OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland ayaa dhagax-dhigay ceel biyood cusub oo laga qodayo deegaanka Adhi-cadeeye.

 

Mashruucan oo si rasmiya uu u dhagax dhigay Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland mudane Baashe Cali Jaamac, waxa fulinaysa Wasaaradda Khayraadk Biyaha,waxaanu qayb ka yahay mashaariicda horumarineed ee laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, ee loogu talagay sidii bulshada Somaliland gaar ahaan dadka ku dhaqan magaaladda Laascaanood iyo nawaaixigeeda ay u heli lahaayeen biyo ku filan oo nadiifa, kuwaas oo  ay ku iibsan karaan qiimo jaban,

 Xafladdi dhagax dhiga oo lagu qabtay deegaanka Adhicadeeye waxa ka soo qaybalay mashuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Biyaha, Badhisaab ku xigeenka gobalka Sool Mud. Cabdirashiid Xirsi Dalmar, Isku-duwaha Wasaaradda Biyaha ee Gobalka Sool Mud. Axmed Maxamuud Xirsi, Maxad-dhaqmeedyo,culimaa’ udiin iyo xubno ka socda ururada bulshada .

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland mudane Baashe Cali Jaamac, oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigay ayaa isagoo ka hadlaya baahida loo qabo biyo macaan oo ay helaan dadka ku dhaqan magaalada laascanood waxa uu yidhi “  Ceelkani wuxuu noqon doona geed-deeblaha laascanood magaalada ugu horaysa ee uu waraabin doona waxay noqon doonta magaalada canjiid, waana ceel biyo macaan waxaana lagu sii  dari doonaa dhaam biyo macaana”.  Wasiir Baashe  waxa kale oo uu kula dardaarmay hawlwadeenadda dhinaca farsamadda inay heegan ugu jiraan marwlaba hawlaha qodida ceelasha lana socdaan hadba wixii ka soo kordha.

Maamulaha mashruuca mudane Maxamed farah ayaa isaguna dhankiisa  faahfaahin kabixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray mashruuca biyo balladhinta ee magaalada laascaanood isagoo xusay in cilmibaadhis badan oo la sameeyay lagu ogaaday in deeganada Adhi cadeeye iyo tifafle ay yihiin meelaha ugu fiican ee laga heli karo biyo macaan waxaana hadaladiisi

 

Sidoo kalena Badhasaab ku xigeeenka gobalka sool Cabdirashiid Xirsi Dalmar oo munaasabdda ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka  inay garab istaagaan mashruuca maadama biyuhu ay yihiin nolosha dadka iyo duunyaba dhana ay uga soo wada jeestaan  horumarka ka socda gobalka.

 

Mashruucu waxa uu ka kooban yahay qodida laba ceel biyood oo riiga  oo laga qodayo deeganada Adhicadeeye iyo tifafle, qorshaha  nidaamka biyo qaybinta magaalada laascanood iyo qodida laba dhaam oo laga qodayo deeganada Guusin iyo Kalajeex.