OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Munaasibad balaadhan oo ay xilka kulla kala wareegayeen wasiirkuxigeenkii hore ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka mudane Cabdiraxmaan Yusuf Ismaaciil iyo Wasiir kuxigeenka Cusub Mudane Kaysar Cabdilaahi ayaa  lagu qabtay Holl-ka shirarka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Hassan Cumar Horri oo ugu horayn furintaankii madasha kahadlay ayaa  uga mahadceliyay muddadii ay wasiirkuxigeenka soo wadashaqaynayeen soona dhaweeyey wasiirkuxigeenka cusub.

wasiirkuxigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yusuf ismaaciil ayaa  ku soo dhaweeyay wasiirkuxigeenka cusub ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka isagoo sheegay inuu ku wareejinayo w/kuxeenka cusub shaqaale ixtiraam iyo wadashaqayn Hufan leh.

Wasiirkuxigeenka cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa isaguna dhankiisa u mahadceliyay madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda Qorshaynta Qaranka sheegayna inuu si hufan oo hagar la’aana ula shaqayn doono, waxaanu sidoo kale sheegay in ay farxad dheeraad ah u tahay wadashaqaynta wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka mudane Cali Xuseen Ismail(Cali Shoombe).

Gabagabadii waxaa soo xidhay munaasibada Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xusseen Ismaaciil(Cali Shoombe) waxaanu u mahad celiyay wasiirkuxigeenkii hore ee wasaaradda  mudadii ay wada shaqaynayeen, waxaanu sidoo kale soo  dhaweeyay wasiirkuxigeenka cusub ee wasaaradda isagoo sheegay in ay muddo badan  soo wada shaqaynayeen, maantana isku noqdeen bahda Qorshaynta qaranka

Munaasibad balaadhan oo ay xilka kulla kala wareegayeen wasiirkuxigeenkii hore ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka mudane Cabdiraxmaan Yusuf Ismaaciil iyo Wasiir kuxigeenka Cusub Mudane Kaysar Cabdilaahi ayaa  lagu qabtay Holl-ka shirarka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) ayaa Baabuur kuwa xamuulka qaada ku wareejiyay Wakaaladda Horumarinta  Wadooyinka. Munaasibadan oo lagu qabtay Xarunta Hay’ada Horumarinta Wadooyinka oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta & Gaadiidka, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka iyo masuuliyiin ka tirsan Haayada Waddooyinka Horumarinta , Masuuliyiin ka socday Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF secretariat) iyo Xafiiska xidhiidhka mashaariicda Sanduuqa Horumarinta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka & Horumarinta.

Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Pr. Xassan Cali Cusmaan oo kahadlay furitaanka munaasibada ayaa sheegay in uu gaadhigan ka mid yahay deeq Gaaddiid iyo qalab kala duwan oo loogu talagalay Mashaariicda  dayactirka wadooyinka ee ay fulinayso Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, kaasoo uu  gaadhigani ugu horeeyo  iyadoo la filayo in qaybta kalena si dhakhso ah ay u soo gaadhi doonto. Gaadhigan ayaa lagu wadaa inuu  qaado qalabka dayactirka si loogu gaadhsiiyo hadba meesha ay hawsha dayactirku ka socoto.  Maareeyuhu waxa uu intaas ku daray in qalabkani uu waxbadan ka tari doono habsami u socodka hawlaha shaqo ee Waaxdda dayactirka wadooyinka. 

Mr Anthony Nujue Maamulaha Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF secretariat), ayaa sheegay  in qalabka dayactirka Waddooyinku uu qayb ka yahay tayaynta awooda Haya'da Horumarinta Wadooyinka si loo helo  Waddooyin tayo le oo in badan la manaafacaadsado. Waxaanu uga mahad celiyey Wasiirka Wasaaradda Hawalaha Guud iyo Guryey iyo Masuuliyiinta Hayada Horumarinta Wadooyinka sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan isagoo ku amaanay dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee ay ka sameeyeen mashruuca dibudhiska Waddooyinka

Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud, Guryaynta & Gaadiidka Mr, Cali Maxamed Xasan, ayaa isaganu dhankiisa  u mahad celiyay Masuuliyiinta  Sanduuqa Horumarinta Somaliland isagoo xusay  inay jiraan wadooyin badan oo laga hirgaliyay Gobolada Somaliland, oo laga maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)  kuwaas oo u baahan dayactir joogto ah si aanay u khasaarin dhaqaalihii iyo tabacii lagaliyay, wasiirku waxa u intaas ku daray inay u qorshaysantahay in waaxda dayctirka wadooyinku ay xarumo ku yeelan doonto Bariga iyo galbeed Dalka iyo Koox wareegta, si loo joogteeyo dayactirka wadooyinka. 

Gabagabadii Munaasibada Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Guryaynta & Gaadiidka ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay xubno ka socday Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF Secretariat), Xafiiska Xidhiidhka Mashaariicda SDF (Communication Hub) ee  Wasaaradda Qorshaynta Qaranka , Xunbo matalayey Hay’adda Horumarinta Wadooyinka iyo xubno ka socday  la’aanta Qaramadda midoobey u qaabilsan shaqaalaha (ILO).

Waftigan Oo Uu Hogaaminayey Dr. Walter Kaellin   Oo Ka Socday Xafiiksa Isku Xidhka Hayadaha Qaramadda Midoobay Xaruntiisa Nairobi, Oo Uu Wehelinayey Wakiilka Xafiiskaas U Fadhiya Somaliland Iyo Xubin Ka Socotay Hayada Qaramadda Midoobey U Qaabilsan Qaxootiga Aduunka Ee UNHCR,

Ayaa Maanta Kullan Laqaatay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Cali Xuseen Ismaaciil(Cali Shoombe). Ujeedada Socdaalka Waftigan Oo Ahayd Xogogaal U Noqoshada Arrimo La Xidhiidh Bara- Kacayaasha Ku Dhaqan Magaalooyinka Somaliland. Intii Uu Kulankani Socday Waxay Waftiga Iyo Wasiirku Ka Wada Hadleen Xaalada Guud Ee Bara-Kacayaashu Ku Suganyihiin. Sidoo Kale Wasiirka Ayaa Ka Warbixiyay Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland Ee NDP.

Gabagabadii Kullankan Ayaa Lagaga Hadlay Sidii Loo Xoojinlahaa Wada Shaqaynta Dawlada Somaliland Iyo Xafiiska Isku Xidhka Hayadaha Qaramadda Midoobay.

 

Hargeysa, Somaliland.  8 February 2016 –  Wefti kakooban Saddex Danjire oo kasocda dalalka Denmark, Netherlands, Norway iyo madaxa hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Ingiriiska(DFID) ee Somalia iyo Somaliland, oo ay waddamadoodu si wadajir ah u qaadhaamaan Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ayaa booqday laba mashruuc oo laga maalgeliyey Sanduuqan.

Danjireyaasha waxaa booqashadooda kuwehelinaayey mas’uulyiin sare oo katirsan Dawladda Somaliland, waxayna soo indho-indheeyeen Mashruuca Biyo Balladhinta Hargeysa iyo Mashruuca Dayactirka Waddada Dila – Kalabaydh oo labadaba laga maalgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Mashruuca Biyo-Ballaadhinta Hargeysa waxaa si wadajir ah u maalgeliyey Midawga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo kalabixiyey 15 milyan oo EURO iyo 8.6 milyan oo Doolar.

 Mashruuca waxa fulineysa hay’adda UN-Habitat oo kaashaneysa Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa iyo Wasaraadda Khayraadka Biyaha ee Somaliland.  Ujeedada mashruucu waa sidii loo horumarinlahaa biyaha Hargeysa, loona helilahaa biyo jaban oo nadiif ah, si kor loogu qaado nolol maalmeedka qoysaska nugul ee ku nool Hargeysa, iyada oo la balladhinayo biyo keydinta iyo qaybinta si loo helo biyo joogto ah, islamarkaana loo abuuro fursado shaqo

Waxa beeb cusub oo tayadiisu sarrayso oo hal dhuun ah lagu beddelayaa beebkii hore ee afartanka sanno jiray ee biyaha kasoo qaadijiray Geed-deeble. Beebkan cusub ee biyo qaybinta iyo xarunta cusub ee Geed-deeble ee  biyo-tuurista oo la dhisidoono 12ka bilood ee soosocda waxay awood u leeyihiin in ay gudbiyaan 20 milyan oo litir oo biyo ah maalintiiba. Si loo kordhiyo waxsoosaarka biyaha, afar ceel oo cusub ayaa hadda laga dhammaystirayaa Hora Haadley. Mashruucan waxa larajaynayaa in uu dhammaado bisha January 2017. Adeegyadan aasaasiga ahi waxay sees u yihiin hawlo biyo-baalldhin ah oo hadda socda iyo kuwo mustaqbalka lafulindoono oo 132,000 oo qof oo Hargeysa ku nool fursad u siin doona in ay biyo helaan.

 Tan iyo markii ladhisay waddada Dila – Kalabaydh sannadihii sideetanaadkii, dayactirka waddadan lagu sameeyey wuxuu aha mid intabadan kooban, taas oo keentay in ay wadadu six un u burburto, sida kamuuqata godadka iyo burburka kale ee wadada oo mararka qaar keenta shilal aad u xun iyo in ay wakhti badan qaadato isu socodka maalooyinka ay wadadani isku xidho. Sanduuqa Horumarinta Somalialnd (SDF) wuxuu u qoondeeyey 2.7Milyan oo doolar in lagu dayactiro 19.2Km oo ah inta u dhaxaysa magaalooyinka Kalabaydh iyo Dila iyada oo lagu salaynayo heerka caalamiga ah ee tayada waddooyinka. Mashruuca sidoo kale waxaa kamid ah samaynta calaamada waddada iyo askari-jiifa si loo sugo nabadgelyada waddada. Shaqada dayactirka waxa lafilayaa in ay dhammaato bisha June 2016, wadadan waxaa larajaynayaa in ay soo kor-dhindoonto safaro nabadelyo ah oo raaxo leh, islamarkaana uu yaraan-doono kharashkii gaadiidleyda kagelijiray dayactirk, waxa kale oo yaraandoona  whakhtigii isusocodka maagaalooyinka ay waddadu isku xidho.

Dhinaca Dawladda Somaliland, waxaa xubnaha weftiga kamid ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Mudane Cali Xuseen Ismaaciil, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxmed Ducaale, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka Mudane Cali Xasan Maxamed iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Mudane Ibrhaim Siyaad. 

Waxaa  u hadlay Dawladda Somaliland Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Mudane Cali Xuseen Ismaaciil(Cali Shoombe) oo yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa Danjirayaasha nasoo booqday ee wakhtiga ku soo bixiyey sidii ay u soo arki-lahaayeen wixii ay dawladdu ku qabatay dhaqaalihii ay soo marinyeen Sanduuqa Horumarinta Somalialnd ee SDF. Nidmaaka Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa mid lagu reeyey, islamarkaana waafaqsan nidaamka  waxtarka kusalaysan ee mucaawimooyinka. Maanta waxa aynu aragnaa waa midhiihii maalgelintiina oo markhaati maddoon ah. Waxaannu ku dhiirrigelinayaa qaadhaan bixiyayaasha in Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF uu yahay habka ay Somaliland doorbiddo in mucaawimooyinka lagu soo hagaajiyo, sababta oo ah, nidaamkani waa mid shaqeeyey oo aannu anagu leenahay oo aannu sheegikarno shilinkasta halka uu galay”

Danjiraha dalka Denmark Ms. Mette Knudsen oo kuhadleysay afka weftiga ayaa  tidhi “aad ayaannu u ladhacsanahay in aannu aragno natiijada iyo waxqabadka lataaban karo ee maalgelintii aannu samaynay ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Waxaannu rajaynaynaa in ay dadka reer Somaliland dareemi-doonaan faa’iidad dhabta ah ee taageeradayada, gaar ahaan meelaha ugu muhiimsan sida biyaha iyo kaambayaasha dhaqaalaha. Waxaannu ku dhiirigelinaysaa Dawladda Somaliland in ay hubiso joogteynta dayactirka kaabayaasha muhiimka ah ee aannu maalgelinay islamarkaana la hagaajiyey”

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talagalay inuu Dawladda Somaliland ka taageero hirgelinta Qorshaha Horumarinta Somaliland (NDP). Sanduuqa waxa maalagalinaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Dawalda Ingiriiska (DFID) iyo Dawaladaha Denmark, Norway iyo Netherlands

 

Shirkan Oo Ka Dhacay Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeisa Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Xubno Ka Socda Wasaaradaha Soomaliland Gaar Ahaan Qaybta Dabagalka Iyo Qiimaynta Mashaariicda Laga Fuliyo Somaliland, Hayadaha Madaxa Banaan Iyo Kuwa Qaramada Midoobay.

Siyaasada Daba Galka Iyo Qiimaynta Ayaa Waxaa La Bilaabay Sanadkii 2010 Waxaana La Hirgaliyey Sanadkii 2012 Waxayna Shaqaynasay Mudo 3  Sano Ah,Waxaana Digreeto Madaxweyne Ku Ansixieyey Madax Waynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ahmed Mohamud Silanyo

Ujeedada Shirkan Ayaa Waxay Ahayd Wada Tashiga Iyo Horumarinta Siyaasada  Daba Galka Iyo Qiimaynta Mashaariicda Somaliland ,Shirkan Waxaa Soo  Qaban Qaabiyay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta,Gaar Ahaan Waaxda Isku Duwida .

Shirkan Ayaa Waxaa Furay Agaasimaha Waaxda Isku Duwida Ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Marwo Ubax Mohamud  Oo Ka Warantay  Ujeedada Iyo Muhiimada Shirkan,Sharaxaadna Ka Bixisay Ujeedada Loo Aas Aasay Dabagalka Iyo Qiimaynta Iyo Guud Ahaan Sida Uu U Shaqeeyo

Mr Berth Oo La Taliya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Isna Soo Jeediiyey Warbixin La Xidhiidha Sida Loo Fuliyo Ama Loo Dabagalo Mashaariicda Somaliland  

Sidoo Kale Intii Shirkani Socday Waxaa Ka Hadlay Madaxa Qaybta Dabagalka Iyo Qiimaynta Ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Farxaan Maygaag Waxaa Uu Ka Waramay Qaabka Iyo Sida Ay U Shaqayso Siyaasada Daba Galka Iyo Qiimaynta  Somaliland.

Intii Shirkani Socday Ayaa Waxaa Laga Dooday Sidii Loo Horumarin Lahaa Siyaasada Daba Galka Iyo Qiimaynta

Ugu Dambayn Waxaa Shirkan Soo Gunaanaday Soona Xidhay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Qarshaynta Qaranka Cumar Xasan Horri Waxaana Hadaladiisi Kamid Ahaa "Shay Kasta Oo La Qabanayaa Waxaa Uu U Baahan Yahay Laba Arimood Oo Ah Qiimayn Iyo Daba Gal,Hadii Aynaan Mashaariicda Aynu Fulinayno Aynaan Qiimayn Oo Ay Naan Daba Galin Waynu Guuldaraysanaynaa, Shirkani Waxaa Uu Gundhig Unoqon Doona Aasaaska Siyaasada Qaran Ee Dabagalka Iyo Qiimaynta