OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Shirkan jaraa’id oo uu ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshayntu  mudane Xasan Cumar Horri ayaa waxaa uu kaga waramay qorshihii koowaad ee horumarinta 2011-2016 oo hada gabagabo ku dhaw iyo sidoo kale qorshaha labaad ee horumarinta qaranka  2017-2021.

Agaasimaha guud  waxa uu sheegay in ay  wasaaraddu ku mashquulsanayd 10kii bilood ee u dambeeyey diyaarinta qorshahan labaad ee horumarinta qaranka ee 2017-2021, sidoo kale waxay wasaaraddu dib u eegis ku samaysay qorshiihii hore ee qaranka iyadoo la eegayo wixii la qorsheeyay maxaa ka  fulay maxaase ka qabyo ah.

 

Mr. Horri oo kala duwanaanshaha labada qorshe ka hadlaya ayaa yidhi “ Qorshahan labaad waxa uu kaga duwanyahay  qorshihii koowad in  mudnaanta koowaad  la siinayo degmooyinka si ay u soo gudbiyaan qorshayaashooda horumarineed ilaa laga gaadhayo heer qaran, taasoo macnaheedu yahay in laga soo bilaabayo baahiyaha heer degmo ilaa heer qaran”

Agaasimaha guud isagoo ka hadlaya hirgalinta qorshahana waxa uu yidhi “ si uu u hirgalo qorshaha labaad ee horumarinta qaranku waxay wasaaradu kaashan doontaa wasaaradda arimaha gudaha si loo mideeyo nidaamka maamul daadajinta maamulka oo hormuud ka yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland  Mud. C/raxmaan  Cabdilaahi Ismaciil ( saylici ) islamarkaana uu gacanta ku hayo wasiirka arimaha gudaha Somaliland Mud. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Agaasimaha guud waxa uu baaq u diray qaybaha kala duwan ee  Bulshada reer Somaliland sida ganacsatada,qurba-joogta,bulshada rayidka iyo sidoo kale waxa uu baaq kaa lamida u diray xukuumada qaadhaan bixiyayaasha ,ururada samafalka iyo  qaramada midoobay inay ka qayb qaatan taabagalka qorshaha labaad ee horumarinta wadanka 2017-2021

 

Dhanka kale Agaamiha waaxda qorshaynta ee wasaarada qorshaynta mudane Mubaarik Abdilaahi ( Daljir)  ayaa isna dhankiisa ka warbixiyey qorshihii koowaad horumarinta qaranka waxyaabihii u qabsoomay iyo halka uu hada marayo iyo qorshaha labaad ee horumarineed iyo sidii uu u qabsoomilahaa waxaanu sheegay inay dhawaan safar ugu bixi doonaan dhamaan gobalada dalka si ay wada tashi ula yeeshaan qayabaha bulshada ee kala duwan si loo tixgaliyo baahiyaha gobal kasta oo ka soo bilaabmaysa degmadda.