Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Maraakiib Sida Dhuumaha iyo Qalabka Biyo-ballaadhinta Hargeysa oo soo Gaadhay Dekedda Berbera

Xaflad imaanshaha qalabkan loogu sameeyey dekedda iyo rajada biyaha caasimadda ee masuuliyiinta ka qaybgalay Dhuumaha iyo qalabka loogu talogalay in lagu sameeyo biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee mashruuca maalgelintiisa uu bixiyey Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ka qaybqaadanaya taageeridiisa. Laba markab oo xambaarsanaa isugeyn 246 koontiinnar ay ku jiraan dhuumo cabbirkoodu waawayn yahay iyo qalabkoodii lagu xidhxidhayey, ayaa lagu dejiyey dekedda Berbera dhawrkii maalmood ee tagay, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha lagu beddelayo habka biyaha Hargeysa ee Geed-deeble. Xaflad imaanshaha qalabkan loogu sameeyey gudaha dekedda Berbera maanta oo ay ka qaybgaleen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha caasimadda Ibraahim Siyaad Yoonis, Maareeyaha Dekedda Cali Xoor-xoor, maamulka Kastamka Berbera iyo masuuliyiin ka kala socotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) iyo Mashruuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa (HUWSUP), waxa rajo fiican lagaga muujiyey in hawshani wax wayn ka beddeli doonto biyaha Hargeysa oo aan waqtigan ku filnayn dadweynaha. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa tilmaamay inay farxad wayn u tahay hay’addiisa in 246 koontiir oo qalabkii u horreeyey ahi soo gaadho dalka, iyadoo intaas in le’eg oo kalena ku soo jiro badda, waxaannu u mahadceliyey Maareeyaha dekedda, masuuliyiinta hay’adda UN-HABITAT, SDF iyo maamulka Kastamka Berbera oo fududeeyey imaanshaha soo dejintiisaba. Maareeye Ibraahim waxa uu sheegay in biyo yaraanta ka jirta caasimadda Hargeysa ay sabab u tahay ballaadh ku yimi magaalada iyo tirada dadka ku nool oo waqtigan lagu qiyaaso in ka badan hal milyan iyo laba boqol oo kun, kuwaas oo habka biyaha ee ay ku cabbaan yahay nidaamkii Shiinuhu sameeyey sannadkii 1972-kii, kaas oo loogu talogalay dad aan ka badnayn 180 kun oo qof. “Si wax looga qabto biyo yaraantaasi, waxa nasiib-wanaag ah dawladda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo in ay xil badan iska saartay sidii dadweynaha caasimadda Hargeysa ku nool u heli lahaayeen biyo ku filan oo joogto ah, waxaanna dakhliga koowaad ku deeqay EU-da, ka labaadna waxa ku deeqay Sanduuqa Horumarinta Somalialnd ee SDF, waxaana hawshaas fulinaysa oo gacanta ku haysa hay’adda UN-HABITAT. Hawshii aan sugaynay waxay ahayd dhuumahaas, waanay yimaadeen oo Berbera ayey yaalaan, haddii Ilaahay yidhaa toddobaadada soo socda waxa loo daabuli doona magaalada Hargeysa goob aannu ugu talogalnay. Waxaanan Ilaahay ka baryaya in hooyooyin badan biyo la’aanta haysatay ay waqti dhaw ka bixi doonaan, dadweynaha reer Hargeysana waxaannu ka codsanayna inay ku duceeyaan in hawshaas Ilaahay noo fududeeyo dhammaan inta gacanta ku haysa,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Siyaad. Maxamed Faarax Cismaan oo ka mid ah masuuliyiinta xafiiska fulinaya mashruucan ee HUWSUP oo hoostaga hay’adda UN-HAPITAT, ayaa sheegay in dhuumahan iyo qalabkooda kaleba lagu sameeyey dalka Shiinaha, isla markaana shirkad waddani ah oo ku heshay tartan ka mid ah 12 qandaraas oo ay ka bixyeen ay ka soo qaaday halkii lagu farsameeyey oo ay ganayso ilaa Hargeysa, isagoo mahadnaq u jeediyey masuuliyiinta dekedda Berbera, Kastamka Maaliyadda iyo SDF oo door wayn ka qaatay hawshan. Maamulaha Kastamka Cashuuraha ee Gobolka Saaxil Maxamed Cabdi Gurxan, ayaa isna dhankiisa tilmaamay in hawlaha fududaynta ee ay qalabkan u sameeyeen ka sakow ay Wasaarad Maaliyad ahaan kala shaqaynayaan Wakaaladda Biyaha Hargeysa sidii caasimadda Hargeysa u heli lahayd biyo ku filan. Ugu dambayn, ayaa mashruucan iyo dadaallada biyo-ballaadhinta magaalada Hargeysa ku ammaanay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo uu sheegay sida uu uga shaqeeyey imaanshaha qalabkani ay markhaati u tahay gudashada waajibaadkiisa shaqo. “Meesha horumar baa ka socda, Madaxweynaha ayaana ku mahadsan oo annaga marka uu nala hadlaayo wuxuu yidhaa; waar wixii waddanka wax u taraya uun qabta, wixii kale ee aan waxba tarayn innaga daaya waqtiga ha inagaga lumininee. Marka mashruucani wax buu taraya, Hargeysa oo dhan buu waraabinayaa, nolosha dadka iyo da’ yarta ayuu wanaajinayaa,” ayuu yidhi Cali Xoor-xoor. Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay maalgalinayaan dawladaha Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Holland oo loogu talogay in dawladda Somaliland lagaga caawiyo sidii loogu fulin laaha mashaariicda Qorshaha Horumarinta Qaranka, waxa Wakaaladda Biyaha Hargeysa looga qoondeeyey mashruucan lacag dhan $8.6 Milyan, taas oo $7.2 Milyan ka mid ah lagu soo iibiyey dhuumahan iyo qalabkooda kale Leave your comments Login to post a comment Username Password Login Remember me Register Forgot password Post comment as a guest Name (Required): Email: Website: 0 Detect Location Submit Comment Subscribe Comments Stickies Lovies People in this conversation Comments ( 3 ) Sort by Oldest First Sort by Latest First Subscribe with Email Guest - Susan H. Whitfield Permalink The Government of the Somalia should be active so that the people of this country will involve in working to do a better job. There re many rumors behind this national agreement regarding somaliland. The rush essay service will help the people who are involved in preparing their coursework through online by a group of expert writers about 3 weeks ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - harry Permalink I really enjoy simply reading all of your weblogs. Simply wanted to inform you that you have people like me who appreciate your work. How ever you did a great job by sharing these information's. self cling window sticker material about 1 week ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - james Permalink I really enjoy simply reading all of your weblogs. Simply wanted to inform you that you have people like me who appreciate your work. How ever you did a great job by sharing these information. self cling window sticker material about 1 week ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Stickies Lovies Powered by Komento