OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Tababarkani waxa uu socday  28th – 31th March, Waxaana ka qaybqaadanayey  40 Xubnood oo iskugu jira Hawlwadeenada Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF.

Tababarkan oo uu soo diyaariyay   Xafiiska Xoghaynta Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa ay ujeedadiisu ahayd sidii Casharo ku saabsan Sahanka Xog ururinta Aragtiyaha Muwaadinka ee Mashaariicda Horumarinta loo siin lahaa  hawlwadeenada ka hawlgali doona Barnaamijka. Waxaana mudadii afarta Maalmood ahayd ay ka  qaybgalayaashu ku qaateen casharo la xidhiidha ,Qaabka Xogta loo soo ururinayo, Sida dadka loola xidhiidhayo , Sida loo isticmaalayo Qalabka GPS-ka ee lagu soo saarayo goobaha loo asteeyey in Xogta laga soo ururiyo

Tababarkan waxa furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Mr Cabdirashiid Axmed Guleed, isagoo halkaasina hadalo dardaaran ah uga soo jeediyey ka qaybgalayaasha tababarka.

Xog ururintan ku saabsan Aragtiyaha Muwaadinka ee Mahsaariicda Horumarinta, ayaa ka qabsoomi doonta dhamaan gobalada dalka horaanta bisha Afraad ee Sanandkan 2015ka

 Waxana lagaadhi doona  ilaa     1,634 Qoys oo ku kala dhaqan Lixda gobal ee dalka , iyadoo xogtana laga soo ururin doono   ilaa 6,536 Qof oo iyagu ka tirsan qoysaskaasi,

waxa kale oo xogta laga soo ururin doona Waaxyaha Dawaladda , Dhalinyarada, Haydaha Warbaahinta, Ururada Haweenka, Ururada aan dawliga ahayn ,Bulshada Rayidka , Oday dhaqmeedka, Culimaa’udiinka  iyo Beelaha laga tirada badanyahay

Waxaana fulinayaa Barnaamijkan Sahanka Xog ururinta  Waaxda Xog ururinta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Xafiiska xidhiidhka Mashaariicda Horumarinta Somaliland(Communication Hub)    

Natiijada ka soo baxda Xog ururintan Sahanka Aragtiyaha Muwaadinka ee Mashaariicda Horumarintu waxay wax wayn ka tari doonta.

  • Sidii loo heli lahaa xog saxa oo hagta Qorshaha isku-xidhka Mashaariicda Horumarinta islamarkaana Bud-dhig u noqota Qiimaynta iyo kormeerka Mashaariicda Horumarinta Somaliland.
  • In la ogaado fikirka Muwaadiniinta ay ka qabaan Mashaariicda Horumarinta iyo Waxqabadka Dawaladda.
  • In la helo xog hagta Xafiiska Xidhiidhinta Mashaariicda Horumarinta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland(SDF),si ay u dajiyaan fariimo wacyigalineed oo ku haboon Bulshada kuna saabsan waxqabdka Dawladda.

Waxay Cabir saxa ku soo sameeyeen Afarta koone ee Dhul-daaqsimeedka Aroori

Hawlwadeenada Wasaaradda Xanaananda Xoolaha  ee fulinaya Mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ay wehelinayaan Engineero ka socda Xafiiska SDF iyo Xubin ka socday Xafiiska Xidhiidhinta Mashaariicda Horumarinta Somaliland, ayaa socdaal qiimayn ah ku tagay Mashruuca laga magaalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee Deegaanka Aroori Ujeedada Socdaalkan ayaa ahayd sidii lagu ogaan lahaa afarta koone ee dhulka loogu talagalay in laga hirgaliyo Dayrka iyo dhismayaasha kala duwan ee loo dhisayo xoolaha, Waxaanu dhulkani ka koobanyahay laba qaybood oo kala ah

  1. Meel ay xooluhu daaqaan jilaalka oo cabirkeedu dhanyahay  60%
  2. Meel lagu daryeelo laguna naaxiyo Xoolaha dhoofaya oo cabirkeedu dhanyahay 40%

Hawlwadeenadani Mudadii ay ku jireen hawlaha shaqo oo ahayd Shan maalmood waxay soo Cabireen afarta Koone ee dhuldaaqsimeedka. Sidoo kale waxay soo asteeyeen goobaha loogu talagalay in laga dhiso

  • Goobaha  ay Xooluhu hadhsanayaan  
  • Goobaha laga qodayo Ceelasha riiga ah kuwaasoo  lagu waraabiyo Xoolaha
  • Dararka ay Xooluhu ka cabayaan
  • Goobaha loogu talagalay in lagu caafimaadiyo kuwaasoo sided goobood ah lagana dhisi doono Duruqsi, Bali-dhiig , Xaaji Saalax iyo Dhoqoshi iyo Xarunta dhuldaaqsimeedka iyo tuulooyinka ku dhaw sida Cadaw Yuurura
  • Waxa kale oo ay soo sahamiyeen balliyada dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameyn doono

Munaasabad Xil- wareejinta oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta

Manuusibadan ay xilka kula kala wareegayeen Wasiir ku xigeenkii  hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka  Xasan Daahir Dhimbiil Iyo Wasiir Ku Xigeenka Cusub ee  Wasaaradda Qorshaynta C.kariin Axmed  Mooge ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka maalinimadii  sabtida 07-03-2015.Ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan Wasaaradda.

Waxaa ugu Horayn Halkaasi Hadal kooban  ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr.Sa'ad Ali Shire oo uu ugu mahad celinayo Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Sidii fiicnayd ee uu ula soo shaqeeyey Wasaaradda sidoo kale waxaa uu wasiirku soo dhaweeyey Wasiirku xigeenka  Cusub Ee wasarada Qorshaynta Qaranka

Intaa ka dib waxaa isna Halkaasi ka hadlay Wasiir Ku Xigeenkii  Hore ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka    Mudane Xasan Daahir Dhimbiil oo uga mahad celiyey Wasaarada Qorshaynta Qaranka sidii Fiicnayd ee Ay ulasoo shaqeeyeen mudadii uu xilka ka hayey Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

sidoo kalena   Waxaa isna hadal kooban halkasi ka soo Jeediyey  Wasiir Ku xigeenka Cusub ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka Mudane C.kariin Axmed Mooge Ayaa isna Waxaa uu ka waramay Dareenkiisa iyo sida uu u arko xilkan cusub isagoo  sheegay inuu wajibaadkiisa u Gudan  doono si Daacadanimo ku dheehan tahay

Ugu dambayna waxaa halkaasi xilka kula wareegay Wasiir ku xigeenka Cusub Ee Wasarada Qorshaynta Qaranka Mudane C.kariin AXmed Mooge

 

Waftigu waxay soo kormeereen Ballayda dib u dhiska iyo Dayactirka Lagu sameeyey ee Aburiin

Waftigan oo Ka Koobnaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo horumarinta Dr.Sa,ad Ali Shire,Xubno ka socday deeq bixiyayaasha Mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF. Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha ,iyo Xafiiska Xoghaynta Mashaarciida SDF

Xubnaha  Wadamada Deeq-bixiyayaasha ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland ayaa ka socday Wadamadda kala ah Ingriiska ,Denmark iyo Norway.

Intii socdaalkaas lagu Gudo jiray Waxay indha indhayn iyo  Kormeer ku soo Mareen Ballayada Dib u dhiska ayo dayactirka lagu sameeyey Ee Deegankaasi Aburiin.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland oo isagu ka waramayey mashruucan ayaa bulshada deegaanka ku booriyey in ay ilaashadaan kana faa’iidaystaan isagoo gabagabdiina uga mahadnaqay deeq-bixiyayaasha mashruuca horumarinta ee ay Somaliland ugu deeqeen.

Sidoo kale waxaa Halkasi ka hadlayey xubno ku hadlayay magaca Deeq bixiyayaasha oo iyaguna ka waramay mashruucan iyo sida loogu baahan yahay In laga faa,idaysto.

Gudoomiyaha Deegankasi Farawayne ayaa isna waxaa uu ka xusay muhiimada uu leeyahay mashruucani iyo sida loogu baahan yahay in la garab istaago.

Mashruucan Sanduuqa Horumarinta Somalilland   Qaybta Ay fulinayso Wasaaradda Beeraha ayaa waxay iskugu jiraan ,naxaro Waaweyn Iyo Naxaro Yar-Yar oo laga fulinayo Beeraha Kala duwan Ee ku yaala Deegankaasi Faraweyne,Gaar ahaan Deeganka Abu-rin .Barkadaha oo lagu samayn doono Dayactir iyo Dib udhis ,Sidoo kale Balayada ayaa iyana waxa laga Fuliyey Dayactir iyo dib udhis

Dooxyada ayaa iyagana Hoosta laga qaban doonaa Si ay biyaha u qabtaan,Dhulka jeex jeexa ayaa isagana la toli Doonaa. Dhinaca beeraha ayaa iyaga waxaa laga fulin doonaa Tijaabooyin iyadoo la qalabaynayo Xarunta Cilmi Baadhista Ee aburiin

Mashruucan ayaa waxaa loogu tala gay In dawlada Somalilland looga caaawiyo sidii looga fulin laaha mashaariicda Qorshaha Horumarinta Qaranka Waxaana uu

 socon doonaa mudo 4 sano ah 

 

Ardaydu waxay booqdeen Balayada lagu sameeyey dayactirka iyo dib u habaynta ee Cara-muuse case iyo Maxbuubta

Ardaydan oo barata Culuumta Maamulka Mashaariicda ayaa ujeedada ay u tageen Deegaanka abur riin waxay ahayd sidii ay aqoon korrosi la xidhiidha mawduuca ay bartaan ugu soo diyaarin lahaayeen iyagoo su'aalana waydiinaya Maamulka shirkada  qaadatay Qandaraaska dhismayaasha Mashruuca , Waxaana Deegaankaasi abur-riin ku qaabilay Hawlwadeenada Wasaaradda Beeraha ee iyagu fulinaya Mashaariicda laga hirgalinayo Deegaanka Abur-riin ee laga maal-galinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF

 Intii ay ardaydu ku jireen boqoshadooda waxay soo joogsadeen laba balay oo lagu sameeyey dib u dhis iyo dayactir kuwaasi oo ku yaala Cara Muuse-Case iyo Maxbuubta halkaasina waxay   su’aalo ku waydiiyeen la xdhiidha Casharada ay baranayaan Maamulka shirkada qaadatay dhismayaasha Mashruuca iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha.

Ardaydan waxay ka kala socdeen Wasaaraddaha Deegaanka, Wasaaradda Biyaha ,Wakaalada Biyaha iyo Wakaalada Wadooyinka. Safarkan Booqashada ardayda Waxa ku wehelinayey Xubno ka socday Xafiiska Xoghaynta Mashaaruuca Sanduuqa Horumarinta SDF, Xafiiska Xidhiidhka Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Communication Hub).