Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Somali

Republic of Somaliland Ministry of National Planning and Development Search ... Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Hay’ad laga leeyahay Waddanka Suudaan Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Mud. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, ayaa  Xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Hay’ad lagu magacaabo Humanitarian Aid& Development oo laga  leeyahay Waddanka suudaan kana hawlgasha dhinaca Arimaha Bani’adaminimadda iyo Horumarinta. Waftiga oo uu  hogaaminayay Cabdalla Kharsaam oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Somaliland ayaa ujeedada ay u yimaadeen ahayd sidii ay xafiis uga furan lahaayeen Somaliland. Intii kulankani uu socday ayey labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal oo ay ugu horeyso hirgalinta xafiis cusub oo ay hay'adu ku yeelan doonta Somaliland iyadoo ka hawlgali doonta dhinacyada Waxbarashada, Beeraha iyo Caafimaadka. Furitaanka Mashruuca Dib udhiska Waddada Kalabaydh-Dila Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa xadhiga ka jaray waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dila  oo  dhan 21 km, taasoo lagu sameeyey dib udhis dhamaystiran, waxaana laga maalgaliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Mashruucan oo ku kacay lacag dhan 2.03 milyan ayaa ka koobnaa dhismaha laami cusub iyo biriish jiifto ah oo laga dhisay magaalada Dila. Munaasabadd si rasmiya  loogu furayay waddada oo lagu qabtay magaalada Dila ayay ka soo qayb galeen Madaxwaynaha Jamhuuriaydda Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiil ka socday Waddamada  Qaadhan- bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Tan iyo markii la dhisay waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dila oo ahayd 1980 ayaan laguma samayn waxa dayactir ah oo la taaban karo, taasina waxay keentay in waddadu ay noqoto mid aad u burbursan oo ay ka samaysmeen godod waawayn hareerahan ka soo yaraatay, taasoo keentay in gaadiidku ay gabi ahaanba ka weecdaan iyagoo isticmalaaya inay maraan waddada hareeraheeda. Dawladda Somaliland waxay hore u dhamaystirtay dayactirka waddada isku xidha Dila iyo Borama laakiin qaybta waddada ee u dhaxaysa Kalabaydh iyo Dila ayaa muudo badan dayacnayd. Xaaladda waddada oo aad u xumaatay awgeed ayaa keentay in wadaddii burburtay gabi ahaanba la qaado, kadibna la dhigay lakab cusub oo ka kooban caratuul , jay iyo sib isku dhafan hoostana laga soo dhisay. Waxa kale oo loo sameeyey saaqiyado cusub oo ay biyuhuu maraan iyo calaamadaha wada marista ee loogu talagalay badbaadada gaadiidka. Dib udhiska waddadu waxa uu keenay in uu hoos u dhaco in ka badan 50% nooligii lagu raaci jiray  gaadiidka u kala goosha magaalooyinka Hargaysa iyo Borama iyo in uu yaraado wakhtigii loo kala socon jiray Kalabaydh iyo Dila oo markii hore ahayd 50 daqiiqo hada loo kala socdo 15 daqiiqo. Waxa kale oo dhamaystirka waddadu keenay in darawaliintu ay kalsooni ku qabaan safarka ay galayaan iyagoon ka warwarayn xaaladda cimilada gaar ahaan xilliyada roobka. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) oo ka hadlay muhiimadda ay waddudu leedahay ayaa waxa u yihdi “ Farxad wayn bay ii tahay inaan maanta ka soo qaybgalo furitaanka waddada Kalbaydh iyo Dila ee laga maalgaliyey mashruuca SDF. Siyaasadda Qaranku waxay muhiimadda siinaysaa inuu waddanku isku xidhmo oo aynu horumarino waddooyinka. Waddadanina aad ayey ahmiyad u leedahay ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu ina la qabto oo aynu halkaa ka sii wadno horumarka ” Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guriyeeynta Mudane, Cali Xasan Maxamed oo isaguna xusay natiijada mashruuca dib udhiska waddada waxaanu yidhi “ Waxa sharaf inoo ah in aynu maanta halkan xadhiga kaga jarno mashruuca waddada Kalabaydh-Dila oo 21 km ah oo tayadeedu sareyso lagana maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Waxaan u sheegayaa anigoo uga mahad celinaya dowladdaha inaga caawiyay mashruucan in lacagtii ay bixiyeen ee ay Somaliland ku caawiyeen ay gashay halkii loogu talagalay meel baahi wayn looqabayna lagu daboolay.” Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali shoombe)  ayaa isaguna dhankiis uga mahadnaqay qaadhaan-bixiyayaash Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF taageeradda ay siiyaan Somaliland waxa kale oo uu Wasiirku yidhi  “ Aniga oo ku hadlaya afka gudida maamusha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (JSC), waxaan halkan ka sheegayaa inuu mashruucan dib udhiska waddada Kalabaydh-Dila yahay mid lagu guulaystay oo midho dhal ah, waddadanina ay muhiimad wayn u leedahay isku xidhka Gobalka Awdal iyo goballadda Kale ee Somaliland. ” Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo Dawladda Somaliland kaas oo soconaya muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo Qorshaha Shanta Sanno ee dhinaca Horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Dawlada Ingiriiksa (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), Dawladaha Norway iyo Boqortooyada Netherlands. Xafladda Dhagax-Dhigga Dhismaha Shaybaadhka Tayada Biyaha, Hargeysa Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa xaflad ugu  samaysay xarunteeda Hargeysa dhagax dhigga shaybaadh cusub oo Tayada Biyaha lagu baadhayo. Iyada oo shaybaadhku yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee dalka la keeno, marka dhismihiisu  dhammaado ayaa loo isticmaalaa la socoshada Tayada Biyaha si loo hubiyo badbaadada biyaha Hargeysa iyada oo la baadhayo in biyaha aanay la socon khashinnada, bakteeriyada, miridhka biraha iyo maadooyinka kimikada ah; sidaasna lagu hubin doono in dadka gaadhaya 1 milyan ee deggan magaalada Hargeysa iyo dadweynaha kale ee Somaliland ay helaan biyo nadiif ah. Xafladda dhagax-dhigga waxa si rasmi ah u furay madax sare oo ka tirsan Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe), Guddoomiyaha Guddida Biyaha Hargeysa Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis. Mashruucan waxa maalgelinaya Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxana la filayaa inuu ku dhammaado muddo afar bilood ah. Mashruucu waxa uu ka kooban yahay dhismaha xarunta shaybaadhka iyo qalabayntiisaba iyada oo lagu rakibayo qalab casri ah oo lagu hubiyo tayada biyaha. Isaga oo ka hadlaya xafladdan ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe) u mahadnaqay qaadhaan bixiyayaasha maalgeliya Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxana uu yidhi: " Waxan aad ugu faraxsanahay in aan goob joog ka ahaado xafladdan lagu dhagax-dhigayo dhismaha shaybaadhka tayada biyaha oo ay leedahay Wakaaladda Biyaha Hargeysa kaas oo ah midkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee dalka la keeno. Taasi waxay muujinaysaa sida Dawladda Somaliland uga go'an tahay in ay kor u qaado tayada nolosha dadweynaha. Waxan sidoo kale u mahadnaqayaa qaadhaan bixiyayaasha maalgeliya Sanduuqa Horumarinta Somaliland sida mugga leh ee ay u taageeraan hirgelinta mashaariic nolosha dadka Somaliland si toos ah u taabanaysa" Guddoomiyaha Guddida Wakaaladda Biyaha Hargeysa Marwo Edna Adan ayaa iyaduna ka hadashay xafladda waxayna tidhi sidatan: " “Sharaf wayn ayay maanta ii tahay inaan goob joog ka ahaado meeshan lagu dhagax dhigayo shaybaadhka biyaha. Biyuhu waa nolosha noloshuna waa biyo, waxaan odhan karaa waa horumarada waawaayn ee lagaadhay. Waxaynu maanta higsanaynaa in biyaha aynu cabayno aynu hubino” Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad ayaa isaguna ka warramay sida ay uga faa'idaysan doonaan shaybaadhkan tayada biyaha: " Marka dhismaha shaybaadhka tayada biyaha la dhamaystiro, Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay awood u yeelan doontaa in ay samayso baadhis ku saabsan tayada biyaha, si joogto ahna ula socoto in biyo nadiif ah la gaadhsiiyo dadweynaha Hargeysa. Wakaaladda Biyaha Hargeysa waxay aad ugu mahadnaqaysaa qaadhaan bixiyayaasha taageera Sanduuqa Horumarinta Somalilan