OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Xubanaha  waftigan oo ka koobnaa masuuliyiinta hay’adaasi ee xafiisyada hay’adu ay ku leedahay Hargeysa, Nairobi iyo Australia.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii  labad dhinac uga wada hadli lahaayeen sii xoojinta wada shaqaynta xukuumada iyo hay’ada World Vison. Hay’ada World Vision ayaa sanadkii dhamaaday ee 2016, waxay dalka ka fulisay mashaariic horumarineed oo ku kacay lacag dhan  4.8 million dollar sida ay masuuliyiinta hay’adu ku sheegeen kulankan, kuwaasoo iskugu jiray ayay yidhaahdeen mashaariic dhinaca caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafada( Wash), shaqo abuurka iyo mashaariic dhinaca nafaqaynta ah.

Waxa kale oo ay labada dhinac intii uu kulanku socday ka wada hadleen mashaariic  ay hay’adu ka bilaabi doonto dalka, kuwaasoo wax wayn ka taraya  abaaraha soo noqnoqonaya , mashaariicdaas oo ay ka mid yihiin Samaynta Biyo-xidheeno, qodida ceelal laga cabo iyo mashaariic dhinaca daryeelka xoolaha ah oo fulintooda laga  bilaabi doona deegaanada Oodwayne iyo deegaano ka mida gobalka Sool.

Waxa kala oo ay labad dhinac isla qaateen sidii loogu dari lahaa  Qorshaha Horumarinta Qaranka ee ay diyaarintiisa gacanta ku hayso Wasaaradda qorshayntu  qorshayaal  lagaga hortagayo abaaraha soo noqnoqnaya