OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Soddonkii sano ee u danbeeyay waxa ka jiray deegaanada biyadhaca Sare ee Maroodijeex carro guur daran. Maadaama oo bulshooyinka ku dhaqan deegaankan  ay  gabi  ahaanba  ku tiirsan yihiin waxsoosaarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha, kheyraadkii dabiiciga ahaa ee ay helijireen oo siiyaraaday waxa uu saamayn toos ah ku yeeshay nolosha qoysas badan iyada oo ay adkaatay in ay si fudud dib uga soo kabtaan. Hadaba Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxa uu maalgelinayaa mashruuca dhaqaalaynta ciidda iyo biyaha oo ka socda deegaanka Aburriin ee gobolka Maroodijeex, waxana fulinaysa Wasaaradda Beeraha Somaliland. Mashruucu waxa uu ka kooban yahay qaybo badan oo ay ka mid yihiin dayactirka goobaha biyaha sida balliyada iyo berkadaha, daryeelka deegaanka iyo dhaqaalaynta ciidda iyada oo la hirgelinayo farsamooyin casriya oo ah dhisidda naxarro kala duwan si ay u qabtaan biyaha una hakiyaan qulqulkooda iyo weliba joojinta samaysanka jeexjeexyada iyo fididda dooxyada iyada oo la dhigayo gabyanno laku hakinayo ciidda iyo fididda dooxyada.

Dhanka kalena mashruucu waxa uu kor u qaadayaa aqoonta beeralayda ee ku aaddan beerashada casriga ah iyada oo dhowaanna la bilaabay dib u dhiska iyo dayactirka dugsiga barashada beeraha ee Aburiin.

Waqtigan oo roobab fiicani ka da’een deegaanka, waxa durba la dareemayaa faa’idooyinka mashruuca oo ay ugu horrayso buuxinta baahidii biyaha iyada oo biyuhu fadhiyaan balliyadii iyo berkadihii la hirgeliyay. Sidoo kale carro guurkii darnaa iyo qulqulkii biyaha ayaa la dareemayaa sida loo hakiyay, iyada oo biyihii fadhiisteen dhulkii wax ka soo bixi lahaayeen oo ku hakadeen.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo logu taageero dawladda Somaliland  si ay fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.  

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waxaa maalgeintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands.

 

Wasiirka wasaaradda qorshayta qaranka  Cali ismail jirde (Cali Shoombe) ayaa faah faahin ka bixiyey heshiiskii ay dawladda Somaliland la gashay shirkadda Dubai Port world oo

maamusha dakado badan oo caalamka ka mida heshiiskaas oo ku saabsanaa sidii ay u maal gashan lahaayeen dekada magaalada Berbera ee Somaliland una noqon lahayd marso caalami ah ayaa waxa ka mid ahaa hadaladii wasiirka “ shirkadda Dubai Port world waxay maamushaa 7500 oo shirkadood waxaana suurto gal ah inay shirkadahaasi ku soo xidhmaan dekedda magaalada berbera dhaqaalena ku soo kordhiyaan guud ahaan dalka Somaliland sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadlay siyaabo khaldan oo loo turjumay heshiiska lalagalay shirkada dubai Port world waxaanu yidhi waxaan filayaa lababoqol  oo  sanno ayaa laga jooga markii la yidhi berberi wax g’o lagu qaado ka wayn laakiin waa loomeel dayayaa umadda in loo daneeyo oo wixii wax ugu hagaagayaan loo sameeyo dawladdu masuul ayay ka tahay, waxa kale oo wasiirku ka dhawaajiyay heshiiskii ay dawladda Somaliland lasoo sexeexatay dawladda Ethopia ee ku saabsanaa isticmaalka Dekeda Berbera waxaanu yidhi  waa heshiis aan waxba u dhimayn oo kaabaya,heshiiskaa laftiisa ayay ku jirtay in la balaadhiyo dekeda  berbera si ay u isticmaali karaan dawladda Ethopia iyo sayladaha kale ee caalamkuba dhaqaaleheenana aynu hore ugu marino  waxaanu wasiirku kusoo afmeeray shirkaa jaraaid heshiiskani inuu yahay mid muhiim u ah danta umadda reer Somaliland iyo sidii ay u horu mari lahaayeen.

 

Sanduuqa Horumarinta Soomaliland (SDF) iyo Midawga Yurub waxay si wadajir ah u maalgelinayaan mashruuca biyo-ballaadhinta magaalada Hargeysa kaas oo ay fulinayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo kaashanaysa hay’adda UNHABITAT.

Waxa dhammaaday

 Qodidda Affar ceel-biyood  oo ku qalabaysan bamamka biyaha tuura kuwaas oo laga qoday deegaanka Horahaadley ee Waqooyiga Hargeysa, laguna soo xidhi doono xarunta biyaha ee Geed-deeble. Sidoo kale waxa meel fiican maraysa hawsha dhigidda beebab cusub oo tayo sare leh oo soo qaadaya biyaha soona gaadhsiinaya illaa Hargeysa. Saldhigga biyaha Geed Deeble ayaa isagana kor loo qaadayaa shaqadiisa.

Dhanka kalena waxa la dhamaystiray nidaamka ballaadhinta biyaha ee Xaraf si ay ugu faa’idaystaan barakacayaasha xaafadaha Ayax 1 iyo 2 una helaan biyo jaban. Qaybtan waxa ka faa’idaysanaya ku dhawaad 7,000 oo qof oo ku dhaqan labadaas xaafadood iyo hareerahooda. Waxa la dhigay beebab biyaha kasoo qaadaa deegaanka Xaraf oo usoo gudbiya goobaha biyaha lagu kaydinayo eek u yaallaa xaafadahaas, halkaas oo ay uga soo gudbin doonaan xarumo biyo qaybineed.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo logu taageero dawladda Somaliland  si ay fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.  

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waxaa maalgeintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands.

 

Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo maalgelin ka helaysa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxay dib u dhis ku samaysay 19 Km oo ah waddada isku xidha magaalooyinka Kalabaydh iyo Dila taas oo hadda geba gebo ku dhow, waxana la dhisay in kabadan 17 Km inta hadhayna la filayo in bisha May la dhamaystiro.

Faai’dooyinka waddadani keentay waxa ka mid ah  wakhtigii isu’socodka gaadiidka ee magaalooyinka ay isku xidho waddadani oo gaabtay, kharashaadkii ku bixi jiray  dayactirka gaadiidka oo yaraaday, iyo shilalkii oo hoos u dhacay, halka ay  fududaatay gudbinta adeegyada dawladdu bixiso.

Mashruucu sidoo kale waxa la rajaynayaa in uu wax ka tari doono koboca dhaqaalaha goobaha ay waddadani marto, isaga oo hoos u dhigidoona heerka  saboolnimada ee bulshooyinka deggen waddadan hareeraheeda.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo logu taageero dawladda Somaliland  si ay u fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.  Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waxaa maalgeintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands.

 

Tababarkan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda beeraha ee magaalada hargeisa ayaa waxaa ka qayb qaadanaya shaqaalaha cusub ee wasaaradda beeraha  waxaana lagu tobabarayaa cilmi baadhista dhinaca beeraha iyadoo la gayn doono xarunta cilmi baadhista ee deegaanka aburiin waxana ka qayb qaadanaya 20 qof oo ka mida shaqaalaha wasaaradda beeraha ahna shaqaalaha cusub ee wasaaradda beeraha.

Tobabarkan ayaa waxaa uu bilaabmay horaantii bishii April-2016 waxaana uu dhamaan doona September 2017  waxaa uu socon doona mudo 18 bilood .

Ujeedada tobabarkan ayaa ah sidii isbadal loogu samayn lahaa aqoonta wax beerista iyo  wax soosaarka ee beeralayda Somaliland,hadaba si looga midho dhaliyo yoolka wasaaradda beeraha ee ah sidii isbadal loogu samayn lahaa aqoonta beerista iyo wax soo saarka guud ahaan wadanka Somaliland ayaa waxaa shaqaalaha lagu tobabarayaa casharo wax ku kordhinaya wax soo saarka oo ay ka mid yihiin ciida iyo noocyadeeda kala duwan ee carada   habka casriga ee wax beerista iyo sida looga ilaaliyo dalaga cayayaanada iyo cudurada .

Lataliyaha maareeyaha mashruuca nafaqaynta ciida iyo biyaha ee wasaaradda beeraha Mr Abdirashid  ayaa waxaa uu ka waramay guud ahaan  faa,idada ay shaqaalahani  ka helayaan mudada tobabrkani socdo iyo sidii ay wax uga badali lahaayeen nidaamka wax soosaarka  dadka reer Somaliland.

Qaarkamida shaqaalaha fursada u helay tobabarkan ayaa iyaguna dhankooda ka waramay waxyaabaha ay ka faa,ideen mudadii tobabarkani socday ,waxaanay sheegen inay uga faa,idayn doonan dadka xoola dhaqatada ee deegaanka aburiin, Tobabarkan ayaa waxaa qabanaya khubaro ku xeel dheer arimaha beeraha

Dhamaadka tabobarkan ayaa waxa lafilayaa inay wax wayn iska badali doonaan aqoonta shaqaalaha tobabarkan qaadanaya iyo sidoo kale  nidaamka wax soosaarka ee beeralayda Somaliland gaar ahaan deegaanka aburiin,si looga maarmo siidhka aan wax tarka lahayn ee laga keeno dalka dibadiisa