Munaasabadd ay xilka kula kala wareegeen Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Cali Xuseen Ismacil Jirde iyo Wasiirkii hore Wasaaraddasi Dr. Sacad Cali Shire ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, Waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socday Golaha Wasiiradda ,Barlamaanka,Hayadaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Marti sharaf kale
Wasiirkii hore Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka waramay maraaxilkii kala duwana ee ay Wasaaraddu soo martay mudadi shanta sano ahayd ee uu xilka Wasaaradda hayey waxaanu yidhi “ Wasiirka cusub waxaan ku soo dhawaynayaa shaqaale hufan oo hawl kara ah waxa kale oo aan ku soo dhawaynayaa nidaama iyo dhaqan shaqo”
Wasiir Sacad waxa uu kula dardaraamay Wasiirka cusub ee Qorshaynta cadaaladda inuu sugo inuu wakhtigiisa inta badan siiyo shaqada qabyaaladana ka foogaado.
Waxa kale uu wasiirka cusub u soo jeediyey inuu sii kordhiyo xidhiidhka haayadaha kana warhayo oo uu albaabikiisu u furnaado shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirku waxa uu ku dheeraaday Waajibaadka loo igmaday ee horumarka dalka loona baahanyahay in xil la iska saaro si umadda loo siiyo adeeg hufan oo ay raali ka yihiin
Waxaanu fariin u diray bulshada reer Somaliland oo uu sheegay in la ilaaliyo midnimada, nabada iyo Nidaamka Dawladnimo, waxaanu sheegay inuu xilku yahay Awood iyo Masuuliyad la isku imtixaamayo oo if iyo akhiraba wax la iska waydiinaayo.
Wasiirka Cusub ayaa isaguna dhankiisa sheegay “ Horumarintu waa Hanaan iyo Nidaam Taariikhiya oo u baahan in la sugo halka uu ku aadanyahay”
Waxaanu ka codsaday dhamaan Hayadaha Dawliga ah , kuwa Caalmiga iyo kuwa Maxalig ahba inay ku garab galaan hawshaas balaadhan ee loo igmaday
Wasiirku waxa uu balan qaaday inuu xoojin doono doorka ay hayadaha Dawliga ah iyo kuwa aan ahayn ku leeyihiin Qorshaha iyo Horumarka dalka.waxaana uu ka dhawaajiyey inaan wax dan shakhsi ah aanay Wasaaraddu tixgalin doonin.
Wasaaradda Qorshayntu waxay ka koobnayd sadex waxood oo kala ahaa Waaxda maamulka, Waaxda Qorshaynta iyo Waaxda Xogta, inti ka danbaysay 2010kii Wasaradda waxa lagu daray laba waxood oo kala ah Waaxdda Isu-duwida iyo Waaxdda Horumarinta. Sidoo kale waxa la dhamaystiray dhismihii Wakhtigaas oo badhtamaha marayay iyadoo hadda uu dhamad ku dhawyahay dhisme kale oo cusub oo sadex dabaq ah kaaso lagu soo kordhiyey dhismihii hore ee Wasaaradda. Wasaaraddu waxay xafiisyo qalabaysan ku leedahaya dhamaan lixdii gobal ee hore, iyadoo loo magaacabay ila 7 isku-duwe Gobaladdii hore iyo kuwa Danbeba
Shaqaalaaha ka hawlagala Wasaaradda ayaa hada tiradoodu ay dhantahay 127 shaqaale oo u badan dhalinayro haysata Shahaadada Jaamacadaha, qaarkood ayaa soo dhamaystay fursado Waxbarasho oo ay wasaaradu dibbada ugu dirtay.
Waxyaabaha lagu soo kordhiyey Wasaaradda wax ka mida Goobta lagu kadiyo Buugaagta(Library), Hoolka shirarka oo leh qalabka Muuqaalka lagu wada hadlo ee (Video Conference ), Xafiiska Xidhiidhka Dadwaynaha( Communication) oo leh qayb Istuudiyow loogu talagalay diyaarinta Documentary yada ,qaybta ITda,waxaana la sameeyey laba Website oo midna uu yahay ka Wasaaradda midna lagu kaydiyo xogta Somaliland. Sidoo kale Qol loogu talagay in lagu sameeyo Maababka oo qalabkiisu yaalo iyo qol loogu talagalay Seerfarada ayaa iyagna lagu soo kordhiyey .Qalaka Iskaanka ee la mariyo dadka si amaanka loo sugo ayaa isna ka mida waxyaabaha Wasaaradda laga soo kordhiyey mudadi uu Wasiirka ka ahaa Dr. Sacad Cali Shire
Waxa la hirgaliyey Qorshayaal badan oo ay ka midyihiin
Qorshaha Aragtida Qaranka ee 2030
Qorshaha shanta sano Qaranka ee 2010- 2016,
waxa sidoo kale la hirgaliyey Qorshaha Qaranka ee 2013 ilaa 2016
waxa la sameeyey sahamo iyo cilmi baadhis lagu soo saarayo Xogaha ku saabsan tira koobka dadka iyo Wax soor saarka guud ee dalka
Waxa la diiwaangaliyey in ka badan 564 hayádood oo iskugu jira kuwa caalamiya iyo kuwo Waddaniya, sdioo kale waxa la qabtay shirar caalamiya iyo kuwa maxaliyaba
Barnaamijyada kale ee ay Wasaaraddu ka qayb qaadatay waxa ka mida Mashruuca SDF ee ay malgaliyaan Wadamadda Ingiriiska Norway Denmark iyo Holland oo wax ka taray , xaga Wadooyinka, Biyaha, Beeraha ,Kaluunka iyo Deegaanka , sidoo kale waxay Wasaaraddu qayb ka qaadatay dib u habaynta Sharciyada lagu maareeyo Nidaamka shaqaalaha , Sharciyada lagu maareeyo Miisaaniyadda iyo horumarinta qaybta gaarka loo yaqaano
( private sector
) waxa kale oo ay qayb ka qaadatay Maalgalinta Dekedda Berbera iyo jidka Berbera iyo Wajaale
(Berbera Corridor),
Waxay Wasaaraddu xidhiidho dhaw la yeelatay Hay’ada DIFID DANINA World Bank, Bangiga Africa iyo Hay'ado fara badan oo aduunka ah.
ugudanbayn waxaa shaqaalaha wasaaradda qorshaynta qaranku ku maamuusay wasiirki hore ee wasaaradda Dr.Sa'ad Ali Shire shahaado sharaf waxaana gudoonsiiyay gudoomiyaha shaqaalaha dawlada Maxamed Mixile Boqore
Leave your comments
Login to post a comment
Username
Password
Login
Remember me
Register
Forgot password
Post comment as a guest
Name (Required):
Email:
Website:
0
Detect Location
Submit Comment
Subscribe
Comments
Stickies
Lovies
People in this conversation
Comments (
1
)
Sort by Oldest First
Sort by Latest First
Subscribe with Email
Guest - steven robert
Permalink
Should be shared in my point of view because this is really good. All should know this and should be shared more. Even this online store of
artic rugs
, where their rugs are affordable. They have made it good. Check it out.
15 hours ago
http://maps.google.com/maps?z=15&q=,
0
Like
Share
Short URL:
Facebook
Twitter
Stickies
Lovies
Powered by Komento