Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Beenin warar ku soo baxay wargeyska Waaheen

HARGEYSA - Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarka (WQQ&H) iyo Wasaaradda Maaliyaddu waa hay’adaha uga masuulka ah Dawladda Somaliland xidhiidhinta arrimaha mashaariicda horumarinta ee dalka. Sidoo kale, Wasaaraddu waxa ay u xilsaaran tahay in ay bulshadda la socodsiiso natiijooyinka iyo midhaha kasoo baxa mashaariicda Horumarinta ee dalka ka socda. Labada Wasaaradood waxay ka mid yihiin Guddida Qorsheynta Qaranka oo ka kooban 13 Wasaaradood, Bangiga Dhexe, Jaamacadaha iyo Rugta Ganacsiga, kuwaas oo jaangooya qorshayaasha Mashaariicda Horumarineed ee dalka. Labada Wasaaradood waxay sidoo kale wakiil uga yihiin dawladda Somaliland Guddiga sare ee Maamusha Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ay ka mid yihiin afarta dawladood ee maalgeliya Mashruuca ( Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands). Labada wasaaradood waxay ka war heleen warbixin lagu baahiyey wargeyska Waaheen, oo ku taariikhaysnaa August 11, 2015, warbixintaas oo ku eedaysay Sanduuqa Horumarinta Soomaaliland (SDF) eedaymo la xidhiidha maamul xumo, iyo in aan si siman loo waddaagin mashaariicda Sanduuqa. Sidoo kale, qoraalka Jariiradu waxa uu mala awaal aan sax ahayn ka bixiyey iscasilaadii Wasiir Ku-Xigeenkii hore ee Wasaaradda, Mudane Cabdikarim Axmed Mooge, isaga oo hore ugu sheegay sababta rasmiga ah ee uu isu casilay taas oo ka duwan tan wargeysku baahiyey. Haddaba, Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarku waxay qoraalkaa u aragtaa in uu xaqiiqda ka fog-yahay, oo wax cadayn ah aanu soo bandhigin oo la xidhiidha eedaymaha uu u soo jeediyey Sanduuqa Horumarka Somaliland (SDF). Sidoo kale, Wasaaraddu waxa ay si cad u sheegaysaa in qoraalkaasi aanu runta iyo xaqiiqada waafaq sanayn. Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waa hanaanka ugu muhiimsan ee lagu fuliyo aragtida iyo hanaanka horumarka Waddanka, iyadda oo ay keentay kalsoonida bulshadda caalamku ku qabto Jamhuuriyadda Soomaaliland. Goobaha laga fulinayo mashaariicda SDF waxaa soo xula Guddida Qorsheynta Qaranka iyada oo loo eegayo sida ay ukala mudanyihiiin, waxaa hadana sii ansixiya mashaariicdaas guddida sare ee maamusha mashaariicda, oo ah guddi kakooban qaadhaan bixiyayaasha iyo dawladda Somaliland. Guddida sare ee maamusha mashaariiicda Sanduuqa Horumarinta Somalialnd iyo qaadhaan-bixiyayaashu waxa ay wadagaadhaan go’aamo wadajir ah, si loo hubiyo isla-xisaabtan dhab ah iyo hufnaan. Sidaa darted, mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ma jaangooyaan Wasaaradaha Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Wasaaradda Maaliyaddu, sida uu qoray wargeyska Waaheen. Todobadii mashruuuc ee uugu horreeyey  Sanduuqa Horumarinta Somalialnd waxaa ansixiyey Guddida sare ee maamusha mashaariicda bishii May ee sannadkii 2014. Waxaa kamid ah mashaariicdaas; Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, (laba mashruuc) wassaaradda beerah, wasaardaa deegaanka, wasaardda xannaanada xoolaha, wasaarada biyaha iyo wakaaladda biyaha ee Hargeysa. Dhammaan mashaariicdani waxa ay kasocdaan meelo kaladuwan oo wadanka kamid ah. Dhammaan qadaraasyada mashaariicdan waxaa lagu bixiyey hannaan hufan ooo banyaal ah. Waxaan cidina dafirikarin in dhawaan madaxweynaha Somaliland uu dhawaan kajaray xadhiga mashruuuca dib udhiska waddada isku xidha Xamaas iyo Berbera oo ku dhammaatay muddo lix bilood ah, halka qaybta isku xidha Berbera iyo sheikh oo uu kujiro biriishka Hudisa. Sidoo kale, waxaa Iyana si habsami leh  u socda dib u dhiska 19km oo  ah waddada isku xidha Dila iyo Kalabaydh. Haddba, waxay ahayd dhawaan markii Sanduuqa Horumarinta Somaliland uu keenay 491 kontiinar oo ay kujiraan beebabka loogu talogalay biyo ballaadhinta Hargeysa. Sidoo kale waxaa  isna socda mashruuca wasaaradda beeraha ee xannaanaynta ciidda iyo biyah oo 70% dhamaystirmay. Dhamman mashaariicda wasaaradaha iyo wakaaladaha kale ay wadaan waxa ay u socdaan si habsami leh. Mashruuca xidhiidhka dadweynaha iyo baahinta Mashaariicda (Communication HUB), waxa uu isaguna u socdaa si fiican, waxana uu laamaha dawladda ee fulinaya Mashaariicda iyo guud ahaanba Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ka taageeraa arrimaha horumarinta wacyigelinta bulshada isaga oo baahiya horumarka mashaariicdu sameeyeen isla markaana si joogto ah ula xidhiidha dadweynaha isaga oo isticmaalaya noocyada warbaahinta  ee kala geddisan, mana jirto wax caqabad ah oo hortaagan hawlihiisa. Wajiga labaad ee Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxa la ansixiyey 2015, waxana ka mid ah mashruuca Siyaasadda Qaran ee Dhulka, Mashruuca waxabrashada ee gobolada Sool iyo Sanaag iyo Mashruuca Kalluumaysiga. Dhammaan mashaariicdan kasokow in dhowaan la ansixiyey, waxay hadda ku jiraan marxalad horraysa oo la qaadanayo qandaraaslayaashii fulin lahaa. Xog dheeraad ah oo ku saabsan Horumarka Mashaariicda oo dhan waxad ka helaysaa www.somalilanddevelopmentfund.org ama /iyo www.slministryofplanning.org Lacagta Sanduuqa guud ahaan waxa maamula xoghayn lagu soo xushay tartan adag, waxana la shaqeeya kooxo maamula mashaariicda oo ka tirsan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee mashruuca fulinaya. Habka shaqaalaysiintu waa mid si furan loo xayaysiiyo isla markaaana tartan adag loo galo iyada oo ay goob joog ka yihiin Masuuliyiiinta wasaaradda ay khusayso ee Mashruuca fulinaysa iyo Kormeerayaasha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Somaliland. Sidaas darteed waa war been ah oo dayaacad ah in reer qudha ama hal qoys ay maamulaan Mashaariicda waxana looga fadhiyaa Wargeyska Waaheen inuu caddeeyo arrintaas. Haddaba, Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarintu waxay si adag ugu cambaaraynaysaa wargeysa Waaheen gudbinta warbixinno aan la hubsan oo la caddayn, waxayna ugu baaqaysaa Wargeysku inuu faraha kala baxo faafinta dacaayado rakhiis ah oo uu ka gudbiyo mashruuca Horumarineed ee keliya ee dawladdu hoggaamiso, kaas oo gaadhay guulo iyo horumar weyn oo aan la dafiri Karin muddo kooban gudaheed. Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo dawaladda Somaliland;kaas oo socon doona muddo afar sano ah. Sanduuqa waxa loogu tala galay inuu qayb ka noqdo qorshaha shanta sanno ee dhinaca horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalagalinaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawalda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA) iyo dawladaha Norway iyo Netherlands. Leave your comments Login to post a comment Username Password Login Remember me Register Forgot password Post comment as a guest Name (Required): Email: Website: 0 Detect Location Submit Comment Subscribe Comments Stickies Lovies People in this conversation Comments ( 4 ) Sort by Oldest First Sort by Latest First Subscribe with Email Guest - antonio vinyard Permalink I support your article in all ways. Like totally 100%. You are right about this statement and everyone is entitled to their opinion. What you provided is sensible enough to back up. If you are diehard fans of all types of outfits from movies and series then I suggest you check out amazon jacket about 2 weeks ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - Elsie Baker Permalink Sounds Interesting to me all the things are define with a lot of new ways and ideas love it all. coursework writers uk about 2 weeks ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - rajabhayya Permalink want some trick to hack online free steam wallet codes 2015 from the online generators. about 1 week ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - Elsie Baker Permalink yes things are define here makes a lot of sense since this is the only thing I expect to have with lot of new resources. Buy Dissertation UK about 2 days ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Stickies Lovies Powered by Komento