Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Somali

Republic of Somaliland Ministry of National Planning and Development Search ... Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga oo xafiis cusub looga dhisay gobolka sanaag waxaa  si rasmi ah ula kala wareegay dhismaha cusub ee xafiiska gobalka Sanaag ee wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga Maareeyeha mashruuca Horumarinta iyo Dhul-daaqsimeedka ee wasaaradda deegaanka iyo isku duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobalka Sanaag. Abdikariin aadan cumar oo ah  Maareeyeha mashruuca Horumarinta iyo Dhul-daaqsimeedka ee  wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxaa uu dhismaha cusub ee Gobalka Sanaag ku wareejiyey isku duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobalka Sanaag  Mudane Xuseen Cismaan Xasan Talaahi. Munaasibadan xil-wareejinta dhismahan  cusub ee Gobalka Sanaag  ayaa waxay ka qabsoontay barxada xafiiska cusub ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee magaalada ceerigaabo,ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Mashruuca tayaynta horumarinta dhul daaqsimeedka ee wasaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga mudane abdikarim adan omer ayaa waxaa uu ka waramay muhiimada dhismahani u leeyahay wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga sidoo kalena u mahad celiyey qaadhaan bixiyayaashii ka caawiyey dhismayaasha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga,sidoo kale waxaa uu kula dar daarmay maareeyuhu inay ilaashadaan dhismahan cusub isku duwaha wasaaradda deeganka iyo shaqaalaha wasaaraduba. Ugu dabayn waxaa isna dhankiisa balan qaaday inay ilaalin doonaan dhismahan cusub isku duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga xilna iska saaridoonaan uguna adeegi doonaan qaranka somalaliland ,gaar ahaan gobalka sanaag Mashruucan oo laga maal galinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ayaa waxaa uu ka kooban yahay ,tayaynta wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga. ayadoo loo dhisayo xafiisyada gobalada sida xarunta Hargaisa,Berbera,Boorama Las-canood ,Ceerigaabo,Saylac iyo Sheekh sidoo kale aasaasidda lix urur bulsho oo maamula kaymaha iyo lix goobood oo xanaanaynta iyo abqaalka dhirta oo ku kala yaala Borama, Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Sheekh iyo Hargeysa oo ay ka faa’idaysan doonaan kudhawaad 60,000 oo qof iyo Dayactirka lix goobo dhuldaaqsimeed iyo samaynta lix urur bulsho oo maamula dhuldaaqsimeedyadaa oo ku kalayaal, Qool-caday, Gunburaha, Baho-dhamal, Lafaruug, Aroori iyo Tuunyo. Waxa ka faa’idaysan doona ku dhawaad 410,000 oo qof. Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socday Qaramadda Midoobay Waftigan Oo Uu Hogaaminayey Dr. Peter Declerq Oo Ka Socday Xafiiksa Isku Xidhka Hayadaha Qaramadda Midoobay Iyo Xubin Ka Socotay Hayada Qaramadda Midoobey U Qaabilsan Qaxootiga Aduunka Ee UNHCR,Ayaa Maanta Kullan Laqaatay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Cali Xuseen Ismaaciil(Cali Shoombe). Ujeedada Socdaalka Waftigan Oo Ahayd Xogogaal U Noqoshada Arrimo La Xidhiidha Abaaraha iyo  Bara- Kacayaasha Ku Dhaqan Magaalooyinka Somaliland. Intii Uu Kulankani Socday Waxay Waftiga Iyo Wasiirku Ka Wada Hadleen Xaalada Guud Ee Abaaraha . Sidoo Kale Wasiirka Ayaa Ka Warbixiyay Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland Ee NDP. Gabagabadii Kullankan Ayaa Lagaga Hadlay Sidii Loo Xoojinlahaa Wada Shaqaynta Dawlada Somaliland Iyo Xafiiska Isku Xidhka Hayadaha Qaramadda Midoobay. Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo shir u qabtay waaxaha Qorshaynta ee wasaaraddaha iyo hayadaha Dawladda shirkan oo ka qobsoomay hotel maansoor ee magaalada hargaisa ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan agaasimayaasha waaxaha qorshaynta iyo xogta ee wasaaradaha iyo hay,adaha dawliga ah ,waxaana shirkan soo qaban qaabisay wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta . Ujeedada shirkan ayaa waxay iskugu jirtay qodabada ay ka mid yihiin, in la fahmo waajibaadka waaxaha qorshaynta iyo xogta ,sidoo kale in la fahmo noocyada kala duwan ee qorshayaasha wadanka si qorshe sanadeedka wasaaradduhu u noqdan mid fulinaya tilmaamaha iyo talooyinka ku xusan qorshaha horumarineed ee qaranka . shirkan waxaa si rasmi ah u furay wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka mudane kaysar cabdilaahi waxaana uu ka  waramay ahmiyada shirkani u leeyahay agaasimayaasha waaxaha qorshaynta iyo xogta ee dawlada,wasiirkuxigeenku sidoo kale waxaa uu sheegay in sharkani laga dhigi doono mid joogto ah si kor loogu qaado qorshayaasha horumarineed ee wasaaradaha, siduu u fuli lahaa qorshaha wadanka ee shanta sanno (2012-2016) iyo qorshaha horumarineed aragtida fog 2030. intii shirkani socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay war bixino ay ka mid yihiin noocyada kala duwan ee qorshayaasha wadanka sida qorshaha horumarineed  qaranka iyo qorshaha horumarinta gobalada,sidoo kale waxaa lagu so bandhigay warbixin la xidhiidha kaalinta laga filayo  waaxaha qorshaynta. gabagabadii shirkan  ayaa waxaa lagu soo bandhigay daraasad ka hadlaysa caqabadaha haysta waaxaha qorshaynta ee wasaaradaha iyo hay,adaha. ugu dambayn waxaa dood dheer laga galay caqabadaha hortaagan waaxaha wasaarada qorshaynta iyo sidii loo xalin lahaa.waxaana shirka soo xidhay agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka mudane xasan horri Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga oo xadhiga ka jartey dhisme cusub oo laga hir galiyay degmada Sheikh Mashruucan oo laga maal galinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ayaa waxaa uu ka kooban yahay ,tayaynta wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga. iyadoo loo dhisayo xafiisyada gobalada sida xarunta Hargaisa,Berbera,Boorama Las-canood,Ceerigaabo,Saylac iyo Sheekh sidoo kale, Aas aasida lix urur bulsho oo maamula kaymaha iyo lix goobood oo xanaanaynta iyo abqaalka dhirta oo ku kala yaala Borama, Ceerigaabo, Laascaanood, Burco, Sheekh iyo Hargeysa oo ay ka faa’idaysan doonaan kudhawaad 60,000 oo qof iyo Dayactirka lix goobo dhuldaaqsimeed iyo samaynta lix urur bulsho oo maamula dhuldaaqsimeedyadaa oo ku kalayaal, Qool-caday, Gunburaha, Baho-dhamal, Lafaruug, Aroori iyo Tuunyo. Waxa ka faa’idaysan doona ku dhawaad 410,000 oo qof. Hadaba waxaa  si rasmi ah ula kala wareegay dhismaha cusub ee xafiiska degmada sheikh ee wasaaradda  deegaanka iyo horumarinta reer miyiga  maamulaha mashruuca tayaynta wasaaradda deegaanka  iyo isku duwaha wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga ee gobalka sahil. Abdikariin aadan cumar oo ah madaxa mashruuca tayaynta wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxaa uu dhismaha cusub ee degmada sheikh ku wareejiyey isku duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobalka Sahil marwo Faadumo cali rooble. Munaasibadan xil-wareejinta xafiiska cusub ee degmada sheikh ayaa waxay ka qabsoontay barxada xafiiska cusub ee wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay maamulaha mashruuca tayaynta wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga mudane abdikarim adan omer ayaa waxaa uu ka waramay muhiimada dhismahani u leeyahay wasaaradda deeganka iyo horumarinta reer miyiga sidoo kalena u mahad celiyey qaadhaan biyahayaashii ka caawiyey dhismayasha wasaarada deeganka Wefti Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Iyo Qaadhaan-Bixiyayaasha Oo Soo Kormeeray Qoolcaday Hargeysa (08.03.2016)- Masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Wasiirka iyo Wasiriir-u-dawlaha Wasaraadda Xannaanada Xoolaha, Wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Kaluumaysiga Iyo Ciyaaraha, Qaar Ka mid ah Madaxdhaqmeedka Iyo Aqoonyahanka Deegaanka iyo Masuuliyiin ka socday dhanka Qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera Horumarka. Ujeedada Socdaalkooda waftigan ayaa ahayd inay soo kormeeraan goobaha deegaanka Qolcaday ee Wasaaradda Xannaanada Xooluhu ka waddo Mashaariic horumarineed oo la xidhiidha xannaanada xoolaha iyo daryeelka deegaanka. Waftigu markii ay gaadheen Qoolcaday waxa si diiran ugu soo dhoweeyey bulshada deegaanka iyaga oo ku qaabilay farxad iyo waji furan, k