OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta qaranka mudane Maxamed Ibrahim Adam  (Qabyotire) ayaa  si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta mudane Cali Xusen Ismacil Jirde (Cali Shoombe)

Xafladan oo ka qabsoontay hotel maansoor ee magaalada hargeisa ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socday golaha wasiiradda, Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Lataliyaha gaarka ah ee madax waynaha, agaasimaha protocolka ee madaxtooyada  Maayar ku xigeenka caasimada Hargeisa ,Hayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ,salaadiin ,cuqaal ,ururada bulshada ,shaqaalaha wasaaradda qorshaynta iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxaa xaflada ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranaka iyo horumarinta mudane Xasan Cumar Hoori oo u mahad naqay wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta mudane Cali salaam jirde  (cali shoombe) sidii fiicnayd ee uu ula soo shaqeeyey sidoo kalena soo dhaweeeyay wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta qaranka mudane Maxamed Ibraahim Aadam (qabyo tire) .

Dhanka kale waxaa uu agaasimuhu war bixin ka bixiyey wax qabadkii wasaaradda mudadii uu xilka hayey wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta mudane cali xuseen ismacil jirde,waxaana uu war bixin  kooban ka siiyey wasiirka cusub shaqaalaha wasaarada qorshaynta qaranka oo uu sheegay inay yihiin shaqaale aqoon leh ahna dhalin yaro firfircoon oo karti leh iyo sidoo kale tirada shaqaalaha wasaaradda qorshaynta qaranka.

 

Sidoo kale waxaa manuusibadan ka hadlay xubno ka socday golaha wasiirada,ururada bulshada iyo xubno ka socday Hayadah caalamiga ah ayaa sii sagootiyey wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta soona dhaweeyey wasiirka cusub ee wasaarada qorshaynta .

 

Wasiirkii hore ee wasaarada qorshaynta qaranka cali xusen ismacil cali shoombe ayaa ku soo dhaweeyey wasiirka cusub ee wasaarada qorshaynta qaranka Maxamed Ibrahim Aadam waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waxaan halkan ufadhinaa inaan xilka ku wareejiyo ninkii aan maanta ugu jeclaan lahaa hadaan xil wareejiy sidoo kale wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta qaranka mudane qabyo tire ayaa isna dhankiisa bogadiyey una mahad naqay shaqaalaha wasaaradda qorshaynta qaranka una balan qaaday inuu wax badan ka badali doono wasaaradda si fiicana uu ula shaqayn doono shaqaalaha wasaarada qorshaynta qaranka

 

Gabagabadii munaasibadan ayaa waxaa shahaado sharaf ay gudoon siiyeen shaqalaha wasaaradu wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta waxaana uu ku mutaystay wax qabadkii fiicnaa ee uu qabtay intii uu xilka ka hayey wasaaradda qorshaynta,waxaanay labada wasiir si rasmi ah ula kala wareegeen xilka wasiirnimo .