OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


 

Tobabarkan oo ay fulintiisa iska kaashadeen sanduuqa Horumarinta somaliland ee SDF iyo ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayay u jeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfada Saxafiyiinta  Somaliland ee la xidhiidha nidaamka war baahinta ,laguna jihayn lahaa horumarka iyo arimaha bulshada .Mudada ay tobabarkan qaadanayaan oo ah mudo 15 maalmood ah waxay qaadan doonaan casharo la xidhiidha tabinta wararka, qorida wararka iyo inay aqoon buuxda u yeeshaan shuruuradaha looga baahan yahay wariyayaasha .

Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay Guudoomiyaha ururka saxafiyiinta somaliland mudane Maxamed Cabdi Muxumed (Xuuto)waxaanu ka warbixiyey muhiimada uu xanbaarsan yahay tobabarkani ,sidoo kale waxa uu ku booriyey kasoo qayb galayaasha tobabarkan in ay ka jeedsadaan arimaha siyaasada ay baahinayaan oo ay u jeedsadaan dhinaca wararka  horumarka .

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka mudane Keyser Abdilahi ayaa waxaa uu si dheer uga hadlay xoriyada saxaafada somaliland inuu yahay mid aad loo ilaaliyey isla markaana at Saxafiyiintu si xor ah u tabiyaan wararkooda iyadoon wax dhiba loogeysanayn.

Tababarkan waxaa si rasmi ah u furay wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta somaliland mudane Cisman Saxardiid (Cadaani) waxaanu sheegay inay ayaan daro tahay inay warbaahinteenu badanaa ay ku mashquusho siyaasad iyo waxyaabaha la midka ah isagoo ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay u jeestaan dhinaca horumarka,oo ay ka mid yihiin wax soosaarka iyo huraminta adeegyada bulshada . Intii tobabarkani socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan dabagalka qaar kamida wargaysyada kasoo baxa somaliland oo lagu eegayey waxyaabaha ay qoraan sida siyaasada , arimaha bulshada, horumarka iyo deegaanka .Natiijada ka soo baxday daraasadan ayaa noqotay inay warbaahinada badankoodu ku mashquuleen siyaasad.