OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Wasiirada wasaaradaha caafimadka iyo wax barashada oo si wada jira u dhagax dhigay bilowga dib udhiska cisbitaalka iyo Dugsigii hoyga ahaa ee magaalada Lasaanood

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mudane Salebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdillahi Ibrahim Habane (Cabdillahi-dheere) ayaa manta si wada jira u dhagax dhigay dib udhiska iyo qalabeynta cisbitaalka guud ee iyo Dugsigii hoyga ahaa ee magaalada Laascaanood.

Xaflad lagu dhagax dhigayey bilowga mashaariicdan ayaa waxay ka qabsoontay magaalada Laascaanood waxaana ka soo qayb galay Madax ay ka mid yihiin Wasiirada wasaaradha Waxbarashda, Caafimaadka, agaasimaha guud ee machadka tobabarka shaqaalaha dawlada, Maayarka magaalada Lascaanood, badhasaab ku xigeenka, saraakiil ka socotay ciidama qaranka, booliska, shirkadaha ku guulaytay qandaraasyada dhimaha mashaariicdan iyo bulshada ku nool degmada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Cibtitaalkan guud ee magaalada laascaanood ayaa waxaa ladhisay sanadihii 1945-1947kii tan iyo xilligaana dayactir wax ku ool ah marna laguma sameynin. Taasina waxay sababtay in cisbitaalku kafeyn waayo baahiyaha caafimaad ee gobolka iyo magaalada. Waxa istaagay inta badan adeegyadii caafimaad ee uu cisbitaalku bixinjiray bukaankana waxa looqaadaa magaalooyinka Buco iyo Hargeysa oo masaafo aad ufog kuyaal. Mashruucan waxa uu dib udhis iyo tayactir ku sameyn doonaa dhismayaasha cisbitaalka iyadoo lana qalabeyndoono. Waxa la dhisi doonaa habmaamulka iyo tayada shaqaalaha ka howlgala cisbitaalka si ay u siiyaan adeeg caafimaad oo hufan bulshada ku dhaqan gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

Mashaariicdan la dhagax dhigay waxa isna ka mid ah mashruuc dhanka waxbarashada ah kaas oo dib udhis iyo qalabayn ku sameyn doona Dugsi hoy (boodhin) ah kuna yaal magaalada Laascaanood. Dugsigan taariikhiga ah oo ay ka aflaxeen dad farabadan wakhtiyadii uu shaqeenayay ayaa burbursanaa muddo.

Intii ay socotay xafladdan lagu dhagax dhigayey mashaariicdan horumarineed ayaa waxa ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka Mudane Saleeban Ciise Axmed (Xaglo toosiye) waxaanu ka waramay muhiimadda uu leeyahay cisbitaalkan magaalada Laascaanood isagoo tibaaxay in uu mashruucu ka koobnaan doono dib udhiska dhismayaashii hore, iyo dhisidda kuwo cusub sidoo kalena waxaa uu sheegay in la keeni doono dhakhaatiir khibradleh oo ay ka mid yihiin dhakhtarka qalliintka, suxiyi, iyo dakhtarka dumarka. Wasiirka oo la dar daarmaya bulshada ku dhaqan gobalka Sool ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweeyaan shirkadaha ku guulaystay dhismaha cisbitaalka iyo dugsiga lana shaqeeyaan dadka ka shaqaynaya cibitaalka.

Wasiirka wasaarada wax barashada mudane Cabdilahi Ibrahim Habane ayaa dhankiisa ka hadlay munaasibadan waxaanu ka waramay muhiimada uu leeyahay dib udhiska iyo soo noolaynta dugsigan taariikhiga ah sheegayna in mudo laba sano ah ay gacanta ku hayn doonaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasibadan maamulayasha labada mashruuc oo dhankooda ku booriyey bulshada reer Laascaanood inay soo dhaweeyaan cid kasta oo ka hawlgaleysa horumarinta gobalka Sool.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waa deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo Dawladda si ay u hirgeliso Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan). Sanduuqa waxa maalagalinaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawalda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), dawladaha Norway iyo Netherland.