Shirkan oo ay ka qaybgaleen madax iyo wakiillo ka kala socda dawladda Somaliland, dalalka qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka kaalmeeya dhinaca horumarka, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah iyo waliba ururrada bulshada ee waddaniga ah, kaas oo uu hoggaamintiisa maamulayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire, kuna wehelinayeen wakiillo matalaya waddamada UK, Denmark iyo Xidhiidhiyaha Arrimaha bina’aadanimada ee Qaramada Midoobay, kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa muddo hal maalin ah oo uu socday labadii gelinba lagu falanqeeyey waxqabadka mashaariicda la siiyo Somaliland laga gaadhay sannadkii hore, qorshaha sannadkan cusub loogu talogalay iyo warbixino dhaadheer oo ay soo bandhigeen dhinacyadu.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadal ka jeediyey madasha, waxa uu sheegay in shirkan 8-aad ee isu-duwidda mucaawanooyinka Somaliland ay ka qaybgalayaan wakiillo ka kala socda sagaal dawladood oo caalamka ah, toddobada hay’adaha Qaramada Midoobay ka tirsan, ururrada Midowga Yurub, Baanka Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, halka dhanka Somaliland ay matalayeen kow iyo toban wasiir, xubno xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah, isla markaana ay filayaan inuu noqdo mid midho-dhala oo natiijadiisu ka muuqato horumarka sidii 7-dii ka horreeyey u guulaysteen.
“Shirkan waxa diirrada lagu saaray, isla markaana lagu gorfaynayey baahiyaha horumarineed, kuwa bina’aadanimo iyo iskaashiga u dhaxeeya Somaliland iyo beesha caalamka, si gaar ahna waxa loogaga hadlay sidii loo hirgelin lahaa nidaamka mucaawnimo ee Somaliland u gaarka ah (Somaliland Special Arrangement) iyo ka jawaabidda arrimaha bina’aadanimo ee ay ka mid yihiin abaaraha soo food saaray Somaliland iyo qaxoontiga ka soo cararay qul-qulatooyinka waddanka Yemen.
Dawladda Somaliland waxay si faahfaahsan uga war-bixisay horumarka ay ka samaysay dhinaca dib-u-habaynta nidaamka iyo shuruucda maaliyadeed, caddaaladda, ammaanka, arrimaha maamulka dhulka iyo kor-u-qaadida arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga. Sidoo kale, dawladdu waxay ka war-bixisay caqabadaha iyo dhibaatooyinka Somaliland ka soo wajaha abaaraha baahsan ee waddanka saameeyey iyo culayska dhaqaale iyo ka amni ee qaxootiga ka soo cararay waddanka Yemen.” Sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafadeed Wasaaradda Qorshayntu ka soo saartay shirka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isna ka hadlay shirka, ayaa sheegay in dawladda Somaliland diyaar u tahay inay sii wado wadashaqaynta fiican ee ka dhaxaysa qaadhaan-bixiyayaasha iyo guud ahaan beesha caalamka si Somaliland u gaadho ujeeddadeeda qorshaha horumarka mustaqbalka dheer ee ay hiigsanayso ilaa sannadka 2030.
“Baahida loo qabo in aannu maamulno hiigsiyada horumarku waxa uu caddaynayaa in aanaan mucaawanada iyo taageerada nala siiyo ugu xidhnaan karin maamulka dalkii aannu kala tagnay ee dawladda Federaalka Soomaaliya, sidaad ka war qabtaan mucaawanada Somaliland u gaarka ah (Somaliland Special Arrangement) waa hab ka baxsan oo ka duwan ka caawimada Soomaaliya. Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa hannaan muhiim u ah qorshaha horumarkayaga, kaas oo saamayntiisu ka muuqato dalka, isla markaana ay ku xidhmayaan saaxiibo badan oo ka mid ah deeq-bixiyayaasha Somaliland taageera,” ayuu yidhi Md. Biixi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khadbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirka, waxa uu uga mahadceliyey waddamada mucaawinooyinka siiya Somaliland taageerada dhaqaale ee ay la garab taagan yihiin, isagoo xusay inuu rajaynayo sannadkan dhaqaalaha lagu caawiyo Somaliland uu keeno horumar ballaadhan.
“Way noo qiimaysan tahay doorka aad ka qaadataan caawimada aad Somaliland ahaan na siisaan, si loo helo barwaaqo iyo fursado ay helaan dadkayagu, waxa kaloo noo tirsan doorka wanaagsan ee aad u wadaan taageerada dadaallada ka midho-dhalinta xasillooni iyo horumar uu gaadho guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa kaloo uu ka warramay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarka uu gaadhay 25 sanno oo ay ka madaxbannaanayd dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isla markaana muddadaasi ay si gaarkeed ah u dhistay ammaankeeda, dhismaha hay’adaha dawladnimada, hannaanka dimuqraadiyadda iyo dib-u-dhiska waddanka, waxaannu isku tashiga Somaliland tusaale ugu soo qaatay go’aankii maxkamadda Sare ee Somaliland ku xallisay khilaafkii ka dhashay muddo-kordhintii Guurtidu u samaysay xukuumadda iyo golayaasha Baarlamanka, waxaannu yidhi, “Iyadoo la ilaalinayo habka dhaqanka noo ah ee ah in nabad wax lagu xalliyo, waxaan ku faraxsanahay inaan idiin sheego in Maxakamadda dastuuriga ah si adag oo hab loo dhan yahay ah ay u xallisay khilaafkii dib u dhaca doorashada. Xalkaasi oo ah mid loo dhan yahay, dhammaana ay ku qanceen dhinacyada doorashadu khusayso,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Dhinaca kale, waxa shirkaas ka hadlay wakiillo ka socda beesha caalamka oo xusay sida ay u ugu faraxsan yihiin dedaallada kala duwan ee Somaliland ugu jirto horumarinta nidaamka dawladnimo, ka jawaabidda baahiyaha mudnaanta u ah bulshada reer Somaliland iyo fal-celinta arrimaha bina’aadantinimo, waxay dawladda si gaar ah ugu ammaaneen soo dhawaynta iyo qaabilaadda qaxoontiga waddanka Yemen.
“Ugu dambayntiina, waxay dawladda Somaliland iyo wakiillada beesha caalamku isla qaateen in la dardar-geliyo hirgelinta nidaamka mucaawinimo ee Somaliland u gaarka ah (Somaliland Special Arrangement) iyo in mucaawimada lagu sargooyo baahiyaha Somaliland mudnaanta u ah.
Waxa sidoo kale laysla qaatay in kor loo qaado ka jawaabidda abaaraha iyo gacan-siinta qaxoontiga ka soo cararay waddanka Yemen,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-saxaafadeedka Wasaaradda Qorshaynta.
Leave your comments
Login to post a comment
Username
Password
Login
Remember me
Register
Forgot password
Post comment as a guest
Name (Required):
Email:
Website:
0
Detect Location
Submit Comment
Subscribe
Comments
Stickies
Lovies
People in this conversation
Comments (
5
)
Sort by Oldest First
Sort by Latest First
Subscribe with Email
Guest - naklerr
Permalink
Through this meeting check the week point of developing and improvement in different areas and education sectors. Many students have categorically stated that essay writing is not their thing. Last night looking to
My Easy Essay Writing
service for find the accounting and statistics formulas and solve the questions. They have publicly said that they will do anything and meet any cost to have someone do it for them. However, I fell like this is one sign of responsibility especially if nothing it tying you back.
about 2 months ago
http://maps.google.com/maps?z=15&q=,
0
Like
Share
Short URL:
Facebook
Twitter
Guest - Maxine
Permalink
Accession advantage of the
louis vuitton replica
array of absolute you get get delivered at your aperture footfall chargeless cost.General of: Drillmaster Handbags 100% money aback guarantee. All accoutrements acquire a accepted characteristic, that is a aberrant aftertaste and appearance to
replica watches
accommodated the needs of women, they try to action handbags and high-quality materials, admirable designs and superb workmanship. Abounding companies are accomplishing circuitous part, so their articles can become absolute big-ticket and can alone be purchased by you and the high-end group. Who accord to the middle-income accumulation aswell complicated not buy these bags, because they can not allow lady. This is a ladies backpack bazaar sizablese4gment. Abounding companies acquire artistic annual is the assembly of handbags at reasonable prices for the majority of middle-income class. To their credit, and afterwards sacrificing superior or price, all the accoutrements acquire been anxiously advised and bogus acceptable material, high-end technology. Drillmaster handbags can be classified as acceptance to the group. For middle-income earners to
role