OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Mashruuca Awood dhisidda maamulka Wassaradda, dhul-daaqsimeedka iyo kaymaha  waxaa fuliya wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga waxaana laga maal galinayaa sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Ujeedada mashruucan ayaa ah Tayaynta shaqaalaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer miyaga iyadoo la tababarayo shaqaalaha wasaarada deeganka iyo dhismayaasha xafiisyada gobolada (Xarunta Hargeeya, Berbera, Boorama, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo Saylac iyo Sheekh.)

hadaba Wasiirka Wasaarada  Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga Somaliland ayaa maanta waxay usoo xidhay 15 kamida shaqaalaha gobolada ee wasaarada deeganka oo mudo 18 cisho tobabar uga socday xarunta wasaarada deegaanka  

Xafladan lagusoo xidhayay tobabarka ayaa waxaa ay ka qabsoontay xarunta wasaaradda deegaanka ee gobalka maroodijeex,waxaana kasoo qayb galay dhamaan shaqaalaha dhamaystay tobabarkan .

Shaqaalahan ayaa waxaa lagu tobabarayey maaraynta iyo maamulka dhul daaqsimeeyada,Tobabrkan ayaa waxaa laga maal galinayaa sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF,waxaana uu ka mid yahay tobabarada kor loogu qaadayo aqoonta iyo garaadka shaqaalaha wasaarada deegaanka iyo horumarinta Somaliland.

Ujeedada tobabrkan ayaa ah sidii aqoon buuxda ay shaqaalahu ugu yeelan lahayeen maamulka iyo maaraynta dhul-daaqsimeedka .

Wasiirka waasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo shukri xaaji ismaaciil Baandare ayaa kula dardaarantay shaqaalaha qaatay tobabarkan inay uga faa,ideeyaan aqoonta ay barteen deeganada iyo gobalada ay ka kala yimaadeen waxaana hadaladeedii kamid ahaa “ujeedada tababarkani waxaa weeyi fursad inaynu siino gobalada maxaa yeelay qofka halkan jooga kama shaqayn karayo gobalada sida ceerigaabo sool iyo gobalada kaleba,markaa waa inaynu xoojinaa  dadka halkaa ka shaqeeya, lagulana xisaabtamo hadhaw oo lagu dabagalo wixii ay barteen iyo cilmigii ay barteen waxay ku qabteen ,waxaana laydinkasugayaa inaad idinku sii tobabartaan  dadka kale sida dadka ilaaliya kaymaha "

Sidoo kale waxaa isna dareenkiisa ka waramay khabiirkii bixinayey tababarka sida uu ugu faraxsan yahay inuu tobabar u qabto shaqaale da,yar waxaanu  kula dardaarmay inayna la seexan aqoonta ay barteen ee ay uga faa,ideeyaan bulshada reer Somaliland .

Dhanka kale waxaa iyaguna dareenkooda ka waramay shaqaalahan qaadanayey tobabarka waxayna ka warameen aqoonta ay ka faa,ideen ,dhankooda balan qaaday inay uga fa,idayn doonaan gobaladii ay ka kala yimaadeen.

Daahir Ahmed Qolanbi waxaa uuu ka mid yahay shaqaalaha qaadanayey tobabarkan  waxaa uu ka waramay sida ay u arkaan tobabarkan iyo waxyaabaha ay ka fa,ideen mudadii uu socday tobabarkani waxana hadaladisii ka mid ahaa "waxaan odhan lahaa tabarkani wuxuu ahaa tababar aad u qaaliya macalimiinta bixinaysayna ay ahaayeen macalimiin lasoo xulay,khabiirkan tababarka nasiinayey  wuxuu nooga faa,ideeyey labada wadan ee Somaliland iyo Sudan wax yaabaha ay iskaga midka yihiin  maadaamo oo ay cimiladoodu isku dhaw dahay ,waxaan ku baraney sidii loo dajinlahaa istiraatijiyada  daaqa ,waxaanu balan qaadaynaa inaan ku celindoono wixii aan halkan ka baranay gobaladii aan kakala nimid.”

Dawladda Somaliland waxa ay maanta si rasmi ah u furtay mashruuc lagu dayac tirayo waddada isku xidha Xamaas - Hargeysa, mashruucaasi oo laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Waxa Mashruuca furitaankiisa si rasmi ah ugaga dhawaaqay tuulada Xamaas Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.Waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa waxa la sameeyay todobaatannadii waana waddo halbowle ah oo dekedda Berbera ku xidha Hargeysa illaa xuduudda Itoobiya.

Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (RDA) ayaa dhawaan soo gebo-gebeysay dayactirka 100 kilomitir oo kamid ah islawaddadan inta u dhaxaysa tuulada Xamaas illaa Sheekh. Dayactirkaas waxaa kamid ahaa dib-udhiska biriishka Huddusa. Wakaaladdd Horumarinta Waddooyinku waxa ay sidoo kale dayactir kusamaysay 20.6 kilomitir oo ah inta u dhaxaysa Degmada Dila iyo Kalabaydh oo ay marto wadada isku xidha Hargeysa iyo Borama. Mashaariicdan dayactirka waddooyinka waxaa laga maalgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) Dayactirkani waxa uu waxweyn kataray xaaladda waddada iyada oo ay yaraadeen shilalkii baabuurta, sidoo kalena uu soo gaabtay wakhtigii isusocodka magaalooyinku, iyo iyada oo uu kayaraaday gaadiidleyda kharashkii kaga bixijiray dayactirka.

Mashruucan maanta la dhagax-dhigay waxaa isna laga maalgelinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waxaanu dayactirk kusamayn-doonaa 30 kilomitir oo katirsan inta u dhaxaysa tuulada Xamaas iyo Hargeysa. Waxaa larajaynayaa in dayactirkani waxweyn kataridoono xaalladda waddada islamarkaana ay yaraan doonto wakhtiga isusocodka magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa. Mashruucan waxaa lagu fulindoonaa muddo 8 billood gudohood ah, marka la dhamaystiro waxay noqonaysaa guud ahaan waddooyinka ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku dayactirtay 130 kilomitir oo laga maageliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)

Madaxweynaha oo madal si weyn loo soo agaasimay, laguna qabtay ballaysimada dhismaha jidka ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay jidadku u leeyihiin horumarka dalka, isgaadhsiinta iyo guud ahaanba isu socodka dadka. Waxa kaluu madaxweynuhu ka hadlay, siday uga go’an tahay waxka qabashada jidadka guud ahaan dalka, gaar ahaan kuwa gobolka saaxil oo uu ku tilmaamay kuwo halbowle ah isku xidhka dalka, siiba marsada caalamiga ah ee Berbera iyo waddanka intiisa kale iyo isku xidhka Somaliland iyo Wadamada Jaarka, Madaxweynaha hadalkiisa waxa ka mid ahaa “Farxad weynbay maanta ii tahay in aan ka soo qaybgalo dhagax-dhiga iyo dayactirka jidka Xamaas Iyo Hargeysa. Wadadaasi waa waddo aad iyo aad muhiima u ah, isgaadhsiinta qaranku waa waxyaalaha ugu mudan ee dadku u baahan yahay, maanta waxaynu ku faanaynaa inaynu dalkeenii dhisanayno, inaynu waddooyinkeenii dhisanayno, oo aynu isgaadhsiinteeni horumarinayno oo ah waxa ay dawladu culayska weyn saarayso ee ay ku tallaabsanayso. Xamaas iyo wadada aynu dhisayno maanta, isgaadhsiinta ayey door weyn ku leedahay, waxan ilaahay ka baryeynaa inuu inagu guuleeyo oo ay noqoto mid aynu ku faa’iidsano. Dawladuna wax Alle wax ay kala hadhaysaa ma jirto, itaalkeeda wixii ay qaban karto dawladu way qabanaysaa, insha Allaa ilaahay ha inagu guuleeyo”.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mudane Cali Xasan Maxamed isaga oo kahadlaya muhiimadda waddadani u leedahay qaranka, ayaa wuxuu yidhi “ Waxaan marag uga ahay qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland in lacagtii cashuur-bixiyayaasha lagu maalgelgeliyey waddooyin muhiim u ah kaabayaasha dhaqaale. Waxaan ku faraxsanay in maanta ladhagax-dhigayo dayactirka waddada Xamaas – Hargeya, tani waxa ay wax weyn kataridoontaa yareynta shilalalka gaadiidka”

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Cali Ismaaciil Xuseen ayaa isna dhiniciisa u mahadceliyey qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) “Aniga oo kuhadlaya afka dawladda Somaliland, Waxaan uga mahadcelinayaa qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland taageeradooda joogtada ah ee horumarka Somaliland. Mashruuca waddadu waxa uu muhiim u yahay horumarka ganacsiga ee Somaliland iyo wadamada jaarka, gaar ahaan Itoobiya”

 Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo dawladda Somaliland kaas oo socon doona muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo qorshaha shanta sanno ee dhinaca horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dawlada Ingiriiksa (DFID), hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA) iyo Dawladaha Norway iyo Netherlands.