OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Xubanaha  waftigan oo ka koobnaa masuuliyiinta hay’adaasi ee xafiisyada hay’adu ay ku leedahay Hargeysa, Nairobi iyo Australia.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii  labad dhinac uga wada hadli lahaayeen sii xoojinta wada shaqaynta xukuumada iyo hay’ada World Vison. Hay’ada World Vision ayaa sanadkii dhamaaday ee 2016, waxay dalka ka fulisay mashaariic horumarineed oo ku kacay lacag dhan  4.8 million dollar sida ay masuuliyiinta hay’adu ku sheegeen kulankan, kuwaasoo iskugu jiray ayay yidhaahdeen mashaariic dhinaca caafimaadka, Biyaha iyo Nadaafada( Wash), shaqo abuurka iyo mashaariic dhinaca nafaqaynta ah.

Waxa kale oo ay labada dhinac intii uu kulanku socday ka wada hadleen mashaariic  ay hay’adu ka bilaabi doonto dalka, kuwaasoo wax wayn ka taraya  abaaraha soo noqnoqonaya , mashaariicdaas oo ay ka mid yihiin Samaynta Biyo-xidheeno, qodida ceelal laga cabo iyo mashaariic dhinaca daryeelka xoolaha ah oo fulintooda laga  bilaabi doona deegaanada Oodwayne iyo deegaano ka mida gobalka Sool.

Waxa kala oo ay labad dhinac isla qaateen sidii loogu dari lahaa  Qorshaha Horumarinta Qaranka ee ay diyaarintiisa gacanta ku hayso Wasaaradda qorshayntu  qorshayaal  lagaga hortagayo abaaraha soo noqnoqnaya 

Tababarkan oo ku saabsan la socodka ibedelka sicirka suuqa ayey ka qaybqaadanayeen qaar ka mida shaqaalaha waaxda xog-ururinta Wasaaradda Qorshaynta.

Tababarkan oo socon doona mudo laba maalmooda ayey ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfada shaqaalaha waaxda xog-ururinta ee Wasaaradda Qorshaynta ee la xidhiidha dhinaca isbedelka sicirka miceeshada suuqyada iyadoo lagu tababarayo ka soo qaybgalayaasha la socodka isbedelka sicirka suuqa. Casharada ay tababarka ku qaadan doonaan ayaa iskugu jira  sidii loo falanqayn lahaa macluumaadka ku saabsan  isbedelka sicirka suuqa iyo sidii loo fahmi lahaa  xisaabinta  miceeshada ee suuqa.

 

Dhamaadka tababarka ayaa laga rajaynayaa inay shaqaaluhu aqoon  buuxda u yeelan doonaan nidaamka cabirka sicirka suuqa.

 

Tobabarkan oo ay fulintiisa iska kaashadeen sanduuqa Horumarinta somaliland ee SDF iyo ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayay u jeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfada Saxafiyiinta  Somaliland ee la xidhiidha nidaamka war baahinta ,laguna jihayn lahaa horumarka iyo arimaha bulshada .Mudada ay tobabarkan qaadanayaan oo ah mudo 15 maalmood ah waxay qaadan doonaan casharo la xidhiidha tabinta wararka, qorida wararka iyo inay aqoon buuxda u yeeshaan shuruuradaha looga baahan yahay wariyayaasha .

Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay Guudoomiyaha ururka saxafiyiinta somaliland mudane Maxamed Cabdi Muxumed (Xuuto)waxaanu ka warbixiyey muhiimada uu xanbaarsan yahay tobabarkani ,sidoo kale waxa uu ku booriyey kasoo qayb galayaasha tobabarkan in ay ka jeedsadaan arimaha siyaasada ay baahinayaan oo ay u jeedsadaan dhinaca wararka  horumarka .

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka mudane Keyser Abdilahi ayaa waxaa uu si dheer uga hadlay xoriyada saxaafada somaliland inuu yahay mid aad loo ilaaliyey isla markaana at Saxafiyiintu si xor ah u tabiyaan wararkooda iyadoon wax dhiba loogeysanayn.

Tababarkan waxaa si rasmi ah u furay wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta somaliland mudane Cisman Saxardiid (Cadaani) waxaanu sheegay inay ayaan daro tahay inay warbaahinteenu badanaa ay ku mashquusho siyaasad iyo waxyaabaha la midka ah isagoo ka qaybgalayaasha kula dardaarmay inay u jeestaan dhinaca horumarka,oo ay ka mid yihiin wax soosaarka iyo huraminta adeegyada bulshada . Intii tobabarkani socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan dabagalka qaar kamida wargaysyada kasoo baxa somaliland oo lagu eegayey waxyaabaha ay qoraan sida siyaasada , arimaha bulshada, horumarka iyo deegaanka .Natiijada ka soo baxday daraasadan ayaa noqotay inay warbaahinada badankoodu ku mashquuleen siyaasad.

 

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda EU-da iyo Wadamadda Somaliland ka taageera dhinac horumarmka

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Maxamed Ibraahim Adam (Qabyo-tire) dhinciisa waxa ku wehilnayey Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Mud. Kaysar C/laahi Maxamed, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda iyo xubno ka mida gudida gacanta ku haysa diyaarinta Qorshaha labaad ee Qaranka NDP2 ka mida Agaasimayasha

Waftigan oo ay hogaaminayso safiirka EU-da ee Wadamadda Somaliland iyo Somaliya Ms. Veronique Lorenzo waxa ku wehelinayey Safiirka Dalka Denmark ee dalalka Somaliland iyo Somaliya, xubno ka socday waddamada UK, Ireland, France and Netherlands.

Ujeedada waftigan uu dalka u yimid ayaa ahayd xogogaal u noqoshada arimo la xidhiidha dhinaca horumarka sida Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka NDP2 kaasoo ay diyaarintaa gacanta ku hayso Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Mashaariicda horumarinta ee ay taageeraan wadamada ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF,Arimaha Doorashooyinka, Abaaraha iyo Mucaawinooyinka gaarka ah ee Somaliland loogu talagay.

Waftigan ayaa intii uu kulanku socday waxay warbixino ku saabsan arimahaasi aynu soo sheegnay ka dhaqaysteen Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiirka Ku-xigeenka waxaanay masuuliyiintani waftiga uga warameen xaalada abaaraha iyo baaxada ay leedahay iyagoo xusey inay daba dheeratay islamarkaana ay saamaysay noloshii dadka iyo duunyadaba guud ahaan dalka oo dhan. Waxa kale ay ka dhawaajiyeen sida ay lagama-maarmaanka u tahay in beesha caalamku kaalin wayn ka qaadato gurmadka abaaraha iyadoo labada dhanka kalena dhinaca ka wada hadleen sidii looga gaashaaman lahaa abaarahan soo noqnoqonayaa taasoo u baahan qorshe wax ku ool ah.

Waxyaaba kale ee kulanka lagaga wad hadlay wax aka mid ahaa arimaha doorashada oo ay masuuliyiintan Wasaaradda Qorshaynta Qaranku sheegeen in ay xukuumadd ahaan ka go’antahay inay doorashadu xiligeedi qabsoomto balse ay jiraan ayey yidhaahdeen abaaro ba’an oo saameeyey guud ahaanba noloshii bulshada, taasina ay carqalad ku keeni karto doorashadu inay xiligii loo asteeyey ku dhacdo.

Waxa kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen nidaamka mucaawinooyinka u gaarka ah somaliland ee loo yaqaano (Somaliland Special Arrangement) oo ay Wasiirka Qorshaynta iyo ku-xigeenkusuba kala hadleen waftiga iyagoo sheegay inay muhiim tahay arintaasi si waafiya looga wada hadlo heshiisna laga gaadho si halkiisii looga sii ambo-qaado maadama uu kii hore dhamaaday waxaana loo balamay in kulamo danbe lagu gorfayn doono arintaas.

Waxa kale oo kulanka si wayn loogu lafa-guray qorsha Labaad ee Horumarinta Qaranka iyadoo ay kulanka ku sugnaayeen gudida gacanta ku haysa diyaarinta Qorshaha Labaad ee Horumarinta Qaranka. Waxa warbixn ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay, halka ay wax u marayaan iyo qorshaha u yaalaba ka bixiyey Mud. Mubaaark C/laahi Ibraahim (Dalji) oo ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta waxa iyaguna dhinacdooda soo dhaweeyey qorshan labaad ee Horumarinta Qaranka somaliland xubnihii ka socday waftiga oo balan qaaday inay qaybtooda ka qaadan doonaan hirgalinta qorshan.

Wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta qaranka mudane Maxamed Ibrahim Adam  (Qabyotire) ayaa  si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta mudane Cali Xusen Ismacil Jirde (Cali Shoombe)