Waxa maanta si heer qarana looga fuliyey dhamaan gobalada iyo Degmooyinka Dalka Olalaha Naadafada Qaranka. Iyadoo ay ka qaybqaadanayeen dhamaan bulsha waynta reer Somaliland ee ku dhaqan Gobalada iyo Degmooyinku
Hawlwadeenada Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda,Wasiirku-Xigeenka, Agaasimaha guud , Agaasimayaasha Waaxyaha iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa waxay si wayn uga qaybqaateen Ololahaasi. Waxay bartilmaameedsanayeen goobaha qashinka iyo hadhaaga waxyaabaha la isticmaalay yaalaan ee agagaarka Masjidka Markaska tabliiqa ee Bariga Magaalada Hargiesa halkaasi oo ay ka uruiyeen Qashinkii iyo waxyaabaha bilicda waxyeelaya,iyagoo adeegsanaya Gaadiidka iska-rogooyinka oo loogu talagalay inay qashinka qaadaan.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dr ,Sacad Cali Shire ayaa isagoo la hadlaya Warbaahinta waxaa uu sheegay muhiimada ay leedahay ilaalinta Nadaafada Deegaanka Miyi iyo Magaalo, Waxaanu u soo jeediyey Bulsho wayntu inay marwalba ku dadaalaan sidii ay iskaga kaashan lahaayeen si wada jira ilaalinta fayadhawrka iyo Nadaafada.
Leave your comments
Login to post a comment
Username
Password
Login
Remember me
Register
Forgot password
Post comment as a guest
Name (Required):
Email:
Website:
0
Detect Location
Submit Comment
Subscribe
Comments
Comments
Sort by Oldest First
Sort by Latest First
Subscribe with Email
No comments found
Stickies
Lovies
Powered by Komento