Wafti uu ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo soo kormeeray dib udhiska iyo dayactirka ka socda wadada udhaxaysa Hargaysa ilaa Sheekh
Wafti ka kooban Wasiiro iyo Xubno kale oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan , Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Eng Xuseen Ibraahim Buuni, Wasiir Ku xig
eenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska; Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Maxamed, Agaasimaha Waaxda Horumarinta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Cabdifataax Suldaan Aadan, Masuuliyiin ka socday Hay'adda Horumarinta Wadooyinka iyo Ku Xigeenka Maamulaha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF; Mudane Najax Maxamed Aadan , Ayaa Kormeer shaqo kusoo maray mashruuca dib u dhiska iyo dayactirka waddada isku xidha Xamaas ilaa Degmada Sheekh oo ay ku jiraan biriishyadda Cabaadwayne iyo Hunduse.
Waxaanu ugu horayn halkaas waftigu uu warbixin kaga dhagaystay hawl-wadeenada gacanta ku hayay dib u dhiska iyo dayactirkii lagu sameeyay Jidkaas, iyo Masuul ka socday Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Waxa iyaguna Halkaas ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka; Mudane Eng Hussein Ibrahim Buuni, waxa uu ka waramay ujeedada socdaalkooda oo uu sheegay in ay tahay sidii ay usoo kormeeri lahaayeen una qiimayn lahaayeen halka ay marayaan mashaariicdaasi iyo hawsha ka socota dhismaha biriishka Cabaadwayne oo la rajaynayo in uu dhawaan dhamaado. Sidoo kalena Wasiir Ku Xigeenku waxa uu xusay kaalinta ay wasaaradda qorshayntu ku leedahay Hirgalinta iyo Qiimaynta mashaariicdan laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Isagoo sheegay in ay mashaariicdani wax badan ka qabteen kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka oo isku xidhka dadka iyo dhaqdhaqaaqa alaabtaba aad ugu muhiim ah.
Ugu danbayntii waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan; waxa uu ku dheeraaday muhiimada ay leeyihiin wadooyinku, isagoo sheegay in ay xukuumad ahaan ay ka go’an tahay sidii ay u horumarin lahaayeen Wadooyinka oo ka mida kuwa ugu muhiimsan kaabayaasha dhaqaalaha. Wasiir ku Waxa uu Xusay in wax ku dhaw 9,038km ay Somaliland yihiin wadooyinkeedu (Road Networks), Iyadoo 1,010km oo kaliya ay dhisan yihiin ama dayac tiran yihiin. Wasiirku waxa uu xusay in 149.5km ka mida wadooyinkaas ay dayactir ku samaysay oo laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Ugu danbayntiina Wasiirku waxa uu sheegay in xil badan saaran yahay Wasaaraddiisa, gaar ahaana Haayadda Horumarinta Wadooyinka.