Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Kulan Nayroobi Ku Dhexmaray Somaliland Iyo Beesha Caalamka

Weftigii ka socday dawladda Somaliland ee isugu jiray guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed iyo saddexda wasiir ee khaarajiga Sacad Cali Shire, Caafimaadka Saleban Ciise Axmed iyo qorshaynta Cali Salaan Jirde ee safarka shaqo ku tagay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa Jimcihii soo gunaanaday kulamo ay la yeelanayeen wadamada beesha caalamka ee taageera Somaliland, kuwaas oo u bilaabmay Isniintii la soo dhaafay. Kulankii u horeeyay ayay weftiga Somaliland la kulmeen dhawr safaaradood oo kala ah Denmark, Norway, Sweden iyo Finland iyadoo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Ingiriiska, waxa kale oo ay isla maalintaas arkeen ergayga ku xigeenka u ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee ku sugan Kenya kaas oo ku qaabilay xarunta guud ee Qaramada midoobay ku leedahay Kenya. Waxa kale oo ay kulan la yeesheen safiirka wadanka Ireland, safaaradaha Jarmalka, Japan iyo Faransiiska. Waxa kale oo ay la kulmeen safaaradda Holland iyo kooxda lagu magacaabo UN Monitoring group. Safaaradda Ingiriiska iyo hay’adda u qaabilsan mucaawinooyinka ee DFID ayay iyaguna la yeesheen kulan balaadhan. waxa ay masuuliyiinta Somaliland wadamadan uga warameen xaaladda wakhtigan ay Somaliland marayso, waxaanay culayska saarayeen in la kordhiyo deeqaha Somaliland, halka ay safaaradahani weftiga u sharaxayeen deeqaha ay Somaliland siiyaan iyo qorsheyaashooda mustaqbalka. Waxa kale oo ay la kulmeen Baanka horumarinta Afrika iyo Baanka adduunka oo ay iyagana ka wada hadleen sida loo soo kordhin karo mucaawimooyinka Somaliland la siiyo. laba kulan oo adag ayay weftiga Somaliland la yeesheen beesha caalamka. Kulanka ugu muhiimsanaa ayaa ahaa kulan dhacay Jimcihii oo ay wada jir ula kulmeen 16 safaaradood oo kulan kula yeeshay xarunta Midowga Yurub ee Nairobi. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa weftiga dood adag kala yeeshay xaalado ay walaac ka qabaan oo Somaliland ka taagan. Arrimaha ay walaaca ka muujiyeen waxa ka mid ah degenaanshaha iyo nabadgelyada, dimuqraadiyadda, kobaca dhaqaalaha, ilaalinta madaxbanaanida saxaafadda, qabsoomida doorashooyinka iyo waxyaabo kale, kuwaas oo ay muujiyeen sida ay u jecelyihiin in wax looga qabto sida ugu wanaagsan ee ugu suurtogalsan, waxaanay tilmaameen in arrimahan oo aan wax laga qabanin ay dhaawici karaan xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland. Weftiga Somaliland ayaa si wada jir ah uga jawaabay doodaha ay safaaraduhu u soo bandhigeen, waxaanay ka warameen xaaladda amni ee Somaliland oo ay sheegeen inay tahay mid fiican. Waxa kale oo ay sheegeen inay dawladda Somaliland ka go’antahay inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan iyagoo tilmaamay in xukuumadu bixisay qaybtii kaga soo hagaagtay dhaqaalaha lagu qabanayo diiwaangelinta, waxayna wadamadan reer galbeedka ah u soo jeediyeen inay dhinacooda soo daayaan dhaqaalaha laga sugayo ee lagu qabanayo diiwaangelinta.Geesta kale, waxa ay weftigu safaaradahan wada socday uga warameen isbedeladii ku dhacay xukuumadda Somaliland, sida wasiiradii is casilay iyo wasiirada lagu buuxiyay jagooyinkii ay baneeyeen iyagoo tusaale u soo qaatay wasiirada arrimaha dibadda Sacad Cali Shire iyo qorshaynta Cali Salaan Jirde oo kulanka ku sugna Kulan kale oo xiiso lahaa waxay weftigu la yeesheen safaaradda Maraykanka ee Nayroobi. Kulankaas ayaa ahaa kulan ay weftiga Somaliland iyo safaarada Maraykankuna ku soo bandhigaan walaac uu dhinac walba ka qabo dhawr qodob. Weftiga Somaliland waxay Maraykanka ka dalbadeen inay ka fogaadaan wax kasta oo dareen xaasaasi ah ku abuuri kara shacabka Somaliland, iyagoo tusaale u soo qaatay hadalo uu dhawaanahan warbaahinta marinayay Cali Khaliif Galaydh oo uu ku sheegay in safaaradda Maraykanku bixinayso dhaqaalaha ku baxaya wax uu ugu yeedhay samaynta maamulka Khaatumo iyo Maakhir ee gobalada Sool iyo Sanaag, waxaanay masuuliyiinta Maraykanka ahi sheegeen inaanay waxba ka jirin hadalada Cali Khaliif islamarkaana aanay marna ka shaqaynayn wax dhibaato iyo dhaawac u gaysanaya nabadgelyada buuxda ee ka jirta Somaliland. Waxa kale oo ay weftigu ka codsadeen Maraykanka inay kordhiyaan dhaqaalaha ay siiyaan Somaliland, waxaanay safaaradda Maraykanku weftiga uga warbixisay baaxadda dhaqaalaha USAID ay ku bixiso horumarka Somaliland. Safaarada Maraykanka ayaa iyaguna muujiyay dhawr qodob oo ay walaac ka qabaan oo ka taagan Somaliland. Qodobka koowaad waxay ka dhigeen xidhitaanka Idaacadda VOA ee Hargeysa oo uu kulankani  ku beegmay maalintii hawada laga saaray, waxaanay masuuliyiinta Somaliland ka codsadeen in la joojiyo xadhiga deg dega ah ee lagula kacayo mawjada FM-ta ee VOA Hargeysa islamarkaana wixii tabasho ee jira si toos ah loogu soo gudbiyo si wax looga qabto. Iyaga oo dhinaca kalana aad u bogaadiyey go’aanka ay maxkamadda sare ee Somaliland ka soo saartay xadhiga saxaafadda , iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dib u habaynta garsoorka ee uu wado Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo isaga qudhiisuna waftigan ka mid ahaa. Waxa kale oo ay Maraykanku ku booriyeen masuuliyiinta Somaliland in la ilaaliyo xorriyada saxaafadda iyo ilaalinta xuquuqal insaanka, waxaanay balan qaadeen inay ka shaqaynayaan sidii xidhiidh toos ah loo yeelan lahaa islamarkaana loo kordhin lahaa dhaqaalaha Maraykanku siiyo Somaliland. Ugu dambayn waxa ay weftigan Somaliland ee kulamada la soo yeeshay beesha caalamku, la soo noqonayaan laba qodob. Qodobka koowaad ayaa ah inay wax badan soo fahamsiiyeen wadamada beesha caalamka, waxa kale oo ay la soo noqonayaan farriimo ay ka soo qaadeen wadamadaas oo ay tahay inay Somaliland wax ka qabato. Leave your comments Login to post a comment Username Password Login Remember me Register Forgot password Post comment as a guest Name (Required): Email: Website: 0 Detect Location Submit Comment Subscribe Comments Stickies Lovies People in this conversation Comments ( 5 ) Sort by Oldest First Sort by Latest First Subscribe with Email Guest - Nikhil Sharma Permalink nice content. <a href="#"="" href="http://love2173.wordpress.com" target="_blank">http://love2173.wordpress.com">what is true love</a> about 1 month ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - Nimra Imran Permalink This information is shared by "Republic of Somaliland" officials about their major projects and developments in needy and poor areas. Take a look at best custom writing services section and share your comments about it. We have a strong team which is fully loaded with experienced and knowledge. about 3 weeks ago from Karachi, Pakistan 67.00993879999999 24.8614622 http://maps.google.com/maps?z=15&q=24.8614622,67.00993879999999 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - Bradsley Jenssen Permalink TAG Heuer replica orologi annuncia Giancarlo Stanton, giocatore di baseball stella per i Marlins di Miami.Chaque jour, vous passez devant ce sac Replique Sacs Main Chanel Bowling ? about 1 week ago from Italy 12.567379999999957 41.87194 http://maps.google.com/maps?z=15&q=41.87194,12.567379999999957 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Guest - joey chen Permalink Another classic Harry Winston Harry Winston – Ocean Ocean Series Women Double Retrograde watch with its visual design feature filmmaking: the eccentric, sub-panel displays, two retrograde function display panel elegant Smart . This new interpretation of Swiss Replica Watches the technology for the United States, the perfect embodiment of women for the Replica Watches mechanical watch unique taste. Ocean Ocean series of Replica Watches UK women’s double retrograde function watch charm and its unique blend of rhythm appearance to highlight the vitality and harmonious design.Hour and minute hands pointing like a time-scale three-dimensional shape of Cheap Replica Watches the emerald cut, this detail has been ? Mr. Harry Winston (Mr. Harry Winston) most cherished diamond cut shape. From the hour, the minute hand at extending outwardly inlaid with dazzling diamonds, retrograde hands on the disc tray and second weeks