OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Waftigu waxay soo kormeereen Ballayda dib u dhiska iyo Dayactirka Lagu sameeyey ee Aburiin

Waftigan oo Ka Koobnaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo horumarinta Dr.Sa,ad Ali Shire,Xubno ka socday deeq bixiyayaasha Mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF. Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha ,iyo Xafiiska Xoghaynta Mashaarciida SDF

Xubnaha  Wadamada Deeq-bixiyayaasha ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland ayaa ka socday Wadamadda kala ah Ingriiska ,Denmark iyo Norway.

Intii socdaalkaas lagu Gudo jiray Waxay indha indhayn iyo  Kormeer ku soo Mareen Ballayada Dib u dhiska ayo dayactirka lagu sameeyey Ee Deegankaasi Aburiin.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland oo isagu ka waramayey mashruucan ayaa bulshada deegaanka ku booriyey in ay ilaashadaan kana faa’iidaystaan isagoo gabagabdiina uga mahadnaqay deeq-bixiyayaasha mashruuca horumarinta ee ay Somaliland ugu deeqeen.

Sidoo kale waxaa Halkasi ka hadlayey xubno ku hadlayay magaca Deeq bixiyayaasha oo iyaguna ka waramay mashruucan iyo sida loogu baahan yahay In laga faa,idaysto.

Gudoomiyaha Deegankasi Farawayne ayaa isna waxaa uu ka xusay muhiimada uu leeyahay mashruucani iyo sida loogu baahan yahay in la garab istaago.

Mashruucan Sanduuqa Horumarinta Somalilland   Qaybta Ay fulinayso Wasaaradda Beeraha ayaa waxay iskugu jiraan ,naxaro Waaweyn Iyo Naxaro Yar-Yar oo laga fulinayo Beeraha Kala duwan Ee ku yaala Deegankaasi Faraweyne,Gaar ahaan Deeganka Abu-rin .Barkadaha oo lagu samayn doono Dayactir iyo Dib udhis ,Sidoo kale Balayada ayaa iyana waxa laga Fuliyey Dayactir iyo dib udhis

Dooxyada ayaa iyagana Hoosta laga qaban doonaa Si ay biyaha u qabtaan,Dhulka jeex jeexa ayaa isagana la toli Doonaa. Dhinaca beeraha ayaa iyaga waxaa laga fulin doonaa Tijaabooyin iyadoo la qalabaynayo Xarunta Cilmi Baadhista Ee aburiin

Mashruucan ayaa waxaa loogu tala gay In dawlada Somalilland looga caaawiyo sidii looga fulin laaha mashaariicda Qorshaha Horumarinta Qaranka Waxaana uu

 socon doonaa mudo 4 sano ah 

 

Munaasabad Xil- wareejinta oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta

Manuusibadan ay xilka kula kala wareegayeen Wasiir ku xigeenkii  hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka  Xasan Daahir Dhimbiil Iyo Wasiir Ku Xigeenka Cusub ee  Wasaaradda Qorshaynta C.kariin Axmed  Mooge ayaa ka dhacday xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka maalinimadii  sabtida 07-03-2015.Ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan Wasaaradda.

Waxaa ugu Horayn Halkaasi Hadal kooban  ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr.Sa'ad Ali Shire oo uu ugu mahad celinayo Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Sidii fiicnayd ee uu ula soo shaqeeyey Wasaaradda sidoo kale waxaa uu wasiirku soo dhaweeyey Wasiirku xigeenka  Cusub Ee wasarada Qorshaynta Qaranka

Intaa ka dib waxaa isna Halkaasi ka hadlay Wasiir Ku Xigeenkii  Hore ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka    Mudane Xasan Daahir Dhimbiil oo uga mahad celiyey Wasaarada Qorshaynta Qaranka sidii Fiicnayd ee Ay ulasoo shaqeeyeen mudadii uu xilka ka hayey Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

sidoo kalena   Waxaa isna hadal kooban halkasi ka soo Jeediyey  Wasiir Ku xigeenka Cusub ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka Mudane C.kariin Axmed Mooge Ayaa isna Waxaa uu ka waramay Dareenkiisa iyo sida uu u arko xilkan cusub isagoo  sheegay inuu wajibaadkiisa u Gudan  doono si Daacadanimo ku dheehan tahay

Ugu dambayna waxaa halkaasi xilka kula wareegay Wasiir ku xigeenka Cusub Ee Wasarada Qorshaynta Qaranka Mudane C.kariin AXmed Mooge

 

Kulanka waxa lagu soo bandhigay warbixin laga soo ururiyay ilo dhaqaaleed kala duwan

 Shirkan Kobaca ilaha dhaqaalaha Somaliland oo uu soo diyaariya Baanka Aduunka, gadhwadeena ay ka ahayd Wasaaradda Qorshayntu waxa uu mudo laba maamlooda ( 16-17kii),March, 2015  ka socday Huteelka Mansoor ee Magaalada Hargeisa.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd Xog ururin ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa ilaha kobaca dhaqaalaha somaliland ayaa waxaa  ka soo qaybgalay , Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Dr Sa,ad Ali Shire, Xubno Kasocday Baanka Aduunka, Ganacsato ka kala yimid Shirkadaha Wax soo saarka Dalka  ,kuwa isgaadhsiinta, Ururada Bulshada iyo aqoonyahano kale

Mudadii uu shirkani socday waxa lagu soo bandhigay Xogo ku saabsan sidii  kor loogu qaadi laaha ilaha kobaca dhaqaalaha Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo halkaa ka soo jeediyay warbxin dheer ayaa waxa uu kaga waramay qaabka loo maro kobcinta dhaqaalaha oo uu sheegay inay muhiim tahay si mug leh looga faa’iidaysto khayraad dabciiga, taasina lagu gaadho aqoon iyo

hufnaan shaqo oo loo isticmaalo habka wax soo saarka iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxaanu xusay in marka  kobaca dhaqaaluhu wanaagsanaado la gaadho horumar dhinaca Siyaasada, Dhaqaalaha iyo arimaha Bulshadaba

 

Ardaydu waxay booqdeen Balayada lagu sameeyey dayactirka iyo dib u habaynta ee Cara-muuse case iyo Maxbuubta

Ardaydan oo barata Culuumta Maamulka Mashaariicda ayaa ujeedada ay u tageen Deegaanka abur riin waxay ahayd sidii ay aqoon korrosi la xidhiidha mawduuca ay bartaan ugu soo diyaarin lahaayeen iyagoo su'aalana waydiinaya Maamulka shirkada  qaadatay Qandaraaska dhismayaasha Mashruuca , Waxaana Deegaankaasi abur-riin ku qaabilay Hawlwadeenada Wasaaradda Beeraha ee iyagu fulinaya Mashaariicda laga hirgalinayo Deegaanka Abur-riin ee laga maal-galinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF

 Intii ay ardaydu ku jireen boqoshadooda waxay soo joogsadeen laba balay oo lagu sameeyey dib u dhis iyo dayactir kuwaasi oo ku yaala Cara Muuse-Case iyo Maxbuubta halkaasina waxay   su’aalo ku waydiiyeen la xdhiidha Casharada ay baranayaan Maamulka shirkada qaadatay dhismayaasha Mashruuca iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha.

Ardaydan waxay ka kala socdeen Wasaaraddaha Deegaanka, Wasaaradda Biyaha ,Wakaalada Biyaha iyo Wakaalada Wadooyinka. Safarkan Booqashada ardayda Waxa ku wehelinayey Xubno ka socday Xafiiska Xoghaynta Mashaaruuca Sanduuqa Horumarinta SDF, Xafiiska Xidhiidhka Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Communication Hub).

WasiirkaWasaraadda Qorshaynta Qaranka iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo oo qaatay Mudo lix maalmooda kusoo maray Gobalada Saaxil Togdheer,Sool iyo Sanaag. iyagoo gudanaya waajibaadka qaran ee ay ka masuulka yihiin waxay dhawaan socdaal kormeer iyo hawl gal isugu jira ku mareen gobolada bari ee Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag, waftigan kormeerka waxa hogaaminayay wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ay wehelinayeen Agaasimaha guud ee WQQ&H C/rashiid Axmed Guuleed iyo Agaasimaha waaxda Horumarinta iyo xidhiidhka gobolada ee WQQ&H,Cali C/laahi Daahir.