OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland Md Maxamed Ibrahim Adan(Qabyo-tire) ayaa maanta ka gudoomay hayadaha FAO iyo Care International  lacag ay ugu talo galeen ka soo kabashada abaaraha.lacagahan ayaa ahaa qaar laga soo ururiyey shaqaalo waynaha hayadahaasi.

kulan gudoosiinta qaadhaanka lacageed oo ka qabsoomay xafiiska Wasiirka Qorshaynta somaliland ayaa ugu horay waxaa ka hadlay Maxamed Jaamac oo ah madaxa Hayada FOA iyo Madaxa hayada Care International Cabdi Muuse waxaanay ka warameen dareenkooda oo ay sheegeen inay aad ugu faraxsanyihiin inay maanta ku wareejiyaan Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo ka mida guddida barnaamijka ka soo kabashada abaaraha lacag ay ka soo ururiyeen shaqaalaha labada hayadood ka hawlgala. Waxa kale oo ay masuuliintani sheegeen inay marwlaba wixii gurmad iyo gargaar la garab taagaanyihiin dadkood.

Gabagabadii kulanka gudoonsiinta qaadhanka ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-tire) waxa uu uga mahadnaqay labad masuul iyo shaqaal waynaha laga soo ururiyey qaadhanka waxaanu yidhi “Waxaan aad uugu mahada naqaya labad haydadood iyo shaqaalahooga oo aan leeyahay halkad ka soo saarteen ilaahay wax ka khayr badan ha idinku beddelo waxaanana ugu mahadnaqayaa sida ay uga soo jawaabeen baaqii ahaa ka qayb qaadashada barnaamijka ka soo kabashada abaaraha ee heer qaran Labadan hayadood madaxdoodu waa dad somaliya waanu ka soo dhawyasanaynaa hayadaha kale runtii waxa laga yaaba in loo arko wax yar lakiin anaga  wax wayn ayay noo tahay oo xata waxa laga soo jaray shaqaale hoosaadka taasina waxay ku tusinaysaa siday dareenkooda ula wadaagayaan bulshadooda aad ayaanan ugu mahanaqayaa dhamaantood aniga hayadaha kalena ka codsanaya inay iyaguna sidaas oo kale uga qaybqaataan barnaamijka ka soo kaabashada abaaraha"