OCVP Logo

Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development


Waftigan Oo Uu Hogaaminayey Dr. Peter Declerq Oo Ka Socday Xafiiksa Isku Xidhka Hayadaha Qaramadda Midoobay Iyo Xubin Ka Socotay Hayada Qaramadda Midoobey U Qaabilsan Qaxootiga Aduunka Ee UNHCR,Ayaa Maanta Kullan Laqaatay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Cali Xuseen Ismaaciil(Cali Shoombe).

Ujeedada Socdaalka Waftigan Oo Ahayd Xogogaal U Noqoshada Arrimo La Xidhiidha Abaaraha iyo  Bara- Kacayaasha Ku Dhaqan Magaalooyinka Somaliland. Intii Uu Kulankani Socday Waxay Waftiga Iyo Wasiirku Ka Wada Hadleen Xaalada Guud Ee Abaaraha . Sidoo Kale Wasiirka Ayaa Ka Warbixiyay Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland Ee NDP.

Gabagabadii Kullankan Ayaa Lagaga Hadlay Sidii Loo Xoojinlahaa Wada Shaqaynta Dawlada Somaliland Iyo Xafiiska Isku Xidhka Hayadaha Qaramadda Midoobay.

Mashruucan oo laga maal galinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ayaa waxaa uu ka kooban yahay ,tayaynta wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga. iyadoo loo dhisayo xafiisyada gobalada sida xarunta Hargaisa,Berbera,Boorama Las-canood,Ceerigaabo,Saylac iyo Sheekh sidoo kale, Aas aasida lix urur bulsho oo maamula

kaymaha iyo lix goobood oo xanaanaynta iyo abqaalka dhirta oo ku kala yaala Borama, Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Sheekh iyo Hargeysa oo ay ka faa’idaysan doonaan kudhawaad 60,000 oo qof iyo Dayactirka lix goobo dhuldaaqsimeed iyo samaynta lix urur bulsho oo maamula dhuldaaqsimeedyadaa oo ku kalayaal, Qool-caday, Gunburaha, Baho-dhamal, Lafaruug, Aroori iyo Tuunyo. Waxa ka faa’idaysan doona ku dhawaad 410,000 oo qof.

Hadaba waxaa  si rasmi ah ula kala wareegay dhismaha cusub ee xafiiska degmada sheikh ee wasaaradda  deegaanka iyo horumarinta reer miyiga  maamulaha mashruuca tayaynta wasaaradda deegaanka  iyo isku duwaha wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga ee gobalka sahil.

Abdikariin aadan cumar oo ah madaxa mashruuca tayaynta wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxaa uu dhismaha cusub ee degmada sheikh ku wareejiyey isku duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobalka Sahil marwo Faadumo cali rooble.

Munaasibadan xil-wareejinta xafiiska cusub ee degmada sheikh ayaa waxay ka qabsoontay barxada xafiiska cusub ee wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay maamulaha mashruuca tayaynta wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga mudane abdikarim adan omer ayaa waxaa uu ka waramay muhiimada dhismahani u leeyahay wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga sidoo kalena u mahad celiyey qaadhaan biyahayaashii ka caawiyey dhismayasha wasaarada deeganka

 

Hargeysa (08.03.2016)- Masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Wasiirka iyo Wasiriir-u-dawlaha Wasaraadda Xannaanada Xoolaha, Wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Kaluumaysiga Iyo Ciyaaraha, Qaar Ka mid ah Madaxdhaqmeedka Iyo Aqoonyahanka Deegaanka iyo Masuuliyiin ka socday dhanka Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera Horumarka.

Ujeedada Socdaalkooda waftigan ayaa ahayd inay soo kormeeraan goobaha deegaanka Qolcaday ee Wasaaradda Xannaanada Xooluhu ka waddo Mashaariic horumarineed oo la xidhiidha xannaanada xoolaha iyo daryeelka deegaanka.
 
Waftigu markii ay gaadheen Qoolcaday waxa si diiran ugu soo dhoweeyey bulshada deegaanka iyaga oo ku qaabilay farxad iyo waji furan, kadibna waxa weftigu soo kormeereen jihooyin kala duwan oo ka mid ah banka Qoolcaday, halkaas oo warbixinno ay kaga dhegaysteen dadka deegaanka oo ka warramay baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaanka gaar ahaan dhanka biyaha, una mahadnaqay xukuumadda Somaliland iyo wefigaba iyaga oo ballan qaaday in ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan xukuumadda fulinta mashaariicda horumarineed ee deegaanka.
 
Dhanka kalena weftiga ayaa dadka deegaanka uga warramay ujeedada safarkooda iyo barnaamijyada horumarineed ee xannaanaynta xoolaha iyo daryeelka deegaanka ee banka Qoolcaday.
 
Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo arrimahaas ka warramaya ayaa yidhi " Ujeedadada socdaalkeenu waxay tahay sidii loo dardar galin lahaa go'aanka xukuumadda ee horumarinta deegaankan ee ay isla qaateen qaadhaan bixiyayaasha, waxanan ku rajo waynahay in Mashruucani noqdo mid taabo gal oo bulshadu ka faa'idaysato"
 
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Ismaaciil Xuseen (Cali Shoombe), ayaa Isaguna dhankiisa yidhi “Qaadhaan-Bixiyayaasha Waxbaa Loo Sheegi Jiray Waxaanu Ku Guulaysanay Inaanu Keenay Waftigan Ka Socda Qaadhan-Bixiyayaasha Si Nabadgalayo Ahna Waa Kuwaa Ku Yimid Oo Indhahooda Ku Arkay Inaanay Jirin Wax La Isku Haystaa Bulshada Iyo Deegaankuna Ku Qanacsanyihiin Mashruucan. Aniguna Waxaan Idiin Ku Bushaaraynayaa In Mudo Aan Fogayn hawlaha Biyaha Laga Bilaabi Doono halkan"
 
Mr Michael Thyge oo ka socday Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Denmark ee DANIDA kuna hadlayey magaca Qaadhaan-Bixiyayayaasha ayaa Isaguna dhankiisa tilmaamay Inuu Indhihiisa Ku arkay xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta deegaanka Isagoo sheegay In Uu La Wadaagi Doono Inta Kalena, Waxaanu Intaa ku daray Inuu dareemayo baahiyaha Yaala ee ay biyuhu ugu mudan yihiin, Waxaanu Ka dhaawaajiyey sida ay diyaarka ugu yihiim in ay kala halwgalaan xukuumadda Somaliland hirgelinta waxqabad dhab ah oo ku qotoma baahiyaas.
 
Waxa Kale Oo Iyaguna Halkaas Ka Hadlay Xubno Ka Mida Madaxdhaqameedka Iyo Aqoonyahanka Deegaanka Qoolcaday Oo Dhamaantood Sheegay Inay Soo Dhawaynayaan Mashruucan Bulshaduna Si Fiican Uga Faa’iidaysan Doonto.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland waxay deegaanka Qoolcaday ee Koonfurta Hargeysa ka hirgelinaysaa mashruuc lagu xannanaynayo xoolaha oo kor loogu qaadayo tayadooda sidoo kalena lagu daryeelayo deegaanka, kaas oo ka kooaban adeegyo kala duwan oo dhanka biyaha, caafimaadka xoolaha iyo kor u qaadida calafka ama daaqa xoolaha. Mashruucan waxa laga maalgelinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

 

shirkan oo ka qobsoomay hotel maansoor ee magaalada hargaisa ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan agaasimayaasha waaxaha qorshaynta iyo xogta ee wasaaradaha iyo hay,adaha dawliga ah ,waxaana shirkan soo qaban qaabisay wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta .

Ujeedada shirkan ayaa waxay iskugu jirtay qodabada ay ka mid yihiin, in la fahmo waajibaadka waaxaha qorshaynta iyo xogta ,sidoo kale in la fahmo noocyada kala duwan ee qorshayaasha wadanka si qorshe sanadeedka wasaaradduhu u noqdan mid fulinaya tilmaamaha iyo talooyinka ku xusan qorshaha horumarineed ee qaranka .

shirkan waxaa si rasmi ah u furay wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka mudane kaysar cabdilaahi waxaana uu ka  waramay ahmiyada shirkani u leeyahay agaasimayaasha waaxaha qorshaynta iyo xogta ee dawlada,wasiirkuxigeenku sidoo kale waxaa uu sheegay in sharkani laga dhigi doono mid joogto ah si kor loogu qaado qorshayaasha horumarineed ee wasaaradaha, siduu u fuli lahaa qorshaha wadanka ee shanta sanno (2012-2016) iyo qorshaha horumarineed aragtida fog 2030.

intii shirkani socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay war bixino ay ka mid yihiin noocyada kala duwan ee qorshayaasha wadanka sida qorshaha horumarineed  qaranka iyo qorshaha horumarinta gobalada,sidoo kale waxaa lagu so bandhigay warbixin la xidhiidha kaalinta laga filayo  waaxaha qorshaynta.

gabagabadii shirkan  ayaa waxaa lagu soo bandhigay daraasad ka hadlaysa caqabadaha haysta waaxaha qorshaynta ee wasaaradaha iyo hay,adaha.

ugu dambayn waxaa dood dheer laga galay caqabadaha hortaagan waaxaha wasaarada qorshaynta iyo sidii loo xalin lahaa.waxaana shirka soo xidhay agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka mudane xasan horri

 

Hargeysa, Somaliland- 7 February 2016, Wasaaradda Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga waxay dugsiga Nuradiin kusoo gebagebaysay olole qaran oo bilihii u danbeeyey ay fulinaysay  Wasaaraddu kaas oo lagu horumarinayey deegaanka, gaar ahaan kan caasimadda. Munaasibadda gunaanadka ololahan waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismacil Baandare.

Ujeedada ololaha ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada ee ku aaddan ilaalinta iyo kor u qaadidda deegaanka iyo sidii loo horumarin lahaa bilicda goobaha waxbarashada. Intii ololahani socday waxa la qaybiyay 60,000  geed   oo loo qaybiyay ilaa 40 dugsi, iyo 4 jaamcadood oo ku yaalla Magaalada Hargiesa Ololahan waxa hal ku dheg looga dhigay "Geed Beer" waxana fulinaysay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo maalgelin ka helaysa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)

Wasaaraddu iyada oo ka duulaysa waajibaadkeeda shaqo ee qaranka ay uga masuulka tahay, waxay go'aansatay in ay daboosho baahi balaadhan oo ka jirta goobaha waxbarashada iyo masaajidada oo aan lahayn dhir ku filan, waxayna furtay qabashada araajida codsiyada dhir cusub oo lagu beero goobaha waxbarasho iyo masaajidda iyada oo lagu xidhay shuruudo la xidhiidha badbaadada iyo joogteynta koritaanka dhirtaas, gaar ahaan helidda biyo lagu waraabiyo iyo in laga ilaaliyo xoolaha iyo wixii kale ee dhibaato soo gaadhsiin karaba.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxa uu ka taageeraa Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Mashruuc ku qotama horumarinta deegaanka kaas oo ka kooban saddex qaybood oo kala ah:

  • Xoojinta Awoodda Maamul ee Wasaaradda Deegaanka ee Khayraadka Dabiiciga ah
  • Dhismaha iyo Qalabaynta Xafiisyo cusub oo laga hirgalinayo Xarunta dhexe ee Wasaaradda ee Hargeysa iyo gobaladda iyo Degmooyinka sida Saylac Boorama, Berbera, Sheekh, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood
  • Asaasida lix urur Bulsho oo maamula kaymaha iyo lix goobood oo xanaananyta iyo abqaalida dhirta oo ku kala yaala Hargeysa, Boorma, Ceerigaabo, Laascaanood, Burco iyo Sheekh oo ay ka faa’iidaysanayaan ku dhawaad 60,000 qof

Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ah deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo Dawaladda Somaliland hirgelinta Mashaariicda Horumarineed, waxa maalgeliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Dawladda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), iyo Dawladaha Norway iyo Netherlands.