Tababarkani waxa uu socday 28
th
– 31
th
March, Waxaana ka qaybqaadanayey 40 Xubnood oo iskugu jira Hawlwadeenada Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF.
Tababarkan oo uu soo diyaariyay Xafiiska Xoghaynta Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa ay ujeedadiisu ahayd sidii Casharo ku saabsan Sahanka Xog ururinta Aragtiyaha Muwaadinka ee Mashaariicda Horumarinta loo siin lahaa hawlwadeenada ka hawlgali doona Barnaamijka. Waxaana mudadii afarta Maalmood ahayd ay ka qaybgalayaashu ku qaateen casharo la xidhiidha ,Qaabka Xogta loo soo ururinayo, Sida dadka loola xidhiidhayo , Sida loo isticmaalayo Qalabka GPS-ka ee lagu soo saarayo goobaha loo asteeyey in Xogta laga soo ururiyo
Tababarkan waxa furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Mr Cabdirashiid Axmed Guleed, isagoo halkaasina hadalo dardaaran ah uga soo jeediyey ka qaybgalayaasha tababarka.
Xog ururintan ku saabsan Aragtiyaha Muwaadinka ee Mahsaariicda Horumarinta, ayaa ka qabsoomi doonta dhamaan gobalada dalka horaanta bisha Afraad ee Sanandkan 2015ka
Waxana lagaadhi doona ilaa 1,634 Qoys oo ku kala dhaqan Lixda gobal ee dalka , iyadoo xogtana laga soo ururin doono ilaa 6,536 Qof oo iyagu ka tirsan qoysaskaasi,
waxa kale oo xogta laga soo ururin doona Waaxyaha Dawaladda , Dhalinyarada, Haydaha Warbaahinta, Ururada Haweenka, Ururada aan dawliga ahayn ,Bulshada Rayidka , Oday dhaqmeedka, Culimaa’udiinka iyo Beelaha laga tirada badanyahay
Waxaana fulinayaa Barnaamijkan Sahanka Xog ururinta Waaxda Xog ururinta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Xafiiska xidhiidhka Mashaariicda Horumarinta Somaliland(Communication Hub)
Natiijada ka soo baxda Xog ururintan Sahanka Aragtiyaha Muwaadinka ee Mashaariicda Horumarintu waxay wax wayn ka tari doonta.
Sidii loo heli lahaa xog saxa oo hagta Qorshaha isku-xidhka Mashaariicda Horumarinta islamarkaana Bud-dhig u noqota Qiimaynta iyo kormeerka Mashaariicda Horumarinta Somaliland.
In la ogaado fikirka Muwaadiniinta ay ka qabaan Mashaariicda Horumarinta iyo Waxqabadka Dawaladda.
In la helo xog hagta Xafiiska Xidhiidhinta Mashaariicda Horumarinta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland(SDF),si ay u dajiyaan fariimo wacyigalineed oo ku haboon Bulshada kuna saabsan waxqabdka Dawladda.
Leave your comments
Login to post a comment
Username
Password
Login
Remember me
Register
Forgot password
Post comment as a guest
Name (Required):
Email:
Website:
0
Detect Location
Submit Comment
Subscribe
Comments
Comments
Sort by Oldest First
Sort by Latest First
Subscribe with Email
No comments found
Stickies
Lovies
Powered by Komento