Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Sanaduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo Baabuur ku wareejiyay Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka

Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) ayaa Baabuur kuwa xamuulka qaada ku wareejiyay Wakaaladda Horumarinta  Wadooyinka. Munaasibadan oo lagu qabtay Xarunta Hay’ada Horumarinta Wadooyinka oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta & Gaadiidka, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka iyo masuuliyiin ka tirsan Haayada Waddooyinka Horumarinta , Masuuliyiin ka socday Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF secretariat) iyo Xafiiska xidhiidhka mashaariicda Sanduuqa Horumarinta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka & Horumarinta. Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Pr. Xassan Cali Cusmaan oo kahadlay furitaanka munaasibada ayaa sheegay in uu gaadhigan ka mid yahay deeq Gaaddiid iyo qalab kala duwan oo loogu talagalay Mashaariicda  dayactirka wadooyinka ee ay fulinayso Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, kaasoo uu  gaadhigani ugu horeeyo  iyadoo la filayo in qaybta kalena si dhakhso ah ay u soo gaadhi doonto. Gaadhigan ayaa lagu wadaa inuu  qaado qalabka dayactirka si loogu gaadhsiiyo hadba meesha ay hawsha dayactirku ka socoto.  Maareeyuhu waxa uu intaas ku daray in qalabkani uu waxbadan ka tari doono habsami u socodka hawlaha shaqo ee Waaxdda dayactirka wadooyinka. Mr Anthony Nujue Maamulaha Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF secretariat), ayaa sheegay  in qalabka dayactirka Waddooyinku uu qayb ka yahay tayaynta awooda Haya'da Horumarinta Wadooyinka si loo helo  Waddooyin tayo le oo in badan la manaafacaadsado. Waxaanu uga mahad celiyey Wasiirka Wasaaradda Hawalaha Guud iyo Guryey iyo Masuuliyiinta Hayada Horumarinta Wadooyinka sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan isagoo ku amaanay dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee ay ka sameeyeen mashruuca dibudhiska Waddooyinka Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud, Guryaynta & Gaadiidka Mr, Cali Maxamed Xasan, ayaa isaganu dhankiisa  u mahad celiyay Masuuliyiinta  Sanduuqa Horumarinta Somaliland isagoo xusay  inay jiraan wadooyin badan oo laga hirgaliyay Gobolada Somaliland, oo laga maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)  kuwaas oo u baahan dayactir joogto ah si aanay u khasaarin dhaqaalihii iyo tabacii lagaliyay, wasiirku waxa u intaas ku daray inay u qorshaysantahay in waaxda dayctirka wadooyinku ay xarumo ku yeelan doonto Bariga iyo galbeed Dalka iyo Koox wareegta, si loo joogteeyo dayactirka wadooyinka. Gabagabadii Munaasibada Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Guryaynta & Gaadiidka ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay xubno ka socday Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF Secretariat), Xafiiska Xidhiidhka Mashaariicda SDF (Communication Hub) ee  Wasaaradda Qorshaynta Qaranka , Xunbo matalayey Hay’adda Horumarinta Wadooyinka iyo xubno ka socday  la’aanta Qaramadda midoobey u qaabilsan shaqaalaha (ILO). Leave your comments Login to post a comment Username Password Login Remember me Register Forgot password Post comment as a guest Name (Required): Email: Website: 0 Detect Location Submit Comment Subscribe Comments Stickies Lovies People in this conversation Comments ( 1 ) Sort by Oldest First Sort by Latest First Subscribe with Email Guest - rajneesh21 Permalink I really admire the necessary concepts that you just supply within the content. i'm trying forward for additional necessary thoughts and additional blogs. Kartikeya Sharma about 3 days ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Stickies Lovies Powered by Komento