OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Wasiiradda wasaaradaha waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa si wada jira u gudoon siiyey shahaadooyin 25 kamida shaqaalaha wasaaradaha waxbarashada,Caafimadka iyo Qorshaynta ee gobalka sool oo mudo 7 bilood ah baranayey maaraynta iyo maamulka mashaariicda .

Xaflad lagu soo xidhay tobabarkan ayaa waxaa ay ka qabsoontay hall-ka shirarka wasaaradda caafimadka ee magaalada laas-anood ,waxaana ka soo qayb galay wasiirka wasaarada waxbarshada Md C.laahi Ibraahim habane, wasiirka wasaarada caafimadka Md Saleeban Ciise Ahmed(Xaglo –toosiye ),Maayarka Magaalada Las-canood ,badhasaab ku xigeenka gobalka Agaasimaha Guud ee Machadka Tobabarka shaqaalaha dawlada Guiled Omar ,saladiin bulshawaynta ku nool magaalada laas-canood iyo shaqaalaha wasaaradaha qorshaynta,caafimadka iyo wax barashada ee gobalka laas-canood

Ujeedada tobabarkan ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqooneed ee shaqaalaha dawlada Somaliland waxaana laga maal galinayaa sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF Waxaana fulinaya Machadka tobabarka shaqaalaha dawlada Somaliland ee CSI.

Intii xafladu socotay waxaa lasoo bandhigay mashaariic kala duwan oo ay diyaariyeen   wasaaradihii qaadaneyey tobabarkan .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee machadka tobabarka shaqaalaha dawlada mudane Gulled Omer waxaana uu ka waramay ujeedada tobabrkan iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay shaqaalaha dawladu unoqon lahaayeen shaqaale tayo leh

Sidoo kale waxaa isna madashasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Caafimadka mudane Saleeban Ciise Ahmed (Xaglo toosiye)ayaa isna dhankiisa kula dar daarmay shaqalaha tobabarkan qaatay inay bulshada uga faa,ideeyaan aqoonta ay barteen,dhanka kalena umahad celiyey shaqalahu sida fiican ee ay u dhamaysteen tobabarkani.

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada waxbarasha Mudane C.laahi Ibraahin habane ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ujeedada loo tababarayo shaqaalaha wasaarada caafimadka ,waxbarashada iyo qorshayntaba waa sidii loo heli lahaa maamul fiican”sidoo kalena waxaa uu kula dardaarmay shaqaalaha inay dadaalka halkaasi ka si wadan oo ay u shaqeeyaan qaranka si horumar loo gaadho .

Gabagabadii xafladan  waxaa shahaadooyin la gudoon siiyey xubnihii dhamaystay tobabarkan sidoo kalena waxaa abaal marino la gudoonsiiyey wasaaradihii iyo xubnihii ugu dhibcadaha badnaa imaanshaha tobabarka