OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo maalgelin ka helaysa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxay dib u dhis ku samaysay 19 Km oo ah waddada isku xidha magaalooyinka Kalabaydh iyo Dila taas oo hadda geba gebo ku dhow, waxana la dhisay in kabadan 17 Km inta hadhayna la filayo in bisha May la dhamaystiro.

Faai’dooyinka waddadani keentay waxa ka mid ah  wakhtigii isu’socodka gaadiidka ee magaalooyinka ay isku xidho waddadani oo gaabtay, kharashaadkii ku bixi jiray  dayactirka gaadiidka oo yaraaday, iyo shilalkii oo hoos u dhacay, halka ay  fududaatay gudbinta adeegyada dawladdu bixiso.

Mashruucu sidoo kale waxa la rajaynayaa in uu wax ka tari doono koboca dhaqaalaha goobaha ay waddadani marto, isaga oo hoos u dhigidoona heerka  saboolnimada ee bulshooyinka deggen waddadan hareeraheeda.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo logu taageero dawladda Somaliland  si ay u fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.  Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waxaa maalgeintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands.

 

Sanduuqa Horumarinta Soomaliland (SDF) iyo Midawga Yurub waxay si wadajir ah u maalgelinayaan mashruuca biyo-ballaadhinta magaalada Hargeysa kaas oo ay fulinayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo kaashanaysa hay’adda UNHABITAT.

Waxa dhammaaday

 Qodidda Affar ceel-biyood  oo ku qalabaysan bamamka biyaha tuura kuwaas oo laga qoday deegaanka Horahaadley ee Waqooyiga Hargeysa, laguna soo xidhi doono xarunta biyaha ee Geed-deeble. Sidoo kale waxa meel fiican maraysa hawsha dhigidda beebab cusub oo tayo sare leh oo soo qaadaya biyaha soona gaadhsiinaya illaa Hargeysa. Saldhigga biyaha Geed Deeble ayaa isagana kor loo qaadayaa shaqadiisa.

Dhanka kalena waxa la dhamaystiray nidaamka ballaadhinta biyaha ee Xaraf si ay ugu faa’idaystaan barakacayaasha xaafadaha Ayax 1 iyo 2 una helaan biyo jaban. Qaybtan waxa ka faa’idaysanaya ku dhawaad 7,000 oo qof oo ku dhaqan labadaas xaafadood iyo hareerahooda. Waxa la dhigay beebab biyaha kasoo qaadaa deegaanka Xaraf oo usoo gudbiya goobaha biyaha lagu kaydinayo eek u yaallaa xaafadahaas, halkaas oo ay uga soo gudbin doonaan xarumo biyo qaybineed.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waa deeq lacageed oo logu taageero dawladda Somaliland  si ay fuliso barnaamijyo kor loogu qaadayo Horumarinta Somaliland kuwaas oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.  

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) waxaa maalgeintiisa iska kaashaday dalalka Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands.

 

Shirkan oo lagu qabtay hotel maansoor ee magalada berbera  aya waxa ka so qayb galay Wasiiru dawlaha Wasaaradda Biyaha ,Maamula ku xigeenka Mashruuca SDF , Maareeyaha mashruuca Biyo balaadhinta Berbera , Maareyaha wakaalada berbera

Ujeedada shirkan ayaa  ahayd sidii qorshe loogu Samayn laha  biyo balaadhinta magaalada berbera , ugu horeyna waxa shirka ka hadlay Maareeyaha mashruuca isago faahfaahin ka bixiyay u jeedada mashruuca looga dan leeyahay iyo sidi lagu balaadhin laha biyaha magaalada berbera

shirkan aya waxa si wada jir ah u Furay wasiir dawlaha wasaaradda biyaha , Gudoomiyaha Gobolka iyo maareeyaha wakaalada berbera

intii shirkan socday aya waxa lagu so bandhigay warbixino la xidhiidha sidii qorshe loogu samayn laha Biyo balaadhinta magaalada berbera

ugu danbayntiina waxa shirka soo xidhay Wasiirudawlaha Wasaaradda Biyaha ee Somaliland

 

Tababarkan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda beeraha ee magaalada hargeisa ayaa waxaa ka qayb qaadanaya shaqaalaha cusub ee wasaaradda beeraha  waxaana lagu tobabarayaa cilmi baadhista dhinaca beeraha iyadoo la gayn doono xarunta cilmi baadhista ee deegaanka aburiin waxana ka qayb qaadanaya 20 qof oo ka mida shaqaalaha wasaaradda beeraha ahna shaqaalaha cusub ee wasaaradda beeraha.

Tobabarkan ayaa waxaa uu bilaabmay horaantii bishii April-2016 waxaana uu dhamaan doona September 2017  waxaa uu socon doona mudo 18 bilood .

Ujeedada tobabarkan ayaa ah sidii isbadal loogu samayn lahaa aqoonta wax beerista iyo  wax soosaarka ee beeralayda Somaliland,hadaba si looga midho dhaliyo yoolka wasaaradda beeraha ee ah sidii isbadal loogu samayn lahaa aqoonta beerista iyo wax soo saarka guud ahaan wadanka Somaliland ayaa waxaa shaqaalaha lagu tobabarayaa casharo wax ku kordhinaya wax soo saarka oo ay ka mid yihiin ciida iyo noocyadeeda kala duwan ee carada   habka casriga ee wax beerista iyo sida looga ilaaliyo dalaga cayayaanada iyo cudurada .

Lataliyaha maareeyaha mashruuca nafaqaynta ciida iyo biyaha ee wasaaradda beeraha Mr Abdirashid  ayaa waxaa uu ka waramay guud ahaan  faa,idada ay shaqaalahani  ka helayaan mudada tobabrkani socdo iyo sidii ay wax uga badali lahaayeen nidaamka wax soosaarka  dadka reer Somaliland.

Qaarkamida shaqaalaha fursada u helay tobabarkan ayaa iyaguna dhankooda ka waramay waxyaabaha ay ka faa,ideen mudadii tobabarkani socday ,waxaanay sheegen inay uga faa,idayn doonan dadka xoola dhaqatada ee deegaanka aburiin, Tobabarkan ayaa waxaa qabanaya khubaro ku xeel dheer arimaha beeraha

Dhamaadka tabobarkan ayaa waxa lafilayaa inay wax wayn iska badali doonaan aqoonta shaqaalaha tobabarkan qaadanaya iyo sidoo kale  nidaamka wax soosaarka ee beeralayda Somaliland gaar ahaan deegaanka aburiin,si looga maarmo siidhka aan wax tarka lahayn ee laga keeno dalka dibadiisa

 

Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta Somaliland  Cali Ismacil Xusen jirde(Cali shoombe) ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday safaarada wadanka Sweden ee Nairobi.

Waftigan oo uu hogaaminyey Mr. PER oo ah sarkaal ka socday safaarada wadanka Sweden ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi iyo madaxa waaxda barnamijyada caalamiga ah ee wadanka Sweden(Head of international program department ) LISBETH PETERSON oo ay waheliyaan xubno ka socda xafiiska SYD oo ah hay,ad Swedish ah oo xarunteeda Somalia iyo Somaliland ay tahay magaalada hargaisa .

Ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii ay wadanka Sweden uga mid noqon lahaayeen sanduuqa caawimada Somaliland ee SDF oo ay ku bahoobeen wadamada England ,Norway,Holland iyo demark

Intii shirkani socday waxay wasiirka iyo waftiga ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen mashaariicda horumarineed ee wadanka Somaliland gaar ahaan mashaariicda sanduuqa caawimada Somaliland ee SDF waxaana wasiirku xusay mudnaanta sanduuqa caawimada Somaliland u leehay qaranka Somaliland shegayna in ay dawladu gacanta ku hayso kuna salaysan yahay qorshaha horumarineed ee wadanka Somaliland (NDP)