Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Doorka ay hay’adaha aan Dawliga ahayni ku leeyihiin horumarka Dalka

Wasiirka Wasraadda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa khudbad aad u xiisa badan ka  jeediyay 7 April, 2015 Xarunta dhaqanka Hargiesa taasi oo uu kaga hadlayey “ Doorka ay hay’adaha aan Dawliga ahayni ku leeyihiin horumarka Dalka” Munaasabadan oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka Xarunta, Ururuda Bulshada, Masuuliyin ka socotay Haydaha Dawlada iyo kuwa aan dawliga ahayn ardayda Jaamacadaha iyo marti sharaf kale ayaa ugu horey Axmed Ibraahim Cawaale oo ahaa Xidhiidhiyaha Barnaamijka ayaa  waxa uu madasha ka akhriyey  sooyaalkii taariikheed ee Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr  Sa'ad Cali Shire iyadoo intaa ka dibna uu Wasiirku khudbadii uu kaga hadlayey Isbedelka Doorka ay hay’adaha aan Dawliga ahayni ku leeyihiin horumarka Dalka uu halkaasi ka soo jeediyey . waxa uu wasiirku si cilmiyaysan uga hadlay Ururada Bulshada Gaar ahaan kuwa sama falka oo uu sheegay inay ka mid yihiin ururada Bulshada ayna yihiin kuwa ugu waxtarka badan. Waxa uu si faahfaahsan uga hadlay Qaabdhismeedka Ururuada Samafalka iyo kaalinta ay ugu jiraan bulshada oo uu sheegay inay bulshada ka taageeraan meelaha ugu muhiimsan isagoo xusay inay dadka ka hawlgalaana u badanyihiin dad si mutadawacnimo ah ugu adeega Bulshada. Wasiirku waxa uu isbarbarshig ku sameeyey ururada Samafalka Bulshada ee Somaliland iyo kuwa dalka ingiriiska isagoo sheegay inay dawlada ingiriiska ka jiraan ilaa 161,000. Oo ururada samafalka halka ay inaga hayadaheena samafalku aad u yaryihiin. Waxa uu wasiirku xusay inay muhiim tahay in la tayeeyo haydaha samafalka ee aanay tirada badani muhiim ahayn.waxa uu ka dhawaajiyey Wasiirku in marka Adeega Samafalka ee dalka la barbar dhigo Dadyawga kale ee Caalamka ay ina tusinayso inaanu wali samafalku aad u dhexgalin dhaqankeena ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Qorshayntu. Isagoo sheegay inay diinteenuna inagu dhiirigalisay u Samafalka Mujtamaca. Taasna lagu gaadhi karo horumar . Ka dib markii uu Wasiirku soo gabagabeeyey Khudbadiisa waxa halkaasi su’aalo Mawduuca la xidhiidha ku waydiiyey Wasiirka xubno ka mid ah ka soo qaybgalayaasha isagoo wasiirkuna su’aalahaa dhamaantood ka jawaabay. Leave your comments Login to post a comment Username Password Login Remember me Register Forgot password Post comment as a guest Name (Required): Email: Website: 0 Detect Location Submit Comment Subscribe Comments Comments Sort by Oldest First Sort by Latest First Subscribe with Email No comments found Stickies Lovies Powered by Komento