Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Wasiirka Biyaha Oo Ka Warramay Mashaariicda Biyo-Ballaadhinta Dalka Ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa ka warramay mashaariicda biyo-ballaadhinta ka socota dalka ee laga maalgelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Wasiir Baashe oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay, waxa uu faahfaahiyey hawlo lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo kor loogu qaadayo soo saarista iyo helista biyo nadiif ah oo laga cabo magaalooyinka Berbera, Laascaanood, Burco, Ceel-afwayn iyo Hargeysa oo ka ugu ballaadhan ahi uu meel fiican marayo, kuwaas oo dhammaantood laga bixiyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee mucaawanada ay ku shubaan dalal reer Yurub ahi, kuwaas oo uu tilmaamo ka bixiyey heerarka ay kala marayaan. “Magaalada Berbera waxa loo samaynayaa qorshaha biyaha (master plan) ee mustqabalka ay biyo ku heli lahayd, kaas oo hawshiisa la bilaabay bishan kowdeedii oo waxa wada hay’adda la yidhaa Terre Solidaire. Waxa kaloo la ballaadhinayaa biyaha ka soo baxa deegaanka Dubaar ee koonfurta Berbera oo laga samaynayo toddoba ceelasha ka soo maaxda dhulka hoostiisa, taasina way socotaa. Dhinaca kale, waxaannu maalmahan maqlaynay warar ku-tudhi ku-teen ah oo la leeyahay biyaha Berbera ayaa lagu wareejinayaa ganacsato madaxbannaan, arrintaasi waxba kama jiraan ee waa dacaayado laga yaabo in looga jeedo siyaasado khalkhalgelin ah, biyaha cid gaar ahna laguma wareejinayo, qorshaha wasaaraddana kuma jirto,” ayuu yidhi. Wasiir Baashe waxa uu sheegay in magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer laga hirgelinayo laba taangi oo waawayn oo lagu kaydiyo biyaha dadweynuhu isticmaalayaan, kuwaas oo midkiiba qaadayo 500 foosto, isagoo xusay faa’iidada taangiyadaas iyo beeb cusub oo la dhigayo, waxa uu yidhi, “Waxa kaloo la dhigayaa beeb 14KM oo meelaha aanay gaadhin biyaha Burco lagu gaadhsiinayo, inkastoo inta badan magaalada biyuhu gaadhaan, waxaanna iminka dhammaaday qandaraaskii dhigista beebka. Labadan taangi ee la samaynayaana waxay noqon doonaan kayd biyood oo nasiya mashiinnada biyo-soo-saarka ee shaqaynaya 24-ka saacadood oo cimrigoodu degdegayo.” Waxa kaloo uu ka hadlay qorshaha Laascaanood oo ah magaalada keliya xarumaha gobollada ee aan lahayn biyo nadiif ah oo ay u dhaamiyaan gaadiidka biyaha ee booyadaha loo yaqaan, balse xalka loo raadinayaa yahay buu yidhi, “Sahamin lagu baadhayo in la ogaado meesha biyo macaan looga keeni karo Laascaanood hareeraheeda ilaa 30KM ayaa markii hore SDF waxay ugu talogashay lacag $700 kun dollar (toddoba boqol kun dollar), kadibna waxay mar kale SDF ku dartay $1 milyan dollar kale, markaa lacag hal milyan iyo toddoba boqol kun oo sahamin, ceelal la qodayo iyo haddiiba wax la helo hawsha lagu bilaabayo ayaa loo hayaa Laascaanood, shaqadeediina shirkaddii qandaraaska heshay oo ah Kenyan waxay dalka imanayaan berri (maanta), muddo toddobaad gudihiina hawsha way ku bilaabayaan.” “Magaalada Ceel-afwayn waxaannu markii hore u haynay lacag $500 kun dollar ah, haddana $600 kun kale ayaanu ugu darnay oo biyaha lagu soo gelinayo magaalada marka ceelka loo qado. Waxa kaloo la sugayaa ceel ay qodayso shirkadda la yidhaa DNO oo ah kambani batroolka ka shaqeeya oo ugu deeqay ceel biyood deegaannada Xudun, Darar-wayne iyo Ceel-afwayn, markay ceelkaas qodaan oo aannu rajaynayno inay bilaabaan bisha aakhirkeeda waxa mashruuca SDF biyaha gelinayaa magaalada,” ayuu yidhi Md. Baashe Cali Jaamac, waxaannu intaasi ku daray, “Meesha la yidhaa Fiqi-fuliye iyo Kulaal waxaannu u haynaa lacag dhan $500 kun oo loogu dhisayo laba dhaam oo biyahooda la gelinayo labada magaalo, iyagana hawshoodu way socotaa.” Ugu dambayntii, wasiirku waxa uu ka dhawaajiyey in dib-u-dhaca fulinta iyo dhammaystirka mashaariicdani ay salka ku hayaan hannaanka bixinta lacagta iyo maamulkeeda ee ay u dhigeen qaadhaan-bixiyayaasha ku deeqa iyo shirkadaha gacanta ku haya Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxaannu ka codsaday in la fufudeeyo hawlaha mashaariicda biyaha, maadaama baahi wayn dadku u qabo Leave your comments Login to post a comment Username Password Login Remember me Register Forgot password Post comment as a guest Name (Required): Email: Website: 0 Detect Location Submit Comment Subscribe Comments Stickies Lovies People in this conversation Comments ( 4 ) Sort by Oldest First Sort by Latest First Subscribe with Email Guest - Ronel Permalink Howdy! I know it is fairly away matter however When i seemed to be questioning which web site system are you currently making use of due to this web page? I’m obtaining fed up with WordPress simply because I’ve had problems with cyberpunks and also I’m taking a look at options regarding yet another system. I'd possibly be brilliant should you may stage us toward an excellent system. suntrust online banking about 4 days ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - Elisebeth Permalink That’s is really a great post with the help of which the others can receive the simple rules how to do everything correctly through the interstate and the website. do my essay | essay valley uk 1 day ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - chengfu Permalink Thanks a lot for your auspicious article. It in reality was the moment the leisure time account the item. Look advanced in order to more added reasonable by a person! However, just how could many of us retain in effect? Thanks รองเท้าทรงบัลเล่ต์ 16 hours ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - Linda Permalink Thanks for the great blog post that can completely in love with. I recently a watched a movie documentary on my android mobile , After that I found this website. This website posts are very much interested then that movie I was watching before. Thanks for the great blog. 5 hours ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Stickies Lovies Powered by Komento