Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Somali

Republic of Somaliland Ministry of National Planning and Development Search ... Maalinta Deegaanka Adduunka oo Somaliland Laga Xusay Maalinta caalamiga ah ee deegaanka oo sannad kasta la xuso 5-ta June ayaa si wayn looga xusay Jamhuuriyadda Somaliland. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta  Reer Miyiga ayaa Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa ku qabatay  munaasabad balaadhan oo lagu xusayo maalintan  oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale. Hal-ku-dhegga sanadkan ayaa ah “Dhiiri galinta Tamarta Badalka u Noqon Karta Dhuxusha iyo Xaabada ” Marwadda Koowaad ee Qaranka Somaliland Aamina Waris Sh. Maxamuud Jirde oo   furitaanka munaasabadda ka hadashay ayaa tidhi “ Nolosha dhaqan dhaqaale ee dadka reer Somaliland waxay ku tiirsan tahay xoolaha nool,dalaga beeraha iyo khayraadka dhirta, taasi waxay marag madoon u tahay sida tooska ah iyo sida dadban ee nolosha dadka Somaliland ugu tiirsan tahay dhirta iyo daaqa. Hadaba, maanta oo ah maalin wayn anigoo ka faa’idaysanaya fursadan qaaliga ah waxaan bulshada reer somaliland u sheegayaa inay deegaanka dalkooda ilaashadaan, oo ay feejignaan dheer u yeeshaan cidkasta oo burburinaysa; hadaanay bulsho waynta reer somaliland la shaqayn Wasaaradda Deegaanka suurtagal noqon mayso in Wasaaraddu geed walba ay askari iyo qof shaqaala  ah hoos dhigto” Dhanka kalena, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Hourmarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare), ayaa iyaduna ka warrantay ahmiyadda deegaanku u leeyahay nolosha iyadoo fasir ka bixisay dhibaatadda ugu badan ee hadda haysata oo ay ku tilmaantay gummaadka dhirta qoyan ee laga shidayo dhuxusha, waxaanay tidhi “ waad arkaysaan maanta dhibaatada ina haysata  ee ay keentay cimiladda isbeshay hawadii ayaa kululaatay, cadceedi ayaad mooda in dusheena la saaray , roobabkii ayaa yaraaday oo inaga raagay , markaa maanta waxay u baahanahay haweenow idinkaa kijada ku jiree in aynu bedelno isticmaalka dhuxusha oo aynu ku bedelno tamarta kale ” Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka ayaa isaguna ka waramay muhiimadda xuska maalinta iyo sida ay muhiimka u tahay in la isku baraarujiyo hadba wixii deegaanka dhibaato ku haya waxaanu sheegay  in nolosha dadkeeenu ku xidhantahay wax soosaarka deegaanka dadka aduunkana aynu uga nugul nahay waxyeeladda cimiladda isbedelaysaa waxaanu yidhi “Nolosheenu waxay ku xidhantahay xoolaha, xoolaha noloshoodu waxay ku xidhatahay daaqa dhulka ka soo baxa hadii daaqa la waayana xoolaha la waayi doona, hadii xoolaha la waayana nolosheena la waayi doonaa” Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiiro ka tirsan xukuumada iyo xubno ka socday shirkadaha tamarta dhuxusha lagu beddelayo  keenay, dhammaantoodna waxay dhiirigaliyeen in la ilaaliyo deeganka lagana takhaluso wixii dhibaato ku keenaya oo ay ugu horrayso gubidda dhirta si dhuxul looga sameeyo. Wasaaradda degaanku iyada oo la kaashanaysa Wasaaraddaha Ganacsiga, Maaliyada iyo Tamarta waxay ku guulaysteen  in cashuur dhaaf loo sameeyo tamaraha badalka u noqon karta dhuxusha iyo xaabada sida gaasta hawada ah ee la shito (Butane gas), cashuur dhaafkaas oo loo sameeyay wuxuu keenay in qiimahoodu hoos u dhaco oo taasina ay keentay in dad badani iibsadaan. Tusaale  ahaan  haanta 10 kg ee gaasta la shito ah shirkada SomGas waxay siin jirtay 30 Dollar bilawgii, halka manta ay ku iibiyaan 20 Dollar. Sidoo kale, Wasaaradda Degaanku waxay ka howl gashay sidii loo dhiiri galin lahaa isticmaalka geedka garan waaga ( prosopis ) oo laga heli karo xaabo iyo dhuxulba, taas oo badal u noqon karta dhirta kale ee la gumaadayo. Waxaa cilmi baadhiso badan oo laga sameeyay lugu ogaaday in geedka garan waagu noqon karo badal fiican, kaas oo buuxin kara kaalinta dhirta kale. Wasaaradda degaanku waxa kale oo ay ku guulaysatay in la sameeyo xeerka kaymaha iyo duur-joogta 69/2015. Xeer kaasi wuxuu wax wayn ka tari doonaa ilaainta iyo daryeelka dhirta iyo duur-joogta. Ugu danbaynna, Wasaaradda Deegaanku waxay ugu baaqaysaa bulshada Somaliland in ay daryeelaan deegaanka, waayo deegaanka fayow ee badqaba ayuun baa lagu noolaan karaa, waana waajib saaran qof kasta oo muwaadin ah inuu dalkiisa iyo dhulkiisa ka ilaaliyo wixii dhibaato u keenaya. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo daahfuray shirka qabyo qoraalka siyaasada guud ee dhulka Shirkan yaa waxaa uu socon doonaa mudo 2 cisho ah waxaa soo qaban qaabiyay haayada nabada iyo horumarinta Somaliland Shirkan  oo ka qabsoomay huteel maansoor ee magaalada hargaisa ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha qorshaynta, deeganka, beeraha, hawlaha guud gaadiidka iyo guryaynta, xanaanada xoolaha,xildhibaanada golaha deegaanka iyo marti sharaf kale. Ujeedada shirkan ayaa ahayd in lagu soo bandhigo daraasad ay samaysay haayada nabada iyo horumarinta Somaliland iyo in lays la eego qabyo qoraalka siyaasada guud ee dhulku yeelan doono,siyaasadan qabyo qoraalka oo ka kooban nidaamka kala xadaynta dhulka oo loo qaybiyey dhul dan guud ah oo ay umadu leedahay una maamuli doonto dawladu,dhul gaar loo leeyahay iyo dhul ay bulshadu leedahay. Madaxweyene ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland muden c.raxmaan ismacil saylici ayaa  ka waramay dhibaatada dhulka oo aad u sii badanaysa,waxaana uu madaxweyne ku xigeenku kula dardaarmay xubnihii ka soo qayb galay shirkan inay u dul qaataan oo ay dhamaystaan mudada kooban ee shirku socdo waxaa sidoo kale kahadlay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka ahna gudoomiyaha gudiga siyaasada guud ee dhulka isagoo sheegay in muhiimda shirkan layskugu yimid ay tahay in laysla eego islamarkaana lagu daro wixii ka dhiman sidoo kale waxaaa uu wasiirku sheegay in dhibaatada ugu way ee jirta ay tahay dhulka,dhulkaasi oo aan sifo sharci ah loo adeegsanayn oo laga ootay xoolihii iyo dadkii oo ay ooteen shakhsiyaad gaara Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay maayarka magaalada hargaisa mudane c.raxman soltelco oo isna dhankiisa ka waramay dhibaatada ka haysata dadka dhinacyada dhulka. Gabagabadii shirkan waxaa lagu soo bandhigay warbixin ka hadlaysa qabyo qoraalka siyaasada guud ee dhulka Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Daah furay Mashruuc kor u qaadaya Dhaqaalaha Dalka Xafladan  lagu daahfurayey mashruuca tayaynta  ilaha dhaqaalaha ee Somaliland oo ka qabsoontay xarunta baanka aduunku ku leeyahay magaalada hargeisa ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka ,wasiiru dawlaha wasaaradda qorshaynta qaranka ,wasiirka wasaaradda ganacsiga, xubno ka socda baanka aduunka,ururada bulshada,baanka dhexe ee Somaliland iyo ururada ganacsatada ee Somaliland. Ujeedada mashruucan ayaa ah sidii looga caawin lahaa Somaliland caqabadaha maalgashi ee ka hor yimid. hadaba si looga hortago dhibaatooyinka maalgashi ee Somaliland ayaa waxaa si wadajira mashruucan iskaga kaashanaya dawlada Somaliland iyo baanka aduunka . waxaa lagu soo bandhigay warbixino la xidhiidha sida uu mashruucani u shaqaynayo  waxaana kamid ahaa nagiib xaaji oo so bandhigay warbixin laxidhiidha  dib u eegista barnaamijka maalgashi ee Somaliland intii shirkani socday ayaa waxaa dood dheer laga galay sidii uu u shaqayn lahaa mashruucani . mashruucan waxaa ku bixi doona lacag dhan 3 million oo dollar . Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland oo ka hadlay u jeedada mashruucan ayaa waxaa uu si faah faahsan uga waramay caqabada ganacsi iyo maalgashi ee ka horyimid Somaliland Sidoo kale waxaa isna dhankiisa ka waramay Mr suhial Kassim Muhiimada uu mashruucani u leeyahay Somaliland sheegayna inay gacanta ku haynayso dawlada Somaliland isla markaana maamuli doonto Gabagabadii  waxaa si wada jira u furay mashruuca wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka mudane Cali ismacil xuseen jirte(Cali shoombe)  iyo mr suhail kassim oo ah hogaamiyaha kooxda shaqada ee baanka aduunka. Shir ay iskugu Yimaadeen Gudiga Qorshaha Qaranka Oo Ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka shirkan oo uu gudoominayay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta s