Republic of Somaliland
Ministry of National Planning and Development
Search ...
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafti ka socda Hay’ada USAID
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mud. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde ( Cali Shoombe) oo uu weheliyo Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Mud. Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu ka kooban Agaasimaha Hay’ada USAID ee Somaliland iyo Somalia
Tyler Beckelman
iyo masuuliyiin ka socota hay’ada USAID oo ay ka mid yihiin Madaxa xafiiska Siyaasadda iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Xafiiska Xasilinta dhaqaalaha ee Hay’adaasi, ayaa kulanka ay la yeesheen Wasiirka iyo ku-xigeenkiisa waxa la isku waydaarsaday xogo ku saabsan mashaariicda kala duwan ee ay Hay’ada USAID ka wado dalka. Waxa kale oo ay ka wada hadleen labad dhinac sidii ay hay’ada USAID uga qayb qaadan lahayd hirgalinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sano ee soo socda. Gabagabadii shirka waxay la isla qaatay sii xoojinta wada shaqaynt labada dhinac.
Dufcadii 2aad ee mashruuca awood dhisida shaqaalaha dawlada (CSP2) oo ka qalin jabiyey macadka tobabarka shaqaalaha dawlada
Xaflad loo qabtay 85 xubnood oo kamida shaqaalaha dawlada oo ka qalin jabiyey machadka tobabarka shaqaalaha dawlada ee CSI ayaa maanta lagu qabtay hotel Ambassador ee magaalada hargaisa
Shaqaalahan oo mudo 7 bilooda baranayey maaraynta mashaariicda ayaa waxay ka kala socdeen wasaaradaha Waxbarashada,Caafimadka,Kaluumaysiga,Qorshaynta,Macdanta iyo Wakaalada biyaha ee magaalada hargaisa .
Tobabarkan awood dhisida shaqaalaha dawlada Capacity surge project (CSP2) ayaa waxaa laga maal galinyay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF,waxaana fulinayey machadka tobabarka shaqaalaha dawlda ee CSI .
Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirada wasaaradaha cadaalada,qorshaynta ,gudoomiyaha hayada shaqaalaha dawlada ,agaasimaha machadka tobabarka shaqaalada dawlada, Agaasimaha wasaarada waxbarashada ,Agaasimaha wasaarada macdanta iyo tamarta,xubno ka socda DFID,xubnaha qalinjabinayey iyo martisharaf kale,waxaana gudoomineyey wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka mudane cali ismaciil xuseen jirde .
Ugu horayna waxa xaflada furay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka mudane cali Ismacil Xusen(Cali shoombe) oo ka hadlay xafladan ayaa waxaa uu sheegay muhiimada ay leedahay aqoontu waxaanu xusay wasiirku in qiimaha uu bini aadam leeyahay tahay waxbarasho sheegayna horumarka bulshadu inay ku xidhan tahay hadba aqoonta iyo tabobarka ay bulsho leedahay.
Sidoo kale waxaa madasha isna ka hadlay gudoomiyaha hayada shaqalaha mudane Maxamed mixile boqore ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad naqay shaqalaha ka qalin jabiyey machadka tobarka shaqaalada dawlada waxaana uu ka waramay muhiimada mashruucani u leeyahay shaqaalaha dawlada si loo hurumariyo tayada shaqaalaha dawlada.
Waxaa isna dhankiisa ka hadlay Agaasimaha Machadka shaqaalaha dawlada mudane guleed Omer ayaa isna dhankiisa ka waramay tobabarkan iyo madadii uu socday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray waxaana uu sheegay in tobabarkan uu ka qabsoomayeymagaalooyinka Hargaisa ,Ceerigaabo iyo Las-anood .
Intii xafladani socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay propsalo ay qoreen wasaaradihii iyo wakaladadihii tobabarkan qaadaanayey.
Gabagabadii xafladan waxaa shahaadooyin la gudoon siiyey xubnihii dhamaystay tobabarkan sidoo kalena waxaa abaal marino la godoonsiiyey wasaaradahii iyo xubnihii ugu dhibcadaha badnaa imaanshaha tobabarka
Madaxweynaha JSL oo furay Shirka 9aad ee isuduwidda Mucaawinooyinka Somaliland
Hargeysa
– Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo ayaa maanta furay Shirka 9aad ee Isuduwidda Mucaawinooyinka Somaliland oo lagu qabtay Hudheelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa.
Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa ka qaybgelaya wakiillo ka socda dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca hormarka, saaraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adaha Qaramada midoobey,laamaha kala duwan ee dawladda Somaliland, wakiilo ka socda bulshada rayidka ah iyo saxaafadda gudaha.
Waxaa shirkan wada guddoominya Wasiirka Qarsheynta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaacii (Cali Shoombe), Kira Smith Madax-xigeenka safaaradda Denmark ee dalka kenya, Phil Evans madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska (DFID) u qaabilsan Somaliland, iyo Peter de Clercq ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee isuduwidda hawlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland.
Labada maalmood ee uu shirku socdo waxa lagu gorfayn doonaa habsami-socodka hawlaha horumarineed ee qaranka, diyaar-garawga doorashooyinka soo socda ee dhici doon bisha March, 2017, qiimeynta aafooyinkii abaaruhu geysteen iyo sii amboqaadka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sanno ee soo socda.
Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa furitaankii shirkan ka sheegay in xaaladda amni iyo nabad gelyo ee ka jirta Somaliland ay suurto-gelisay wadashaqayn buuxda oo dhexmarta dawladda Somaliland, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka, isagoo ku amaanayna beesha caalamka taageeradda dhinaca horumarka iyo arimaha bani’aadanimadda ee ay siiyaan bulshadda Somaliland.
Madaxweynuhu wuxu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in aanay Somaliland ka mid ahayn dawlad-goboleedyada Soomaaliya, kana qayb geli doonin doorashooyinka ka dhacaya dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.
Peter de Clercq ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee isuduwidda hawlaha bani’aadanimo ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland, ayaa isaguna dhankiisa sheegay in tiraba markii sadexaad ee uu Somaliland yimaado ay tahay marba marka ka danbaysana uu sii xiisaynayo. Waxa kale oo uu xusay kaalintii ay ka qaateen abaarihii baahsanaa ee dhacay Somaliland isagoo dhanka kalena sheegay sida loogu baahanyahay in laga gaashaanto in aanay abaarahaasi oo kale soo noqon. Waxaanu ka dhawaajiyey inay waddaan qorshe loogu talagalay sidii wax looga qaban lahaa biyaha roobabka ee iyagoo qulqulayaa badda galaya si looga faa’ iidaysto. Masuulkan ayaa waxa kuu ka dhawaajiyey sida ay ugu raja waynyihiin in doorashada soo socotaa sidii loogu talagalay u qabsoomi doonto.
Kira Smith Madax-xigeenka safaaradda Denmark ee dalka kenya, ayaa ka warantay taageeradda beesha caalamku la garab taagantahay Somaliland waxaanay ku amaantay xukuumadda iyo shacabka somaliland horumarka dhinaca dimuqraadiyadda iyo nabadgalayadda. Sidoo kale waxay ka sheegtay inay taageerayaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sano ee 2016 -2021ka kaasoo diyaarintiisu meel fiican marayso. Waxay tilmaamtay sida ay beesha caalamku u danaynayso doorka haweenka ee siyaasadda iyo dhawrista xuquuqda haweenka iyo xoriyatul qawlka.
Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Furtay Dhamaystirka Mashruuca Biya Gelinta Xaafadaha Ayaha 1 &2 ee Hargeysa
In ka badan 10,000 dadka ku nool xaafadaha Ayaha 1 iyo 2 ee daafaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan dadka danyarta ah ee barakacayaasha ayaa loogu talo galay in ay ka faa’idaystaan Mashruuca Biyo Gelinta Xaafadahaas. Mashruuca waxa hirgelisay Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxana laga maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Dadka deegaanku waxay maalintii heli doonaan biyo nadiif ah oo dhan 302M3.
Munaasibadda furitaanka rasmiga ah ee dhammaadka Mashruuca waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Mudane Baashe Cali Jaamac, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis iyo Masuuliyiin ka socotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Mashruucan oo qaatay muddo dhan hal sanno (April 2015 - April 2016) waxa uu ka kooban yahay dhigidda beebabka biyaha masaafo dhan 5.1 Km, dhismaha 7 kaalmood oo biyaha laga dhaansado oo midkiiba leeyahay 4 qasabadood iyo laba nooc oo qalabka biyaha tuura oo lagu rakibay xarunta biyo safaynta ee Xaraf.
Isaga oo ka hadlaya munaasibadda lagu qabtay Ayaxa ee lagu furayay Mashruuca ayaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Mudane Cali Shoombe uga mahad naqay qaadha