OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


 

Shirkan oo u gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo tire) ayaa waxa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda isu-duwida ee Wasaaradda, La taliyaha Wasaaradda ee dhinaca Hayadaha isalaamiga iyo xubin ka socday gudida taakulaynta abaaraha ee heer qaran.

ujeedada shirkan ayaa ahayd sidii la islula eegi lahaa ka qayb qaadashada taakulaynta dadka ka soo doogay abaaraha iyo sidii ay hayadahani u soo  gudbin lahaayeen  qorshayaashooda  mashaariicda ay ugu talagaleen  taakulaynta dadka abaaruhu ay saameeyeen.

Waxa kale oo waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan lagaga wada hadlay ka mid ahaa Xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya Wasaaradda iyo Ururada isalaamiga.

Kulankan ayaa intii uu socday waxa warbixino iyo falanqayn iswaydaarsaday ka soo qaybgalayaasha, waxaana la isla qaatay in hayadaha islaamiga ahi ay ka qaybqaataan qaadhaanka loogu talagalay dadka jilicsan ee abaarahu saameeyeen.Waxa kale oo la isla meel dhigay in  mudo todobacasha ah ay ku soo gudbiyaan hayadaha islaamiga ahi qorshahooda ku aadan mashaariicda taakulaynta iyo wixii qaadhanaba.

Waxa kale oo kulanka la isku afgartay in Wasaaradda Qorshayntu ay soo saari doonto baaq heer qaran ah oo ku waajahan samato-bixinta iyo gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen si la iskula jaan qaado, waxaanay  Wasaaradda Qorshayntu  soo saari doonto Wareegto ku saabsan habka dabagalka iyo qiimaynta mashaariicda


Waxa gabagabadii halkaasi ka hadlay xubno ka socday hayadaha islaamiga oo ka dareen celiyey kulanka kuna timaamay mid midho dhal noqon doona iyagoo balan qaaday inay si buuxda ula shaqayn doonaan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo tire) oo kulankan soo xidhay ayaa ugu horeyn uga mahadnaqay ka soo qaybgalayaasha, waxaanu ku dheeraaday sida loo dardargalin doono imika wixii ka danbeeya wada shaqaynta labada dhinac.

Waxaanu halkaas Wasiirku ka sheegay qodobada la isla qaatay oo ay ugu muhiimsanayeen

 

-  Xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxaynayaa Wasaaradda iyo Ururada isalaamiga

- Dajinta nidaam laba geesood ah oo ay kuwada shaqyn doonaan labad dhinac.

- Meelaynta iyo qaabaynta mashaariicda

 

-Qiimaynta iyo dabagalka Mashaariicda ay ka wadaan dalka hayadaha islaamiga ahi

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo kormeeray mashaariicda ka socda gobolada bariga ee la maalgalinayo sanduuqa horumarinta somaliland ee SDF

 

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-tire) ayaa gaadhi land-cruiser ah ku wareejiyey Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

Kulankan oo uu gadhwadeen ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Mud. Maxamed Ibraahim Aden(Qabyo-tire) oo ay  wehilnayeen Agaasimaha Samalfalka Madaxtooyadda Marwo Amina Maxamuud Diiriye, la taliyaha Wasiirka Qorshaynta ee ururadda islaamiga Mud. Cabdalle Maxamud Maxamed,  Agaasimaha Waaxda isdu-wida ee Wasaaradda Qorshaynta Marwo Ubax Maxamed Maxamuud iyo xubno kale  oo ka mida hawlwadeenada Wasaaradda Qorshaynta. dhinaca kalena kulanka waxa ka qaybqaadanayey ilaa 22 ka mida ururadda islaamiga ah ee ka hawlgala dalka.

kulanka waxa si rasmiya u furay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Mud. Maxamed Ibraahim Aden(Qabyo-tire), waxaanu ku dheeraaday muhiimadda kulanka oo uu sheegay in la iskugu yimid sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka iyo wada shaqaynta wasaaraadda iyo ururadda islaamiga ah. Waxaana uu tilmaamay in diiradda lagu saari doono sii xoojinta hawlaha gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

waxa uu sheegay in ay taariikhda markii ugu horeysay ay tahay ee kulan noocana iskugu yimaadaan ururadda islaamiga iyo wasaaradda qorshaynta . waxa uu sheegay in markii hore ay ururadda islaamiga ahi la shaqayn jireen xafiiska sama-falka madaxtooyada balse hada xukuumad ahaan ay isla qaateen  in la kulmiyo cududa dawlada oo xadhiga meel laga wada jiido si loo dardargaliyo hawlaha gurmadka iyo mucaawinooyinka.

Wasiirku waxa uu ku bogaadiyey ururaddan inay kaalin laxaadle ka qaataan taakulaynta dadka jilicsan isagoo xusay inay bixiyaan mucaawinooyin la taaban karo oo u badan raashin iyo biyo, waxaanu ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaalka taakulaynta.

Agaasimaha sama-falka madaxtooyadda somaliland Marwo Amina Maxamuud Diiriye , ayaa iyaduna dhankeeda tilmaamtay sida loogu baahanyahay in labada dhinca ay ka wada shaqeeyaan nidaamka dawliga si la iskula eego hadba meesha mucaawinadda la gaadhsiinayo, si amaankiina loo sugo loona fududeeyo hawlaha gurmadka.

Marwo Amina ayaa ku amaantay ururadda islaamiga kaalinta ay ka gaystaan gurmadda dadka tabaalaysan oo ay sheegtay inay marwlaba ka shaqeeyaan.

kulankan ayaa gabagabadii la iskula qaada dhigay sidii mucaawinooyinka iyo mashaariicda gargaarka ah ee ururadda islaamigu ay ka waddaan dalka loogu qaabayn lahaa si ay u wada gaadhaan dhamaan goballadda la iskuna waafajin lahaa baahiyaha iyo mucaawinadda

waxaana halkaasi talooyin wax ku ool ah ka soo jeediyey la taliyaha Wasiirka Qorshaynta ee ururadda islaamiga Mud. Cabdalle iyo Agaasimaha Waaxda isdu-wida ee Wasaaradda Qorshaynta Marwo Ubax Maxamed Iyagoo xubnaha ka soo qaybgalayna uga mahadnaqay wakhtigooda.

kulanka ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo wada shaqaynta oo la sii xoojiyo

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-tire) ayaa furay kulan lagu gorfeynayey sidii looga gaashaman lahaa abaaraha soo noqnoqonaya, iyo sidii loo horumarin lahaa nolosha dadyowga reer miyiga.