Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development
Search ...
Halkan Daawo: Barnaamijka Caafimadka Gobolada Sool iyo Sanaag ee laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)
Barnaamijka Caafimaadka Gobolada Sool iyo Sanaag ee laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF)
Halkan ka Daawo: Xafladda Xilwareejinta Wasiirada Cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta
Xafladda Xilwareejinta Wasiiradii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Wasiirada cusub oo ka dhacday Hall-ka Wasaaradda Qorshayta Qaranka
Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo ka gudoomay hayadaha FAO & Care Qaadhaan lacageed oo ay ugu tallo galeen kasoo kabashada abaaraha
wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland Md Maxamed Ibrahim Adan(Qabyo-tire) ayaa maanta ka gudoomay hayadaha FAO iyo Care International lacag ay ugu talo galeen ka soo kabashada abaaraha.lacagahan ayaa ahaa qaar laga soo ururiyey shaqaalo waynaha hayadahaasi.
Read more: Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo ka gudoomay hayadaha FAO & Care Qaadhaan lacageed oo ay ugu tallo...
Wasiirka Qorshaynta oo shahaadooyin gudoonsiiyey xubnihii kaqayb qaatay diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP2)
kulan ay iskugu yimaadeen shaqaalaha ka hawlgala Wasaaradda Qorshaynta oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta wehelinayeyn Wasiirku -xigeenka Wasaaradda ayaa shahaado sharafyadan lagu gudoonsiiyey xubno iskugu jira shaqaalaha Wasaaradda, la taliyayaal iyo kaaliyaal kuwaasoo ku mutaystay doorkii ay ka soo qaateen diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP2).
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Maxamed Ibraahim Aden (Qabyo-tire) oo furitaankii iyo xidhitaankii kulanka ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay in la is dhiirigaliyo oo hadba kii dadaala la abaalmariyo si kakalena uu ugu day'do, waxaanu Wasiirku amaan iyo bogaadin u soo jeediyey kooxdii dadaalka ku soo bixisay diyaaritna Qorshahaasi oo uu ku aamaanay dhamaystirka iyo sida fiican ee ay u diyaariyeen, isagoo geesta kalena, sheegay in uu noqday qorshahaasi mid ay xukuumadda, golayaasha barlamaanka iyo guud ahaan bulshaduba ku amaaneen Wasaaradda Qorshaynta.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadalay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Mud. Mubaarak Cabdilaahi (Daljir) oo ka waramay doorkii ay ka qaateen xubnahan maanta abaalmarinta la siinayaa isagoo ku amaanay sidii hufnayd ee ay ugala soo shaqeeyeen waaxda qorshaynta.
Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Mud. Axmed Aden Isamaciil (Axmed Kayse) , ayaa isaguna mahadnaq ballaadhan usoo jeediyey hawlwadeenadii ka soo shaqayeeya Qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka, waxaanu tilmaamay in abaalmarintani ay tahay mid ay wada mutaysteen dhamaan shaqaalaha Wasaaraddu balse inta la gudoonsiiyey ay tahay intii gacanta ku haysay diyaartinta qorshahaas.
Wasiirku-xigeenku waxa uu shaqaalaha ku sifeeyey inay yihiin marwalba mishiinka hawlaha isku dubarida oo aanay la'aantood madaxdu shaqayseen, isagoo ku dhiirigaliyey inay saacadaha shaqadana lagu dadaalo oo halkaa laga sii wado.
Waxa kale iyaguna halkaas ka hadleyey xubno matalayey shaqaalaha oo ka waramay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta iyo abaabulka lagu dardargalinayo hawlaha qaranka
Geesta kalena kulanka ayaa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mubaarak Cabdilaahi (Daljir) ku soo bandhigay, qorshaha loogu talagalay in lagu beegsado hirgalinta Qorshahan horumarinta qaranka maadama uu sugayo ina la dhaqan galiyo oo la fuliyo, waxaanu sharaxaad ka bixiyey habka iyo hanaanka loo marayo hirgalintiisa
Gabagadiina waxa halkaasi shahaadooyinkii lagu gudoonsiiyeey xubnahaasi ka soo qaybqaatay diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka ee labaad.
Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-furay Wejiga Labaad Ee Qorshaha Horumarka Qaranka JSL Ee (2017-2021)
Qorshaha Horumarinta Qaranka waxa diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL
Hargeysa, 29 Juulaay, 2017–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Daah furay Wejiga labaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland (The National Development Plan II – 2017-2021).
Xaflada daah-furka shirkan oo lagu qabtay Ambassador Hotel ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha JSL, Madaxda Axsaabta, Masuuliyiin ka kala socday Gollayaasha Qaranka, Wakiilo ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay, Hay’adaha Caalamiga ah, Ururada Bulshada, Laamaha iyo hay’adaha dawladda, Jaamicadaha, Saxaafada iyo marti sharaf kale.
Shirkan uu Madaxweynuhu furay ayaa Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland oo Masuul ka ah Qorshaha Horumarinta Qaranku waxay ku soo bandhigtay waxyaabaha la doonayo in wax laga qabto muddada u dhaxaysa 2017-ka illaa 2021-ka oo uu ku taariikhaysan yahay Wejiga Labaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranku.
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mubaarik Cabdillaahi Dal-Jir, ayaa ugu horreyn faahfaahin ka bixiyey qaybaha uu ka kooban yahay barnaamijkan Qorshaha Horumarka Qaranka ee labaad, isagoo ka warramay waxyaalaha uu kaga duwan yahay kii hore, isla markaana tilmaamay inuu ku sallaysan yahay xogtii laga soo ururiyey Degmo ilaa Gobol.
Wejiga labaad ee Qorshahan Horumarinta Qaranka oo qayb ka ah Qorshaha guud ee Qaranka Somaliland ee 2030-ka, ayaa Wasaaradda Qorshayntu sheegtay in muddadaa Mudnaanta la siinayo, lagana shaqaynayo Arrimaha ay ka midka yihiin, Yaraynta Saboolnimada, Abuurista Fursado Shaqo, Dhiiri-gelinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, Kor u qaadidda Wax-soo-saarka Dalka; Dalagga Beeraha, Kalluumaysiga iyo Arrimo kale oo muhiim u ah Horumarinta Nolosha Shacabka Reer Somaliland Miyi iyo Magaalaba.
Qorshahan oo Wasaaradda Qorshayntu muddo diyaarinaysay, ayaa la doonayaa inay ku shaqeeyaan Hay’adaha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera Horumarinta Adeegyada aasaasiga ah, halkii awal hore Hay’ad kasta si Madax-bannaan Dalka uga fulin jirtay Mashruuc ay Qorshihiisa samaysatay.
Munaasibadda lagu furay Wejiga labaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ay ka qayb-galeen Wasiirro, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Hay’adaha Somaliland taageera Qaarkood iyo Daneeyayaal kale, ayaa waxa ugu horreyn hadal uu ku sharraxayo Ujeeddada Shirkan oo ka furmay Huteelka Maansoor ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), waxaanu yidhi “Waxaynu leenahay yool ah siday Somaliland u ekaan doonto 2030-ka, yoolkaasi wuxuu hiigsanayaa sidii loo heli lahaa Dal deggan, Nabad ah, Dimuqraadiyad ah, Dadku haystaan una siman yihiin Dhammaan adeegyada kala duwan iyo kaabayaasha Nolosha.”
Wasiir Qabyo-tire oo hadalkiisa sii wattaa wuxuu sheegay “Xukuumaddu waxay sannadkii 2012-kii ku dhaqaaqday in laga midho-dhaliyo hiigsiga, lana Abuuro Qorshe Qaran 2012-2016-kii ku ekaa. Markii uu dhammaaday Qorshihii Qaran ee 2012-2016 waxaanu samaynay Qiimayn, waxaana soo baxday in Hay’ado badan oo Dawli ah ama Caalami ahi aanay ku dabaqin Barnaamijkii horumarineed, Maaddaama oo ay innagu cusbayd Nidaamka Qorshaha Qaranku. Haddaba Annaga ka faa’ideysanayna dhacdooyinkaas iyo kuwii ka soo baxay Qiimayn aanu ku samaynay Qorshaha cusub ee 2017-2021-ka siday noqon lahayd waxaanu la waddaagnay dhammaan Hay’adaha iyo ururrada Bulshada ee ku shaqada leh. Nasiib-wanaag ah in Hay’aduhu noogu dhego-nuglaadeen inay nagala qayb-qaataan Barnaamijka, Barnaamijkaasi oo aanu ka soo bilownay Heer Degmo, Heer Gobol illaa Heer Hay’adeed.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Barnaamijkan oo aanu ka shaqeynaynay muddo laba Sanadood ah wuxuu soo maray Marxalado kala duwan. Qorshaha guud ee Horumarinta Qaranka waxa Muc u ah Saddex Arrimood, kuwaasi oo kala ah yaraynta Saboolnimada, kor u qaadidda u adkaysiga Masiibooyinka ka dhasha Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalninta xuquuqda Aadamaha. Sidaasi darteed Somaliland waxa ka go’an inay masuul ka noqoto dhismaha Aayaheeda dhaqaale, si ay Dhallinyaradeeda u siiso waxay u qalmaan, waxaanu ku faraxsannahay in Qorshahani horseedi doono horumar laga gaadho Adeegyada Bulshada iyo la dagaalanka Saboolnimada. Ugu dambayn Qorshaha Horumarinta Qaranku wuxuu xoojinayaa sidii Mucaaw