Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa kormeeray xarun lagu dejinayo qalabka loo adeegsanayo mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee ay maalgelinayaan ururka Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Dr. Sacad Cali Shire ayaa kormeer uu ugu hawlgalayo hawlaha shaqo ee mashruucan ku tagay maanta xarun looga sameeyey deegaanka Xeedho ee Waqooyiga Hargeysa, halkaas oo lagu dejinayo beebabka ama dhuumaha lagu beddelayo kuwii hore biyaha uga soo qaadi jiray biyo-soo-saarka Geed-deeble, kuwaas oo hadda la dhammaystiray 246 koontiirnar oo ay sideen laba markab oo ka mid ah shan markab oo qalabkan ka soo qaadaya dibadda, waxaanna halkaasi wasiirka warbixinno ku siiyey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha iyo hawl-wadeennada ka shaqaynaya mashruucan.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa sheegay in mashruucan biyo-ballaadhinta caasimaddu yahay midhaha dadaal wasiirku muddo dheer ka shaqaynayey, maadaama uu ku hawlan yahay dhammaan mashaariicda Somaliland ka hesho dunida.
“Mudane, Wasiir hawshani mid adag bay ahayd oo nagu cusbayd, laakiin waxa Ilaahay mahadii ah in si fiican hawsheedu u socoto oo 246-kii koontiinnar ee uu gu horreeyey qaybtii u dambaysay la rogayo maanta (shalay), hawshan rogistu markay dhammaantana waxa toos loo bilaabi doonaa qodista ceelasha, dhigista beebka iyo dhisidda baraagaha oo dhammaantood qandaraasyadoodii la bixiyey, inta hadhayna waxaannu Ilaahay ka rajaynaynaa inuu nagu guuleeyo,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis.
Dhinaca kale, Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland oo biyo la’aani ka jirto ay ka mid tahay waddamada dunida ee biyuhu ku yar yihiin, balse dadaal badan oo laga galay sidii biyo loogu heli lahaa caasimadda Hargeysa uu ka mid yahay mashruucani, “Dhibaatada biyaha ee Hargeysa waxay ahayd mid muddo badan soo jirtay, laakiin waxa laga galay dadaal badan, anigoo weliba jecel in aan xuso Maareeyaha Wakaaladda Biyaha oo dadaal badan u galay, arrintanina waa midhihii dadaalkaasi oo waynu arkaynaa in beebabkii biyaha soo qaadayey diyaar yihiin,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.
Waxa kaloo uu u mahadceliyey dalalka bixiyey caawimada mashruucan, isla markaana waxa uu hambalyo u diray shirkadaha ka shaqaynaya, gaar ahaan shirkadda la yidhaa Tamarta oo ah mid waddani ah oo shirkado ajaanib ah kaga guulaysatay soo rarista iyo rogista qalabkan.
“Waxa inoo hadhay waxa weeye beebabkii oo dhulka la dhigo iyo biyaha oo dadka la soo gaadhsiiyo, taana waxaannu rajaynaynaa inta aannu sannadkani dhammaan ama ka soo socda horraantiisa in arrintaasi inoo xaqiiqowdo,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranku.
Leave your comments
Login to post a comment
Username
Password
Login
Remember me
Register
Forgot password
Post comment as a guest
Name (Required):
Email:
Website:
0
Detect Location
Submit Comment
Subscribe
Comments
Comments
Sort by Oldest First
Sort by Latest First
Subscribe with Email
No comments found
Stickies
Lovies
Powered by Komento