OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


In ka badan 10,000 dadka ku nool xaafadaha Ayaha 1 iyo 2 ee daafaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan dadka danyarta ah ee barakacayaasha ayaa loogu talo galay in ay ka faa’idaystaan Mashruuca Biyo Gelinta Xaafadahaas. Mashruuca waxa hirgelisay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxana laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Dadka deegaanku waxay maalintii heli doonaan biyo nadiif ah oo dhan 302M3.

 Munaasibadda furitaanka rasmiga ah ee dhammaadka Mashruuca waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Mudane Baashe Cali Jaamac, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis iyo Masuuliyiin ka socotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

 Mashruucan oo qaatay muddo dhan hal sanno (April 2015 - April 2016) waxa uu ka kooban yahay dhigidda beebabka biyaha masaafo dhan 5.1 Km, dhismaha 7 kaalmood oo biyaha laga dhaansado oo midkiiba leeyahay 4 qasabadood iyo laba nooc oo qalabka biyaha tuura oo lagu rakibay xarunta biyo safaynta ee Xaraf.

 Isaga oo ka hadlaya munaasibadda lagu qabtay Ayaxa ee lagu furayay Mashruuca ayaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Mudane Cali Shoombe uga mahad naqay qaadhaan bixiyayaasha iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay ka midho dhalinta Mashruucan, waxana uu yidhi

 “ Waxan aad ugu faraxsanahay in aan goob joog ka noqdo dadka deegaanka Ayaxa 1 &2 oo helay biyo nadiif ah oo weliba ka hor helay magaalada Hargeysa intii kale; tanina waxay ku timi dedaalka wada jirka ah iyo iskaashiga Wasaaradaha Qorshaynta iyo Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo qaadhaan bixiyayaasha oo aan aad ugu mahad naqayo”

Sidoo kalena Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Mudane Baashe Cali ka warbixiyay Mashruuca Biyo Ballaadhinta Caasimadda Hargeysa “ Dawladda Somaliland waxay dedaal badan u gashay in Caasimadda Hargeysa oo uguna dad badan ay hesho biyo oo xaafadaha Ayax 1 &2 ku jiraan, waxana biyuhu Hargeysa soo wada gaadhayaan horraanta 2017. Waxanu ka wada shaqayn doonaa Wakaaladda Biyaha Hargeysa sidii maalgelin loogu heli lahaa in la dhiso goobo kayd ah oo biyaha waqtiga jiilaalka laga cabi karo”

Dhanka kalena Maaryeeha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad ayaa isaguna ka warbixiyay Mashruucan waana uu yidhi “Laga bilaabo maanta, dadka ku nool xaafadaha Ayaxa 1 &2 waxay helayaan biyo nadiif ah. Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay aad ugu mahadnaqaysaa qaadhaan bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee maalgeliyay Mashruucan biyo gelinta Xaafadaha Ayaxa 1 &2. Waxanan bulshada deegaanka ugu baaqayaa in ay ilaashaadaan oo dhawrtaan adeegyadan loo fuliyay”

Qaybaha kale ee Mashaariicda laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay fulinayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa wax aka mid ah:

  1. Qodidda 3 ceel biyood oo ku yaalla deegaanka Hora Hadley iyo dhigidda beebab masaafo dhan 6 Km oo ceelasha ku xidhaya Geed Deeble
  2. Beebab cusub oo la soo iibiyay oo la dhigayo masaafo dhan 23 km oo isku xidhaya Geed Deeble illaa Berkadda Kaydka Biyaha
  3. Qorshaha biyo qaybinta xaafadaha magaalada Hargeysa
  4. Dhismaha iyo qalabaynta shaybaadhka tayada biyaha ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa
  5. Dhismaha 3 ballay oo kobcinaya biyaha Xaraf oo ah kuwa loo gudbiyo xaafadaha Ayaxa 1 & 2

 Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waa deeq lacageed oo ka taageera Dawaladda Somaliland hirgelinta Qorshaha Horumarinta Somaliland (NDP). Sanduuqa waxa maalagaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawalda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA) iyo Dawladaha Norway iyo Netherland.

 Xog dheeraad ah kala xidhiidh Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis ama booqo website-ka (www.somalilanddevelopmentfund.org).

 

Hargeysa– Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa maanta furay Shirka 9aad ee Isuduwidda Mucaawinooyinka Somaliland oo lagu qabtay Hudheelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah  waxa ka qaybgelaya wakiillo ka socda dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca hormarka, saaraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adaha Qaramada midoobey,laamaha kala duwan ee dawladda Somaliland, wakiilo ka socda bulshada rayidka ah iyo saxaafadda gudaha.

Waxaa shirkan wada guddoominya Wasiirka Qarsheynta Qaranka Mudane Cali  Xuseen Ismaacii (Cali  Shoombe), Kira Smith Madax-xigeenka safaaradda Denmark ee dalka kenya, Phil Evans madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska (DFID) u qaabilsan Somaliland, iyo Peter de Clercq ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee isuduwidda hawlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland.

Labada maalmood ee uu shirku socdo waxa lagu gorfayn doonaa habsami-socodka hawlaha horumarineed ee qaranka, diyaar-garawga doorashooyinka soo socda ee dhici doon bisha March, 2017, qiimeynta aafooyinkii abaaruhu geysteen iyo sii amboqaadka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sanno ee soo socda.

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa furitaankii shirkan ka sheegay in xaaladda amni iyo nabad gelyo ee ka jirta Somaliland ay suurto-gelisay wadashaqayn buuxda oo dhexmarta dawladda Somaliland, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, isagoo ku amaanayna beesha caalamka taageeradda dhinaca horumarka iyo arimaha bani’aadanimadda ee ay siiyaan bulshadda Somaliland.

Madaxweynuhu wuxu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in aanay Somaliland ka mid ahayn dawlad-goboleedyada Soomaaliya, kana qayb geli doonin doorashooyinka ka dhacaya dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Peter de Clercq ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee isuduwidda hawlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland, ayaa isaguna dhankiisa sheegay in tiraba markii sadexaad ee uu Somaliland yimaado ay tahay marba marka ka danbaysana uu sii xiisaynayo. Waxa kale oo uu xusay kaalintii ay ka qaateen abaarihii baahsanaa ee dhacay Somaliland isagoo dhanka kalena sheegay sida loogu baahanyahay in laga gaashaanto in aanay abaarahaasi oo kale soo noqon. Waxaanu ka dhawaajiyey inay waddaan qorshe loogu talagalay sidii wax looga qaban lahaa  biyaha roobabka ee iyagoo qulqulayaa  badda galaya si looga faa’ iidaysto. Masuulkan ayaa waxa kuu ka dhawaajiyey sida ay ugu raja waynyihiin in doorashada soo socotaa sidii loogu talagalay u qabsoomi doonto.

Kira Smith Madax-xigeenka safaaradda Denmark ee dalka kenya, ayaa ka warantay taageeradda beesha caalamku la garab taagantahay Somaliland waxaanay ku amaantay xukuumadda iyo shacabka somaliland horumarka dhinaca dimuqraadiyadda iyo nabadgalayadda. Sidoo kale waxay ka sheegtay inay taageerayaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sano ee 2016 -2021ka kaasoo diyaarintiisu meel fiican marayso. Waxay tilmaamtay sida ay beesha caalamku u danaynayso doorka haweenka ee siyaasadda iyo dhawrista xuquuqda haweenka iyo xoriyatul qawlka.

Shirkan yaa waxaa uu socon doonaa mudo 2 cisho ah waxaa soo qaban qaabiyay haayada nabada iyo horumarinta Somaliland Shirkan  oo ka qabsoomay huteel maansoor ee magaalada hargaisa ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha qorshaynta, deeganka, beeraha, hawlaha guud gaadiidka iyo guryaynta, xanaanada xoolaha,xildhibaanada golaha deegaanka iyo marti sharaf kale.

Ujeedada shirkan ayaa ahayd in lagu soo bandhigo daraasad ay samaysay haayada nabada iyo horumarinta Somaliland iyo in lays la eego qabyo qoraalka siyaasada guud ee dhulku yeelan doono,siyaasadan qabyo qoraalka oo ka kooban nidaamka kala xadaynta dhulka oo loo qaybiyey dhul dan guud ah oo ay umadu leedahay una maamuli doonto dawladu,dhul gaar loo leeyahay iyo dhul ay bulshadu leedahay.

Madaxweyene ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland muden c.raxmaan ismacil saylici ayaa  ka waramay dhibaatada dhulka oo aad u sii badanaysa,waxaana uu madaxweyne ku xigeenku kula dardaarmay xubnihii ka soo qayb galay shirkan inay u dul qaataan oo ay dhamaystaan mudada kooban ee shirku socdo

waxaa sidoo kale kahadlay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka ahna gudoomiyaha gudiga siyaasada guud ee dhulka isagoo sheegay in muhiimda shirkan layskugu yimid ay tahay in laysla eego islamarkaana lagu daro wixii ka dhiman sidoo kale waxaaa uu wasiirku sheegay in dhibaatada ugu way ee jirta ay tahay dhulka,dhulkaasi oo aan sifo sharci ah loo adeegsanayn oo laga ootay xoolihii iyo dadkii oo ay ooteen shakhsiyaad gaara Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay maayarka magaalada hargaisa mudane c.raxman soltelco oo isna dhankiisa ka waramay dhibaatada ka haysata dadka dhinacyada dhulka.

Gabagabadii shirkan waxaa lagu soo bandhigay warbixin ka hadlaysa qabyo qoraalka siyaasada guud ee dhulka

 

Maalinta caalamiga ah ee deegaanka oo sannad kasta la xuso 5-ta June ayaa si wayn looga xusay Jamhuuriyadda Somaliland. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta  Reer Miyiga ayaa Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa ku qabatay  munaasabad balaadhan oo lagu xusayo maalintan  oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale. Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa ah “Dhiiri galinta Tamarta Badalka u Noqon Karta Dhuxusha iyo Xaabada

Marwadda Koowaad ee Qaranka Somaliland Aamina Waris Sh. Maxamuud Jirde oo   furitaanka munaasabadda ka hadashay ayaa tidhi “Nolosha dhaqan dhaqaale ee dadka reer Somaliland waxay ku tiirsan tahay xoolaha nool,dalaga beeraha iyo khayraadka dhirta, taasi waxay marag madoon u tahay sida tooska ah iyo sida dadban ee nolosha dadka Somaliland ugu tiirsan tahay dhirta iyo daaqa. Hadaba, maanta oo ah maalin wayn anigoo ka faa’idaysanaya fursadan qaaliga ah waxaan bulshada reer somaliland u sheegayaa inay deegaanka dalkooda ilaashadaan, oo ay feejignaan dheer u yeeshaan cidkasta oo burburinaysa; hadaanay bulsho waynta reer somaliland la shaqayn Wasaaradda Deegaanka suurtagal noqon mayso in Wasaaraddu geed walba ay askari iyo qof shaqaala  ah hoos dhigto”

Dhanka kalena, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Hourmarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare), ayaa iyaduna ka warrantay ahmiyadda deegaanku u leeyahay nolosha iyadoo fasir ka bixisay dhibaatadda ugu badan ee hadda haysata oo ay ku tilmaantay gummaadka dhirta qoyan ee laga shidayo dhuxusha, waxaanay tidhi “waad arkaysaan maanta dhibaatada ina haysata  ee ay keentay cimiladda isbeshay hawadii ayaa kululaatay, cadceedi ayaad mooda in dusheena la saaray , roobabkii ayaa yaraaday oo inaga raagay , markaa maanta waxay u baahanahay haweenow idinkaa kijada ku jiree in aynu bedelno isticmaalka dhuxusha oo aynu ku bedelno tamarta kale

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka ayaa isaguna ka waramay muhiimadda xuska maalinta iyo sida ay muhiimka u tahay in la isku baraarujiyo hadba wixii deegaanka dhibaato ku haya waxaanu sheegay  in nolosha dadkeeenu ku xidhantahay wax soosaarka deegaanka dadka aduunkana aynu uga nugul nahay waxyeeladda cimiladda isbedelaysaa waxaanu yidhi “Nolosheenu waxay ku xidhantahay xoolaha, xoolaha noloshoodu waxay ku xidhatahay daaqa dhulka ka soo baxa hadii daaqa la waayana xoolaha la waayi doona, hadii xoolaha la waayana nolosheena la waayi doonaa”

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiiro ka tirsan xukuumada iyo xubno ka socday shirkadaha tamarta dhuxusha lagu beddelayo  keenay, dhammaantoodna waxay dhiirigaliyeen in la ilaaliyo deeganka lagana takhaluso wixii dhibaato ku keenaya oo ay ugu horrayso gubidda dhirta si dhuxul looga sameeyo.

Wasaaradda degaanku iyada oo la kaashanaysa Wasaaraddaha Ganacsiga, Maaliyada iyo Tamarta waxay ku guulaysteen  in cashuur dhaaf loo sameeyo tamaraha badalka u noqon karta dhuxusha iyo xaabada sida gaasta hawada ah ee la shito (Butane gas), cashuur dhaafkaas oo loo sameeyay wuxuu keenay in qiimahoodu hoos u dhaco oo taasina ay keentay in dad badani iibsadaan. Tusaale  ahaan  haanta 10 kg ee gaasta la shito ah shirkada SomGas waxay siin jirtay 30 Dollar bilawgii, halka manta ay ku iibiyaan 20 Dollar.

Sidoo kale, Wasaaradda Degaanku waxay ka howl gashay sidii loo dhiiri galin lahaa isticmaalka geedka garan waaga (prosopis) oo laga heli karo xaabo iyo dhuxulba, taas oo badal u noqon karta dhirta kale ee la gumaadayo. Waxaa cilmi baadhiso badan oo laga sameeyay lugu ogaaday in geedka garan waagu noqon karo badal fiican, kaas oo buuxin kara kaalinta dhirta kale.

Wasaaradda degaanku waxa kale oo ay ku guulaysatay in la sameeyo xeerka kaymaha iyo duur-joogta 69/2015. Xeer kaasi wuxuu wax wayn ka tari doonaa ilaainta iyo daryeelka dhirta iyo duur-joogta.

Ugu danbaynna, Wasaaradda Deegaanku waxay ugu baaqaysaa bulshada Somaliland in ay daryeelaan deegaanka, waayo deegaanka fayow ee badqaba ayuun baa lagu noolaan karaa, waana waajib saaran qof kasta oo muwaadin ah inuu dalkiisa iyo dhulkiisa ka ilaaliyo wixii dhibaato u keenaya.

 

shirkan oo uu gudoominayay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta somaliland Md Cali Xusein Ismacil(Cali Shoombe) ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha deegaanka ,biyaha wasiiiru dawlayaasha wasaaradaha maaliyada,biyaha, tamarta,xanaanada xoolaha,shaqada iyo arimaha bulshada ,ururada bulshada iyo qaar kamida agaasimayaasha waaxaha ee wasaarada qorshaynta qaranka.

Ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii looga wada tashanlahaa waxyaabaha lagu soo bandhigi doono  shirka iskuduwida mucaamida(HLICF)  oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada hargaisa.

intii shirkani socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay  soo jeedino la xidhiiidha sidii looga qayb qaadan laha shirka isku duwida mucaawimada somailland iyo wixii lagu soo bandhigi lahaa.

wasaaradda tamarta iyo macdanta ayaa iyaguna dhankooda soo bandhigay warbixin la xidhiidha qaybta cusub ee tamarta iyo macdanta ,waxaana laysla qaatay in sector  laga dhigo tamarta iyo macdanta iyo baahiyaha looqabo

gabagabadii shirkan waxaa soo xidhay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta somaliland mudane cali ismacil  huseen(Cali Shoombe)