Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Daah-furka Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland(SDF) ee Gobalada Bariga

Wafti Ka Kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Caafimaadka, Waxbarashada, Kallumaysiga, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Xubno ka socda Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF ayaa   dhagax dhigay  Mashaariic Cusub oo laga hirgalin doono gobalada bari lagana Maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland(SDF). Mashaariicdan laga hirgalinayo  Deegaamadda  kala duwan  ee Gobalada bariga   waxaa fulinaya Wasaaraddaha kala ah  Kalmuumaysiga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha  iyadoo laga-maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF. Waxaa uu ugu horayn Waftigu dhagax dhigeen Goobo laga dhigi doono Baraf dhaliye iyo Qaboojiye loogu talagalay inay dadka ku dhaqan Deegaanka Conqor ay ku kaydsadaan kaluunka, Deegaanka Xiis ayaa sidoo kale waxa la dhagax dhigay Baraf dhaliye iyo Qaboojiye, Dekedda laga hirgalin doono  Degamada Maydh iyo waliba Baraf dhaliye iyo Qaboojiye ayaa ay waftigu dhagax dhigeen. Cusbitaalka guud ee Magaalada Ceerigaabo ayaa isagana dib udhis iyo dayactir lagu samayn doono  iyadoo  laga hawlgalin doono dhakhaatiir ajanabi ah oo  ku takhasuusay cudurada kala duwan. Iskuulka Boodhinka ee Dayaxa ayaa isagana ay waftigu soo dhagax dhigeen dib udhiska iyo dayactirka lagu samayn doono. Dhinaca kalena waxa Degamada Ceel afwayn la dhagax dhigay Mashruuca biyo balaadhinta ee Degaankaasi. Sidoo kale mashaariicda la dhax dhigay wax ka mida  Iskuulka Boodhinka iyo Cusbitaalka guud  ee Magaalada Laas-Canood kuwasoo  lagu samayn doono dib udhis iyo dayactir, iyadoo cusbitaalka Laascanood laga hawlgalin doono dhakhatiir Ajaaniba Intii u waftigu ku guda jiray hawlaha dhagax dhiga mashaariicdan waxay bulshada ku dhaqan deegaanadaasi kala duwan sharaxaad ka siinayeen Mashaariicdan iyo waxyaabaha ay ka tari doonaan baahiyaha ka jira deeganadaasi, Bulshada ku dhaqan Degaanadaas ayaa iyaguna dhankooda uga mahad celinayey Xukuumada iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland mashaariicdan iyagoo sheegay inay ka faa'idaysan doonan wax wayna ka tari doonto baahiyaha asaasiga ah. Leave your comments Login to post a comment Username Password Login Remember me Register Forgot password Post comment as a guest Name (Required): Email: Website: 0 Detect Location Submit Comment Subscribe Comments Stickies Lovies People in this conversation Comments ( 1 ) Sort by Oldest First Sort by Latest First Subscribe with Email Guest - nicoleschroeter Permalink Education in its general sense is a form of learning in which the knowledge, skills, values, beliefs and habits of a group of people are transferred from one generation to the next through storytelling, discussion, teaching, training, or research. Education may also include informal transmission of such information from one human being to another. Visit custom essays writing for reading more articles related to education. about 1 month ago http://maps.google.com/maps?z=15&q=, 0 Like Share Short URL: Facebook Twitter Stickies Lovies Powered by Komento