Somaliland Ministry of Planning Logo
Republic of Somaliland

Ministry of National Planning

and Development

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Somali

Republic of Somaliland Ministry of National Planning and Development Search ... Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo soo Gabagabaysay Olole Dhir Lagu Qaybinayay Hargeysa, Somaliland- 7 February 2016, Wasaaradda Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga waxay dugsiga Nuradiin kusoo gebagebaysay olole qaran oo bilihii u danbeeyey ay fulinaysay  Wasaaraddu kaas oo lagu horumarinayey deegaanka, gaar ahaan kan caasimadda. Munaasibadda gunaanadka ololahan waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismacil Baandare. Ujeedada ololaha ayaa ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada ee ku aaddan ilaalinta iyo kor u qaadidda deegaanka iyo sidii loo horumarin lahaa bilicda goobaha waxbarashada. Intii ololahani socday waxa la qaybiyay 60,000  geed   oo loo qaybiyay ilaa 40 dugsi, iyo 4 jaamcadood oo ku yaalla Magaalada Hargiesa Ololahan waxa hal ku dheg looga dhigay "Geed Beer" waxana fulinaysay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga oo maalgelin ka helaysa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) Wasaaraddu iyada oo ka duulaysa waajibaadkeeda shaqo ee qaranka ay uga masuulka tahay, waxay go'aansatay in ay daboosho baahi balaadhan oo ka jirta goobaha waxbarashada iyo masaajidada oo aan lahayn dhir ku filan, waxayna furtay qabashada araajida codsiyada dhir cusub oo lagu beero goobaha waxbarasho iyo masaajidda iyada oo lagu xidhay shuruudo la xidhiidha badbaadada iyo joogteynta koritaanka dhirtaas, gaar ahaan helidda biyo lagu waraabiyo iyo in laga ilaaliyo xoolaha iyo wixii kale ee dhibaato soo gaadhsiin karaba. Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxa uu ka taageeraa Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Mashruuc ku qotama horumarinta deegaanka kaas oo ka kooban saddex qaybood oo kala ah: Xoojinta Awoodda Maamul ee Wasaaradda Deegaanka ee Khayraadka Dabiiciga ah Dhismaha iyo Qalabaynta Xafiisyo cusub oo laga hirgalinayo Xarunta dhexe ee Wasaaradda ee Hargeysa iyo gobaladda iyo Degmooyinka sida Saylac Boorama, Berbera, Sheekh, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood Asaasida lix urur Bulsho oo maamula kaymaha iyo lix goobood oo xanaananyta iyo abqaalida dhirta oo ku kala yaala Hargeysa, Boorma, Ceerigaabo, Laascaanood, Burco iyo Sheekh oo ay ka faa’iidaysanayaan ku dhawaad 60,000 qof Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ah deeq lacageed oo loogu talagalay in lagu caawiyo Dawaladda Somaliland hirgelinta Mashaariicda Horumarineed, waxa maalgeliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan Dawladda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), iyo Dawladaha Norway iyo Netherlands. Wasaarada Qorshaynta Oo Tobabar U Qabatay Waaxaha Qorshaynta Iyo Xogta Ee Wasaaradaha Dawladda Tababarkan Oo Ka Qabsoomay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeisa  Oo Socon Doona Mudo 7 Cisho ah ayaa waxa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, waxaana maalgalinaya  Hayadda Qaramada Midoobay ee UNFPA . Ujeedada Tababarkan ayaa ahayd Sidii Kor Loogu Qaadi Laahaa xirfada aqooneed ee Shaqaalaha waaxaha Qorshaynta iyo Xog-ururinta ee Wasaaraddaha. Tababarkan mudada uu socdo waxa lagu baran doonaa culuum ku saabsan mala-awaalka la xidhiidha korodhka Bulshada,  Saadaalinta Mustaqbalka marka laga eegayo dhinacayada kala duwan. Dhamaadka Tababrkan  waxa La filayaa Inuu wax wayn ka tari doono heerka Aqooneed ee Shaqaalaha Wasaaradaha ka qaybgalay tababarkan. W/Kuxigeenka Cusub Ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Oo Xilkii Kala Wereegay W/Kuxigeenkii Hore Ee Wasaaradda Munaasibad balaadhan oo ay xilka kulla kala wareegayeen wasiirkuxigeenkii hore ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka mudane Cabdiraxmaan Yusuf Ismaaciil iyo Wasiir kuxigeenka Cusub Mudane Kaysar Cabdilaahi ayaa  lagu qabtay Holl-ka shirarka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Hassan Cumar Horri oo ugu horayn furintaankii madasha kahadlay ayaa  uga mahadceliyay muddadii ay wasiirkuxigeenka soo wadashaqaynayeen soona dhaweeyey wasiirkuxigeenka cusub. wasiirkuxigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yusuf ismaaciil ayaa  ku soo dhaweeyay wasiirkuxigeenka cusub ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka isagoo sheegay inuu ku wareejinayo w/kuxeenka cusub shaqaale ixtiraam iyo wadashaqayn Hufan leh. Wasiirkuxigeenka cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa isaguna dhankiisa u mahadceliyay madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda Qorshaynta Qaranka sheegayna inuu si hufan oo hagar la’aana ula shaqayn doono, waxaanu sidoo kale sheegay in ay farxad dheeraad ah u tahay wadashaqaynta wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka mudane Cali Xuseen Ismail(Cali Shoombe). Gabagabadii waxaa soo xidhay munaasibada Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Xusseen Ismaaciil(Cali Shoombe) waxaanu u mahad celiyay wasiirkuxigeenkii hore ee wasaaradda  mudadii ay wada shaqaynayeen, waxaanu sidoo kale soo  dhaweeyay wasiirkuxigeenka cusub ee wasaaradda isagoo sheegay in ay muddo badan  soo wada shaqaynayeen, maantana isku noqdeen bahda Qorshaynta qaranka Munaasibad balaadhan oo ay xilka kulla kala wareegayeen wasiirkuxigeenkii hore ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka mudane Cabdiraxmaan Yusuf Ismaaciil iyo Wasiir kuxigeenka Cusub Mudane Kaysar Cabdilaahi ayaa  lagu qabtay Holl-ka shirarka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Oo Baanka Aduunka Kala Wereegay Daraasad Ay Sameeyeen Munaasibadan Ay Xogta Kula Kala Wareegayeen Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Iyo Baanka Aduunka, Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb Galay Masuuliyiin Ka Socday Baanka Aduunka,Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda Qorshaynta Iyo Qaar Kamida Shaqaalaha Wasaaradda . Ujeedada Kulankan Ayaa Ahayd Munaasibad Ay Wasaaradda Qorshaynta Qaranku Kula Wareegaysay Xog Ku Saabsan Ganacsiga Gaarka  Ah, Xogtan Oo Ka Caawinaysa Qorshaha Horumarineed Ee Shanta Sanno Ee Soo Socda(2017-2022) .Xogtan Ayaa Waxaa  Ka Wada Shaqeeyey Wasaaradda Qorshayna Qaranka Somaliland Iyo Baanka Aduunka. Daarasadan Uu Sameeyey Baanka Aduunka Ayaa Waxay Ka Kooban tahay Sadex Qaybood Oo Kala Ah Ganacsiga Gaarka Ah, Qaybta Maal Galinta Sida Baananka Iyo Sidii Looga Gudbi Laaha Caqabadaha Hortaagan Ganacsiga Gaarka Ah Ugu Horayn Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Mudane Cali Ismacil Huseen Jirde(Cali Shoombe) Oo Ka Waramay Muhiimada Ay Daraasadan Ama Xogtani U Leedahay Ka Qayb Qaadashada Qorshaha Horumarineed Ee Shanta Sonno Ee Soo Socda(2017-2022) Sidoo Kale Waxaa  Ka Hadlay Masuuliyiin  Ka Socday Baanka Aduunka Oo Igaduna Dhankooda Ka Waramay Muhiimada Xogtani U Leedahay Qorshaha Horumarineed Ee Shanta Sonno Ee Soo Socda . Gabagabadii Kulankan Ayaa Waxaa Uu Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranku Kala Wareegay Baanka Aduunka Xogta Ku Saabsan Ganacsiga Gaarka ah. Sanaduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo Baabuur ku wareejiyay Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) ayaa Baabuur kuwa xamuulka qaada ku wareejiyay Wakaaladda Horumarinta  Wadooyinka. Munaasibadan oo lagu qabtay Xarunta Hay’ada Horumarinta Wadooyinka oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta & Gaadiidka, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka iyo masuuliyiin ka tirsan Haayada Waddooyinka Horumarinta , Masuuliyiin ka socday Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF secretariat) iyo Xafiiska xidhiidhka mashaariicda Sanduuqa Horumarinta ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka & Horumarinta. Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Pr. Xassan Cali Cusmaan oo kahadlay furitaanka munaasibada ayaa sheegay in uu gaadhigan ka mid yahay deeq Gaaddiid iyo qalab kala duwan oo loogu talagalay Mashaariicda  dayactirka wadooyinka ee ay fulinayso Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, kaasoo uu  gaadhigani ugu horeeyo  iyadoo la filayo in qaybta kalena si dhakhso ah ay u soo gaadhi doonto. Gaadhigan ayaa lagu wadaa inuu  qaado qalabka dayactirka si loogu gaadhsiiyo hadba meesha ay hawsha da