Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka oo xafiiskiisa kula kulmay Agasimayaasha Hayadaha Manhal,Hargaysa International iyo Arab Medical Union
Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Md Maxamed Ibrahim Adam (Qabyo tire) oo xafiiskiisa kula kulmay agaasimayaasha cisbitaalada caalamiga ee Hargaysa International Hospital
Dr Abdul aliim Thulba
,Manhal
Dr jumcaan yousuf
iyo Arab Medical Union
Dr Ahmed Nabiil
waxaana kulankaas wasiirka ku wehelinayey La taliyaha wasiirka Arimaha ururada Islamiga Mr Abdala iyo Agaasimaha waaxda isku-duwida ee wasaaradda qorshaynta Marwo Ubax .
Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii ay haayadahani uga qayb qaadan lahaayeeen kasoo kabashada abaaraha dhinaca caafimadka iyadoo wakhti xaadirkan qaar kamida gobalada somaliland uu ka dilaacay xanuunka shuban biyoodka .
Intii kulankan socday ayaa waxaa afkaar laysku waydaarsaday sidii wax looga qaban lahaa Xaalada caafimad ee guud ahaan wadanka iyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Sidoo kalena in la abaabulo shir balaadhan oo ay iskugu yimaadaan dhamaan hayadaha Caafimadka oo ay hogaaminayso wasaarada caafimadku iyadoo la kaashanaysa wasaarada qorshaynta,maadaama ay wasaaradda qorshayntu ka codsatay inay soo gubdiyaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen.
Dhanka kale Xubnahan mataleyey haayadahan ayaa balan qaaday inay wax badan ka qaban doonaan dhinaca caafimadka ee ka soo ka bashada Abaaraha .
Gabagabadii shirka wasiirku waxaa uu umahad celiyey xubnahan kasocday haayadahan caafimadka ee ka ka hawlgala wadanka somaliland .