Halkan ka Daawo:Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL, ayaa qaadhaan lacageed ka gudoomay Ururuadda iyo Hay'adaha Islaamiga
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL, ayaa qaadhaan lacageed oo gaadhayaa $7200 ka gudoomay Ururuadda iyo Hay'adaha Islaamiga ah ee ka hawlgala Somaliland. Qaadhaanka ayaa ay hay'adahani waxay ka soo ururiyeen shaqaalaha ka hawlgala ilaa 18 hay'adood ka mida kuwa islaamiga ah, waxaana ay kaga qaybqaadanayaan barnaamijka loogu macag daray kasoo kabashada abaaarta oo ah qaadhan si heer qaran loogu ururinayo si loogu taakuleeyo dadkii ay saamaysay abaartu.