagu noolaan karaa, waana waajib saaran qof kasta oo muwaadin ah inuu dalkiisa iyo dhulkiisa ka ilaaliyo wixii dhibaato u keenaya.