OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda EU-da iyo Wadamadda Somaliland ka taageera dhinac horumarmka

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Maxamed Ibraahim Adam (Qabyo-tire) dhinciisa waxa ku wehilnayey Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Mud. Kaysar C/laahi Maxamed, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda iyo xubno ka mida gudida gacanta ku haysa diyaarinta Qorshaha labaad ee Qaranka NDP2 ka mida Agaasimayasha

Waftigan oo ay hogaaminayso safiirka EU-da ee Wadamadda Somaliland iyo Somaliya Ms. Veronique Lorenzo waxa ku wehelinayey Safiirka Dalka Denmark ee dalalka Somaliland iyo Somaliya, xubno ka socday waddamada UK, Ireland, France and Netherlands.

Ujeedada waftigan uu dalka u yimid ayaa ahayd xogogaal u noqoshada arimo la xidhiidha dhinaca horumarka sida Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka NDP2 kaasoo ay diyaarintaa gacanta ku hayso Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Mashaariicda horumarinta ee ay taageeraan wadamada ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF,Arimaha Doorashooyinka, Abaaraha iyo Mucaawinooyinka gaarka ah ee Somaliland loogu talagay.

Waftigan ayaa intii uu kulanku socday waxay warbixino ku saabsan arimahaasi aynu soo sheegnay ka dhaqaysteen Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirka Ku-xigeenka waxaanay masuuliyiintani waftiga uga warameen xaalada abaaraha iyo baaxada ay leedahay iyagoo xusey inay daba dheeratay islamarkaana ay saamaysay noloshii dadka iyo duunyadaba guud ahaan dalka oo dhan. Waxa kale ay ka dhawaajiyeen sida ay lagama-maarmaanka u tahay in beesha caalamku kaalin wayn ka qaadato gurmadka abaaraha iyadoo labada dhanka kalena dhinaca ka wada hadleen sidii looga gaashaaman lahaa abaarahan soo noqnoqonayaa taasoo u baahan qorshe wax ku ool ah.

Waxyaaba kale ee kulanka lagaga wad hadlay wax aka mid ahaa arimaha doorashada oo ay masuuliyiintan Wasaaradda Qorshaynta Qaranku sheegeen in ay xukuumadd ahaan ka go’antahay inay doorashadu xiligeedi qabsoomto balse ay jiraan ayey yidhaahdeen abaaro ba’an oo saameeyey guud ahaanba noloshii bulshada, taasina ay carqalad ku keeni karto doorashadu inay xiligii loo asteeyey ku dhacdo.

Waxa kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen nidaamka mucaawinooyinka u gaarka ah somaliland ee loo yaqaano (Somaliland Special Arrangement) oo ay Wasiirka Qorshaynta iyo ku-xigeenkusuba kala hadleen waftiga iyagoo sheegay inay muhiim tahay arintaasi si waafiya looga wada hadlo heshiisna laga gaadho si halkiisii looga sii ambo-qaado maadama uu kii hore dhamaaday waxaana loo balamay in kulamo danbe lagu gorfayn doono arintaas.

Waxa kale oo kulanka si wayn loogu lafa-guray qorsha Labaad ee Horumarinta Qaranka iyadoo ay kulanka ku sugnaayeen gudida gacanta ku haysa diyaarinta Qorshaha Labaad ee Horumarinta Qaranka. Waxa warbixn ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay, halka ay wax u marayaan iyo qorshaha u yaalaba ka bixiyey Mud. Mubaaark C/laahi Ibraahim (Dalji) oo ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta waxa iyaguna dhinacdooda soo dhaweeyey qorshan labaad ee Horumarinta Qaranka somaliland xubnihii ka socday waftiga oo balan qaaday inay qaybtooda ka qaadan doonaan hirgalinta qorshan.