OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Shirkan oo ka qabsoomay xafiiska Hayada UNDP ee magalaada hargeysa waxaa ka soo qayb galay laamaha kala duwan ee Hayadaha qaramada midoobay,haayadaha samafalka iyo sidoo kale dhamaan ururada ka shaqeeya gurmadka deg dega , waxaana lagaga  arinsanayay sidii ay laamaha  qaramada midoobay gacan ugagaysan lahaayeen abaaraha soo noqnoday ee ka taagan soomaliland abaaraha ka taagan gobalada bariga Somaliland.

Intii shirkani socday ayaa waxaa war bixino laga dhagaystay waaxa kala duwan ee caafimadka.

Wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta qaranka Mudane Keyser Abdilahi oo isagu gudoominayey shirkan ayaa ka war bixiyey  ujeedada shirkan waxaana hadaladii ka mid ahaa “waxaan ka wada hadlaynay sidii ay gacan weyn uga gaysan lahaayeen dhibaatada abaaraha ee ka taagan gobalada bari waxaana halgan isugu yimid dhamaan hayada ka hawl gala Somaliland waxaanan u gudbinayney war bixinaha u dambeeyey halka ay marayaan sidoo kale waxaan ka war bixiney safarkii uu madaxwaynuhu ku tagay gobaladaasi iyo sida ay xukuumada Somaliland heegan ugu jirto habeen iyo maalin inay umadeeda caawiso” Sidoo kale wasiir ku xigeenku waxaa uu sheegay inay imanayaan maalmaha soo socda wafti ad u balaadhan oo ka socda qaramada midoobay oo uu hogaaminayo ku xigeenka qaramada midoobay waxaanay u imanayaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen arimaha abaaraha ee ka taagan gobalada bariga Somaliland