OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Wasiiradda wasaaradaha waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa si wada jira u gudoon siiyey shahaadooyin 25 kamida shaqaalaha wasaaradaha waxbarashada,Caafimadka iyo Qorshaynta ee gobalka sool oo mudo 7 bilood ah baranayey maaraynta iyo maamulka mashaariicda .

Xaflad lagu soo xidhay tobabarkan ayaa waxaa ay ka qabsoontay hall-ka shirarka wasaaradda caafimadka ee magaalada laas-anood ,waxaana ka soo qayb galay wasiirka wasaarada waxbarshada Md C.laahi Ibraahim habane, wasiirka wasaarada caafimadka Md Saleeban Ciise Ahmed(Xaglo –toosiye ),Maayarka Magaalada Las-canood ,badhasaab ku xigeenka gobalka Agaasimaha Guud ee Machadka Tobabarka shaqaalaha dawlada Guiled Omar ,saladiin bulshawaynta ku nool magaalada laas-canood iyo shaqaalaha wasaaradaha qorshaynta,caafimadka iyo wax barashada ee gobalka laas-canood

Ujeedada tobabarkan ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqooneed ee shaqaalaha dawlada Somaliland waxaana laga maal galinayaa sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF Waxaana fulinaya Machadka tobabarka shaqaalaha dawlada Somaliland ee CSI.

Intii xafladu socotay waxaa lasoo bandhigay mashaariic kala duwan oo ay diyaariyeen   wasaaradihii qaadaneyey tobabarkan .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee machadka tobabarka shaqaalaha dawlada mudane Gulled Omer waxaana uu ka waramay ujeedada tobabrkan iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay shaqaalaha dawladu unoqon lahaayeen shaqaale tayo leh

Sidoo kale waxaa isna madashasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Caafimadka mudane Saleeban Ciise Ahmed (Xaglo toosiye)ayaa isna dhankiisa kula dar daarmay shaqalaha tobabarkan qaatay inay bulshada uga faa,ideeyaan aqoonta ay barteen,dhanka kalena umahad celiyey shaqalahu sida fiican ee ay u dhamaysteen tobabarkani.

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada waxbarasha Mudane C.laahi Ibraahin habane ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ujeedada loo tababarayo shaqaalaha wasaarada caafimadka ,waxbarashada iyo qorshayntaba waa sidii loo heli lahaa maamul fiican”sidoo kalena waxaa uu kula dardaarmay shaqaalaha inay dadaalka halkaasi ka si wadan oo ay u shaqeeyaan qaranka si horumar loo gaadho .

Gabagabadii xafladan  waxaa shahaadooyin la gudoon siiyey xubnihii dhamaystay tobabarkan sidoo kalena waxaa abaal marino la gudoonsiiyey wasaaradihii iyo xubnihii ugu dhibcadaha badnaa imaanshaha tobabarka

Wasiirada wasaaradaha caafimadka iyo wax barashada oo si wada jira u dhagax dhigay bilowga dib udhiska cisbitaalka iyo Dugsigii hoyga ahaa ee magaalada Lasaanood

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Mudane Salebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdillahi Ibrahim Habane (Cabdillahi-dheere) ayaa manta si wada jira u dhagax dhigay dib udhiska iyo qalabeynta cisbitaalka guud ee iyo Dugsigii hoyga ahaa ee magaalada Laascaanood.

Xaflad lagu dhagax dhigayey bilowga mashaariicdan ayaa waxay ka qabsoontay magaalada Laascaanood waxaana ka soo qayb galay Madax ay ka mid yihiin Wasiirada wasaaradha Waxbarashda, Caafimaadka, agaasimaha guud ee machadka tobabarka shaqaalaha dawlada, Maayarka magaalada Lascaanood, badhasaab ku xigeenka, saraakiil ka socotay ciidama qaranka, booliska, shirkadaha ku guulaytay qandaraasyada dhimaha mashaariicdan iyo bulshada ku nool degmada laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Cibtitaalkan guud ee magaalada laascaanood ayaa waxaa ladhisay sanadihii 1945-1947kii tan iyo xilligaana dayactir wax ku ool ah marna laguma sameynin. Taasina waxay sababtay in cisbitaalku kafeyn waayo baahiyaha caafimaad ee gobolka iyo magaalada. Waxa istaagay inta badan adeegyadii caafimaad ee uu cisbitaalku bixinjiray bukaankana waxa looqaadaa magaalooyinka Buco iyo Hargeysa oo masaafo aad ufog kuyaal. Mashruucan waxa uu dib udhis iyo tayactir ku sameyn doonaa dhismayaasha cisbitaalka iyadoo lana qalabeyndoono. Waxa la dhisi doonaa habmaamulka iyo tayada shaqaalaha ka howlgala cisbitaalka si ay u siiyaan adeeg caafimaad oo hufan bulshada ku dhaqan gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

Mashaariicdan la dhagax dhigay waxa isna ka mid ah mashruuc dhanka waxbarashada ah kaas oo dib udhis iyo qalabayn ku sameyn doona Dugsi hoy (boodhin) ah kuna yaal magaalada Laascaanood. Dugsigan taariikhiga ah oo ay ka aflaxeen dad farabadan wakhtiyadii uu shaqeenayay ayaa burbursanaa muddo.

Intii ay socotay xafladdan lagu dhagax dhigayey mashaariicdan horumarineed ayaa waxa ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka Mudane Saleeban Ciise Axmed (Xaglo toosiye) waxaanu ka waramay muhiimadda uu leeyahay cisbitaalkan magaalada Laascaanood isagoo tibaaxay in uu mashruucu ka koobnaan doono dib udhiska dhismayaashii hore, iyo dhisidda kuwo cusub sidoo kalena waxaa uu sheegay in la keeni doono dhakhaatiir khibradleh oo ay ka mid yihiin dhakhtarka qalliintka, suxiyi, iyo dakhtarka dumarka. Wasiirka oo la dar daarmaya bulshada ku dhaqan gobalka Sool ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweeyaan shirkadaha ku guulaystay dhismaha cisbitaalka iyo dugsiga lana shaqeeyaan dadka ka shaqaynaya cibitaalka.

Wasiirka wasaarada wax barashada mudane Cabdilahi Ibrahim Habane ayaa dhankiisa ka hadlay munaasibadan waxaanu ka waramay muhiimada uu leeyahay dib udhiska iyo soo noolaynta dugsigan taariikhiga ah sheegayna in mudo laba sano ah ay gacanta ku hayn doonaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasibadan maamulayasha labada mashruuc oo dhankooda ku booriyey bulshada reer Laascaanood inay soo dhaweeyaan cid kasta oo ka hawlgaleysa horumarinta gobalka Sool.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waa deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo Dawladda si ay u hirgeliso Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan). Sanduuqa waxa maalagalinaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawalda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), dawladaha Norway iyo Netherland.

 

Xaflad loo qabtay 85 xubnood oo kamida shaqaalaha dawlada oo ka qalin jabiyey machadka tobabarka shaqaalaha dawlada ee CSI ayaa maanta lagu qabtay hotel Ambassador ee magaalada hargaisa

Shaqaalahan oo mudo 7 bilooda baranayey maaraynta mashaariicda ayaa waxay ka kala socdeen wasaaradaha Waxbarashada,Caafimadka,Kaluumaysiga,Qorshaynta,Macdanta iyo Wakaalada biyaha ee magaalada hargaisa .

Tobabarkan awood dhisida shaqaalaha dawlada Capacity surge project (CSP2)  ayaa waxaa laga maal galinyay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF,waxaana fulinayey machadka tobabarka shaqaalaha dawlda ee CSI .

Xafladan ayaa waxaa  kasoo qayb galay wasiirada wasaaradaha cadaalada,qorshaynta ,gudoomiyaha hayada shaqaalaha dawlada ,agaasimaha machadka tobabarka shaqaalada dawlada, Agaasimaha wasaarada waxbarashada ,Agaasimaha wasaarada macdanta iyo tamarta,xubno ka socda DFID,xubnaha qalinjabinayey iyo martisharaf kale,waxaana gudoomineyey wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka mudane cali ismaciil xuseen jirde .

Ugu horayna waxa xaflada furay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka mudane cali Ismacil Xusen(Cali shoombe)  oo ka hadlay xafladan ayaa waxaa uu sheegay muhiimada  ay leedahay aqoontu waxaanu xusay wasiirku in qiimaha uu bini aadam leeyahay  tahay waxbarasho sheegayna horumarka bulshadu inay ku xidhan tahay hadba aqoonta iyo tabobarka ay bulsho leedahay.

Sidoo kale waxaa madasha isna ka hadlay gudoomiyaha hayada shaqalaha mudane Maxamed mixile boqore ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad naqay shaqalaha ka qalin jabiyey machadka tobarka shaqaalada dawlada waxaana uu ka waramay muhiimada mashruucani u leeyahay shaqaalaha dawlada si  loo  hurumariyo tayada shaqaalaha dawlada.

Waxaa isna  dhankiisa  ka hadlay Agaasimaha Machadka shaqaalaha dawlada mudane guleed Omer ayaa isna dhankiisa ka waramay tobabarkan iyo madadii uu socday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray waxaana uu sheegay in tobabarkan uu ka qabsoomayeymagaalooyinka Hargaisa ,Ceerigaabo iyo Las-anood .

Intii xafladani socotay  ayaa waxaa lagu soo bandhigay propsalo ay qoreen wasaaradihii iyo wakaladadihii tobabarkan qaadaanayey.

Gabagabadii xafladan  waxaa shahaadooyin la gudoon siiyey xubnihii dhamaystay tobabarkan sidoo kalena waxaa abaal marino la godoonsiiyey wasaaradahii iyo xubnihii ugu dhibcadaha badnaa imaanshaha tobabarka

 

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde ( Cali Shoombe)  oo uu  weheliyo Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta  Mud. Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu ka kooban Agaasimaha Hay’ada USAID ee Somaliland iyo Somalia

Tyler Beckelman iyo masuuliyiin ka socota hay’ada USAID oo ay ka mid yihiin Madaxa xafiiska Siyaasadda iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska Xasilinta dhaqaalaha ee Hay’adaasi, ayaa kulanka ay la yeesheen Wasiirka iyo ku-xigeenkiisa waxa la isku waydaarsaday xogo ku saabsan  mashaariicda  kala duwan ee ay Hay’ada USAID ka wado dalka. Waxa kale oo ay ka wada hadleen labad dhinac sidii ay hay’ada USAID uga qayb qaadan lahayd hirgalinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sano ee soo socda. Gabagabadii shirka waxay la isla qaatay  sii xoojinta wada shaqaynt labada dhinac.

 

In ka badan 10,000 dadka ku nool xaafadaha Ayaha 1 iyo 2 ee daafaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan dadka danyarta ah ee barakacayaasha ayaa loogu talo galay in ay ka faa’idaystaan Mashruuca Biyo Gelinta Xaafadahaas. Mashruuca waxa hirgelisay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxana laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Dadka deegaanku waxay maalintii heli doonaan biyo nadiif ah oo dhan 302M3.

 Munaasibadda furitaanka rasmiga ah ee dhammaadka Mashruuca waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Mudane Baashe Cali Jaamac, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis iyo Masuuliyiin ka socotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

 Mashruucan oo qaatay muddo dhan hal sanno (April 2015 - April 2016) waxa uu ka kooban yahay dhigidda beebabka biyaha masaafo dhan 5.1 Km, dhismaha 7 kaalmood oo biyaha laga dhaansado oo midkiiba leeyahay 4 qasabadood iyo laba nooc oo qalabka biyaha tuura oo lagu rakibay xarunta biyo safaynta ee Xaraf.

 Isaga oo ka hadlaya munaasibadda lagu qabtay Ayaxa ee lagu furayay Mashruuca ayaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Mudane Cali Shoombe uga mahad naqay qaadhaan bixiyayaasha iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay ka midho dhalinta Mashruucan, waxana uu yidhi

 “ Waxan aad ugu faraxsanahay in aan goob joog ka noqdo dadka deegaanka Ayaxa 1 &2 oo helay biyo nadiif ah oo weliba ka hor helay magaalada Hargeysa intii kale; tanina waxay ku timi dedaalka wada jirka ah iyo iskaashiga Wasaaradaha Qorshaynta iyo Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo qaadhaan bixiyayaasha oo aan aad ugu mahad naqayo”

Sidoo kalena Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Mudane Baashe Cali ka warbixiyay Mashruuca Biyo Ballaadhinta Caasimadda Hargeysa “ Dawladda Somaliland waxay dedaal badan u gashay in Caasimadda Hargeysa oo uguna dad badan ay hesho biyo oo xaafadaha Ayax 1 &2 ku jiraan, waxana biyuhu Hargeysa soo wada gaadhayaan horraanta 2017. Waxanu ka wada shaqayn doonaa Wakaaladda Biyaha Hargeysa sidii maalgelin loogu heli lahaa in la dhiso goobo kayd ah oo biyaha waqtiga jiilaalka laga cabi karo”

Dhanka kalena Maaryeeha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad ayaa isaguna ka warbixiyay Mashruucan waana uu yidhi “Laga bilaabo maanta, dadka ku nool xaafadaha Ayaxa 1 &2 waxay helayaan biyo nadiif ah. Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay aad ugu mahadnaqaysaa qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee maalgeliyay Mashruucan biyo gelinta Xaafadaha Ayaxa 1 &2. Waxanan bulshada deegaanka ugu baaqayaa in ay ilaashaadaan oo dhawrtaan adeegyadan loo fuliyay”

Qaybaha kale ee Mashaariicda laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay fulinayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa wax aka mid ah:

  1. Qodidda 3 ceel biyood oo ku yaalla deegaanka Hora Hadley iyo dhigidda beebab masaafo dhan 6 Km oo ceelasha ku xidhaya Geed Deeble
  2. Beebab cusub oo la soo iibiyay oo la dhigayo masaafo dhan 23 km oo isku xidhaya Geed Deeble illaa Berkadda Kaydka Biyaha
  3. Qorshaha biyo qaybinta xaafadaha magaalada Hargeysa
  4. Dhismaha iyo qalabaynta shaybaadhka tayada biyaha ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa
  5. Dhismaha 3 ballay oo kobcinaya biyaha Xaraf oo ah kuwa loo gudbiyo xaafadaha Ayaxa 1 & 2

 Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waa deeq lacageed oo ka taageera Dawaladda Somaliland hirgelinta Qorshaha Horumarinta Somaliland (NDP). Sanduuqa waxa maalagaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawalda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA) iyo Dawladaha Norway iyo Netherland.

 Xog dheeraad ah kala xidhiidh Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis ama booqo website-ka (www.somalilanddevelopmentfund.org).