Kulankan oo ay soo qabanqaabiyay ururka Maxalliga ah ee Barwaaqo Voluntary Organization [BVO], oo kaashanaya ururka isku xidhka degaanka ee geeska Africa(Horn of Africa Regional Environmental Network,) oo ay ka soo qaybagaleen Wufuud ka kala socota wadammada Bariga Afrika qaarkood iyo khubaro caalami ah.
Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee Somaliland lagu qabto waxa furay Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici waxaana uu socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo diiradda lagu saari doonaa waxyaabaha dhibaatada ku keeni kara deegaanka. Kulankan waxaa ka qayb qaadanaya xubno ka kala yimid wadamada jaarka iyo dunida kale, kuwaasi oo gaadhaya 120, waxaana ka mid ah dad ku xeel dheer aqoonta degaanka oo uu ka mid yahay Dr Rajendra K Pachauri oo u dhashay dalka Hindiya, kuna qaatay jaa’isadda Nopel-ka dedaallada uu degaanka galiyay. Waxyaabaha ugu weyn ee shirka lagaga hadli doono ayaa ah siyaabaha lagaga hortegi karo waxyaabaha deegaanka wax u dhima sida geedaha oo la gooyo, duur-joogta oo la qabto ama la dilo ama la dhoofiyaba, biyo la’aanta, iyo waxyaabaha sababa abaarta.
Furitaankii shirkaasi waxaa ka hadashay Gudoomiyaha ururka BVO Marwo Khadra Cumar, waxaanay soo dhawayn iyo mahadcelin u jeedisay wufuuda meelaha kala duwan ka timid ee shirkaasi ka qayb qaadanaya. Waxay sheegtay inay rajaynayso in waxyaabo degaanka xal u noqda oo muhiim ahi ka soo bixi doonaan gabogabada kulankan.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna furitaanka shirka ka hadlay waxa uu sheegay in shirkani muhiim u yahay mandaqada geeska Africa “shirkani waxa uu muhiimadd-weyn u leeyahay Geeska Africa oo dhan gaar ahaan Somaliland oo boqolkiiba sideetan (80%) ah dad xoolo dhaqato ah,” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka horumarinta deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa iyaduna khudbad ka jeedisay shirkan oo ay tilmaantay ahmiyada uu Somaliland u leeyahay.
Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa isna sheegay in kulankani wax weyn ka tari doono dhawrista degaanka Somaliland. Waxa uu sheegay in xukumaddu dedaallo ka gaysato ilaalinta degaanka, kuwaasi oo ay ka mid tahay mamnuucidda Bacaha oo degaanka u dan ah.
Leave your comments
Login to post a comment
Username
Password
Login
Remember me
Register
Forgot password
Post comment as a guest
Name (Required):
Email:
Website:
0
Detect Location
Submit Comment
Subscribe
Comments
Comments
Sort by Oldest First
Sort by Latest First
Subscribe with Email
No comments found
Stickies
Lovies
Powered by Komento