Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Safarkii Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sa'ad Ali Shire iyo Agaasimaha guud ay ku tageen

WasiirkaWasaraadda Qorshaynta Qaranka iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo oo qaatay Mudo lix maalmooda kusoo maray Gobalada Saaxil Togdheer,Sool iyo Sanaag. iyagoo gudanaya waajibaadka qaran ee ay ka masuulka yihiin waxay dhawaan socdaal kormeer iyo hawl gal isugu jira ku mareen gobolada bari ee Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag, waftigan kormeerka waxa hogaaminayay wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ay wehelinayeen Agaasimaha guud ee WQQ&H C/rashiid Axmed Guuleed iyo Agaasimaha waaxda Horumarinta iyo xidhiidhka gobolada ee WQQ&H,Cali C/laahi Daahir. ujeedada Safarkan ayaa iskugu jirtay sidii kormeer iyo qiimayn loogu sameyn lahaa xaalada guud ee xafiisyada Wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta, in shir loo qabto gudiyada Horumarinta ee 4-taa gobol kaasoo lagu qiimaynayo hawlihii uqabsoomay sanadkii dhamaaday iyo kuwa aan wali qabsoomin. Sidoo kale ujeedada safarka ayaa ahayd kormeer indho-indhayna iyo kulano waxaa uu waftigu ugu horayn uu ka bilaabay kormeerkiisa Magaalada BerBera ee Gobalka Saaxil. isagoo shirar kala duwan La yeeshay Shaqaalaha wasaaradda Qorshaynta Qaranka Ee Gobalka Saaxil ,Gudida Horumarka Ee Gobalka oo uu hogaaminayo Gudomiyaha gobalka ,Xubno ka tirsan Bulshada iyo Board-ka jamacada sidoo kale waftigu waxaa uu Booqasho kusoo maray Cusbitaalka Guud Ee magaalada Berbera,waxaanu ka qayb galay Furintaankii Madaarka Berbera isaga oo ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jamhuuriyada somalliland waftigan oo ku guda jira Hawlihiisa shaqo ayaa waxaa uu u ambabaxay Magaalada Burco ee Gobalka Togdheer. waxaa uu shirar kala duwan la yeeshay Shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Ee gobalka Togdheer , kadib waxay kula kulmeen xarunta gobalka badhasaabka Gudiga Horumarinta ee Gobalka isagoo uu gudominayey Gudoomiye ku xigeenka,Waxaa kasoo Qayb galay isku duwayaasha wasaaradaha, Ganacsatada ,ururada Burshada, iyo ardayda Jamacadaha waxayna ka yeesheen Kulan kaasoo wada hadal iyo dood lagu adkaynayo Dardargalinta Gudida horumarinta Gobalka sidoo kale intii lagu guda jiray kulankan ayaa waxaa laysla qaatay in la sameeyo Gudi Diyaarineed oo loo gudbo sidii loo dhisi lahaa gudi fulineed Dabadeedna loo gudbo Gudiga weyn ee Gobalka waftigu isagoo gudanaya hawlihiisa shaqo ayaa waxay u gudbeen Magaalada Laascaanood Ee gobalka Sool iyagoo shirar kala duwan la yeeshay badhasaabka Gobalka,Taliyaha Qaybta,Shaqaalaha wasaarada iyo gudiga horumarinta Ee Gobalka Sool sidoo kale waxay ka qayb galeen shir Balaadhan uu soo abaabulay Gudoomiyaha Gobalka waxa kale oo shirkan kasoo qayb galay isku duwayaasha wasaradaha, Ganacsatada,Ururada Bulshada, cidamada iyo maayarka gobalka. Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo darder galin lahaa loogana shaqayn siin lahaa Gudiga horumarinta Ee gobalka. dhamaan waxaa laysla qaatay ahmiyada ay leedahay Dardergalinta Gudiga Horumarinta ee Gobalkaasi. Waftigu isaga oo sii wata hawlihiisa shaqo waxa uu Ugudbay Magaalada Ceerigaabo Ee gobalka Sanaag halkasi oo ay kulamo kala duwan la yeesheen Shaqaalaha wasaaradda Qorshaynta Qaranka,Gudiga Horumarinta ee Gobalka iyo Ardayda jaamcada Ugu dambayn waxaa uu waftigu kusoo guryo noqday magaalada Hargaisa Halkaasi oo aad loogu soo dhaweeyey Leave your comments Login to post a comment Username Password Login Remember me Register Forgot password Post comment as a guest Name (Required): Email: Website: 0 Detect Location Submit Comment Subscribe Comments Comments Sort by Oldest First Sort by Latest First Subscribe with Email No comments found Stickies Lovies Powered by Komento