Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Somali

Republic of Somaliland Ministry of National Planning and Development Search ... Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda biyaha ayaa maanta dhagax dhigay wajiga labaad ee mashruuca horumarinta biyaha ee Gargooray Mashruucan horumarinta biyaha deegaanka gargooray ee gobolka Awdal ayaa wajigiisii hore waxaa uu ahaa qodista hal ceel biyood oo riig ah ,wajiga labaadna waxaa uu noqon doonaa dhisida nidaamka qaybinta biyaha iyo aasaasida maamulka adeega biyaha oo ka kooban dhisida taangi lagu kaydiyo biyaha iyo dhisida dararka xooluhu ka cabaan. Munaasibadan dhagax dhiga ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiiru dawlaha wasaaradda khayraadka biyaha mudane Mahdi Cismaan Buuri, Gudoomiyaha degmada boon ,iskuduwaha wasaaradda biyaha ,shirkadaha ku gulaystay dhisida nidaamka qaybinta biyaha,salaadiin iyo odayaasha deegaanka. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay xubno iskugu jira masuuliyiinta deegaanka gargooray oo sheegay inay soo dhawaynayaan wajigan labaad ee mashruuca horumarinta biyaha ee deegaanka gargooray . Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay madaxa mashruuca horumarinta biyaha Maxamed farah Cabdi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa”maanta waxaan halkan u joognaa wajigii labaad oo ah horumarinta nidaamka qaybinta biyaha oo ay ku jiraan qasabadihii ,dararkii kale ee ay xooluhu ka cabayeen,taangiyadii iyo agab kale oo nadaaafada” Dhanka kale waxaa gudoomiyaha degmada Boon Mudane Maxamed Adam Huseen uu ka waramay xaalada biyo la,aaneed ee ka jirtay deegaanka waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “halkan aynu joogno waxaa nagu soo maray ceelkan ceelkii ka horeeyay oo mudo badan la qodoyey oo aan waddo lahayn, ayaa la yidhi hadaad 48 sacadood  ku banayn waydaan meel riigaasi maro wuu iska noqonaya buurtan aynu joogno ayaa waxaa lagu baneeyey mudo 8 saacadood oo kaliya waxaana galay 300 nin, hawsha noocaasa ee anu   galnay ayaanu hadana ku khasaarnay inaanu biyo helno” Gabagabadii munasibadan dhagax-dhiga ayaa waxa ka hadlay wasiiru dawlaaha wasaaradda khayraadka biyaha waxaana hadaladiisi kamid ahaa “maanta waxaan idiin dhagax- dhigaynaa mashruuca horumarinta biyaha ee deegaanka gargooray wajigiisii labaad ,ma noqonayso markii isku keen dambaysay ee insha allaah ballayo iyo ceelalna waan idiin qodi doonaa” Wasiirka Wasaarada Deeganka oo tobabar usoo xidhay qaar kamida shaqaalaha Gobalada ee wasaarada deeganka Mashruuca Awood dhisidda maamulka Wassaradda, dhul-daaqsimeedka iyo kaymaha  waxaa fuliya wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga waxaana laga maal galinayaa sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Ujeedada mashruucan ayaa ah Tayaynta shaqaalaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer miyaga iyadoo la tababarayo shaqaalaha wasaarada deeganka iyo dhismayaasha xafiisyada gobolada (Xarunta Hargeeya, Berbera, Boorama, Burco, Laascaanood, Ceerigaabo Saylac iyo Sheekh.) hadaba Wasiirka Wasaarada  Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga Somaliland ayaa maanta waxay usoo xidhay 15 kamida shaqaalaha gobolada ee wasaarada deeganka oo mudo 18 cisho tobabar uga socday xarunta wasaarada deegaanka Xafladan lagusoo xidhayay tobabarka ayaa waxaa ay ka qabsoontay xarunta wasaaradda deegaanka ee gobalka maroodijeex,waxaana kasoo qayb galay dhamaan shaqaalaha dhamaystay tobabarkan . Shaqaalahan ayaa waxaa lagu tobabarayey maaraynta iyo maamulka dhul daaqsimeeyada,Tobabrkan ayaa waxaa laga maal galinayaa sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF,waxaana uu ka mid yahay tobabarada kor loogu qaadayo aqoonta iyo garaadka shaqaalaha wasaarada deegaanka iyo horumarinta Somaliland. Ujeedada tobabrkan ayaa ah sidii aqoon buuxda ay shaqaalahu ugu yeelan lahayeen maamulka iyo maaraynta dhul-daaqsimeedka . Wasiirka waasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo shukri xaaji ismaaciil Baandare ayaa kula dardaarantay shaqaalaha qaatay tobabarkan inay uga faa,ideeyaan aqoonta ay barteen deeganada iyo gobalada ay ka kala yimaadeen waxaana hadaladeedii kamid ahaa “ujeedada tababarkani waxaa weeyi fursad inaynu siino gobalada maxaa yeelay qofka halkan jooga kama shaqayn karayo gobalada sida ceerigaabo sool iyo gobalada kaleba,markaa waa inaynu xoojinaa  dadka halkaa ka shaqeeya, lagulana xisaabtamo hadhaw oo lagu dabagalo wixii ay barteen iyo cilmigii ay barteen waxay ku qabteen ,waxaana laydinkasugayaa inaad idinku sii tobabartaan  dadka kale sida dadka ilaaliya kaymaha " Sidoo kale waxaa isna dareenkiisa ka waramay khabiirkii bixinayey tababarka sida uu ugu faraxsan yahay inuu tobabar u qabto shaqaale da,yar waxaanu  kula dardaarmay inayna la seexan aqoonta ay barteen ee ay uga faa,ideeyaan bulshada reer Somaliland . Dhanka kale waxaa iyaguna dareenkooda ka waramay shaqaalahan qaadanayey tobabarka waxayna ka warameen aqoonta ay ka faa,ideen ,dhankooda balan qaaday inay uga fa,idayn doonaan gobaladii ay ka kala yimaadeen. Daahir Ahmed Qolanbi waxaa uuu ka mid yahay shaqaalaha qaadanayey tobabarkan  waxaa uu ka waramay sida ay u arkaan tobabarkan iyo waxyaabaha ay ka fa,ideen mudadii uu socday tobabarkani waxana hadaladisii ka mid ahaa "waxaan odhan lahaa tabarkani wuxuu ahaa tababar aad u qaaliya macalimiinta bixinaysayna ay ahaayeen macalimiin lasoo xulay,khabiirkan tababarka nasiinayey  wuxuu nooga faa,ideeyey labada wadan ee Somaliland iyo Sudan wax yaabaha ay iskaga midka yihiin  maadaamo oo ay cimiladoodu isku dhaw dahay ,waxaan ku baraney sidii loo dajinlahaa istiraatijiyada  daaqa ,waxaanu balan qaadaynaa inaan ku celindoono wixii aan halkan ka baranay gobaladii aan kakala nimid.” Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka oo si wada jir ah u gudoonsiiyey Shahaadoyin 25 ka mida shaqaalaha dawlada ee gobalka sool Wasiiradda wasaaradaha waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa si wada jira u gudoon siiyey shahaadooyin 25 kamida shaqaalaha wasaaradaha waxbarashada,Caafimadka iyo Qorshaynta ee gobalka sool oo mudo 7 bilood ah baranayey maaraynta iyo maamulka mashaariicda . Xaflad lagu soo xidhay tobabarkan ayaa waxaa ay ka qabsoontay hall-ka shirarka wasaaradda caafimadka ee magaalada laas-anood ,waxaana ka soo qayb galay wasiirka wasaarada waxbarshada Md C.laahi Ibraahim habane, wasiirka wasaarada caafimadka Md Saleeban Ciise Ahmed(Xaglo –toosiye ),Maayarka Magaalada Las-canood ,badhasaab ku xigeenka gobalka Agaasimaha Guud ee Machadka Tobabarka shaqaalaha dawlada Guiled Omar ,saladiin bulshawaynta ku nool magaalada laas-canood iyo shaqaalaha wasaaradaha qorshaynta,caafimadka iyo wax barashada ee gobalka laas-canood Ujeedada tobabarkan ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqooneed ee shaqaalaha dawlada Somaliland waxaana laga maal galinayaa sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF Waxaana fulinaya Machadka tobabarka shaqaalaha dawlada Somaliland ee CSI. Intii xafladu socotay waxaa lasoo bandhigay mashaariic kala duwan oo ay diyaariyeen   wasaaradihii qaadaneyey tobabarkan . Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee machadka tobabarka shaqaalaha dawlada mudane Gulled Omer waxaana uu ka waramay ujeedada tobabrkan iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay shaqaalaha dawladu unoqon lahaayeen shaqaale tayo leh Sidoo kale waxaa isna madashasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Caafimadka mudane Saleeban Ciise Ahmed (Xaglo toosiye)ayaa isna dhankiisa kula dar daarmay shaqalaha tobabarkan qaatay inay bulshada uga faa,ideeyaan aqoonta ay barteen,dhanka kalena umahad celiyey shaqalahu sida fiican ee ay u dhamaysteen tobabarkani. Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada waxbarasha Mudane C.laahi Ibraahin habane ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “ujeedada loo tababarayo shaqaalaha wasaarada caafimadka ,waxbarashada iyo qorshayntaba waa sidii loo heli lahaa maamul fiican”sidoo kalena waxaa uu kula dardaarmay shaqaalaha inay dadaalka halkaasi ka si wadan oo ay u shaqeeyaan qaranka si horumar loo gaadho . Gabagabadii xafladan  waxaa shahaadooyin la gudoon siiyey xubnihii dhamaystay tobabarkan sidoo kalena waxaa abaal marino la gudoonsiiyey wasaaradihii iyo xubnihii ugu dhibcadaha badnaa imaanshaha tobabarka Xafladda Furitaanka Mashruuca Dib u dhiska Waddada isku xidha Xama