OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


kulan ay iskugu yimaadeen shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda Qorshaynta oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta  wehelinayeyn Wasiirku -xigeenka Wasaaradda ayaa shahaado sharafyadan lagu gudoonsiiyey xubno iskugu jira shaqaalaha Wasaaradda, la taliyayaal iyo kaaliyaal kuwaasoo ku mutaystay doorkii ay ka soo qaateen diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP2).

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-tire) oo furitaankii iyo xidhitaankii kulanka ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay in la is dhiirigaliyo oo hadba kii dadaala la abaalmariyo si kakalena uu ugu day'do, waxaanu Wasiirku amaan iyo bogaadin u soo jeediyey kooxdii  dadaalka ku soo bixisay diyaaritna Qorshahaasi oo uu ku aamaanay dhamaystirka iyo sida fiican ee ay u diyaariyeen, isagoo geesta kalena, sheegay in uu noqday qorshahaasi mid ay xukuumadda, golayaasha barlamaanka iyo guud ahaan bulshaduba ku amaaneen Wasaaradda Qorshaynta.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Mud. Mubaarak Cabdilaahi (Daljir) oo ka waramay doorkii ay ka qaateen xubnahan maanta abaalmarinta la siinayaa isagoo ku amaanay sidii hufnayd ee ay ugala soo shaqeeyeen waaxda qorshaynta.

Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Mud. Axmed Aden Isamaciil (Axmed Kayse) , ayaa isaguna mahadnaq ballaadhan usoo jeediyey hawlwadeenadii ka soo shaqayeeya Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka, waxaanu tilmaamay in abaalmarintani ay tahay mid ay wada mutaysteen dhamaan shaqaalaha Wasaaraddu balse  inta la gudoonsiiyey ay tahay intii gacanta ku haysay diyaartinta qorshahaas.

Wasiirku-xigeenku waxa uu shaqaalaha ku sifeeyey inay yihiin marwalba mishiinka hawlaha isku dubarida oo aanay la'aantood madaxdu shaqayseen, isagoo ku dhiirigaliyey inay saacadaha shaqadana lagu dadaalo oo halkaa laga sii wado.

Waxa kale iyaguna halkaas ka hadleyey xubno matalayey shaqaalaha oo ka waramay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta iyo abaabulka lagu dardargalinayo hawlaha qaranka

Geesta kalena kulanka ayaa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mubaarak Cabdilaahi (Daljir)  ku soo bandhigay, qorshaha loogu talagalay in lagu beegsado hirgalinta Qorshahan horumarinta qaranka maadama uu sugayo ina la dhaqan galiyo oo la fuliyo, waxaanu sharaxaad ka bixiyey habka iyo hanaanka loo marayo hirgalintiisa

 

Gabagadiina waxa halkaasi shahaadooyinkii lagu gudoonsiiyeey xubnahaasi ka soo qaybqaatay diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka ee labaad.